KOOXAHA REER AFRIKA U SOO BAXAY ISREEB REEBKA KOOBKA ADDUUNKA OO SAFAR KU SII AH WADAMADA ANGOLA IYO SOUTH AFRICA
31 May 2008
Kooxihii Qaarada Afrika u soo gudbay is reeb reebka ay ugu sii gudbayeen ka qaybgalka koobka Adduunka 2010 ee ka dhici doono dalka South Africa, ayaa maanta la qorshaynayay in kooxuhu dib ugu bilowdo, kaas oo sida ku cad isku aadka jadwalka socon doono ilaa iyo bisha Oktoobar 2008.
Afartan iyi Lix dal ayaa weli u soo taagan is reeb reebka ka dhaxeeyo 23-ka qayb ee ay qaaradu ka kooban tahay si ay uga guul gaaraan labada koob ee kala ah, kan koobka Adduunka ka dhici doono South Africa 2010-ka iyo tartanka 27aad ee African Cup of Nations.
Farxada qaaska ah ee uu u leeyahay reer Afrika sanadkaan kuwa u gudbo isreeb reebkaas, waxay nasiib u yeelanayaan in ay ka qayb galaan tartankaas markiisii ugu horaysay oo qaarada Afrika lagu qabto.
Taageerayaasha ka kala socdo wadan kasta oo ka qayb galaya labadaas tartan ayaa tabaabusho xoogan ugu jira sidii ay tikidhada ugu sii diyaarsan lahaayeen si ay u taageeraan wadamadooda.
Kooxda group-ka koowaad ee Ghana oo ahayd tii cayaartii finalka African Cup of Nations 2008 ku guuldaraystay cayaartii ayaga iyo libaaxyada dalka Cameroon dhexmartay ayaa isku arkaya tartankaan Cape Verde magaalada Yaoundé.
Sidoo kale kooxda dalka Tanzania ayaa iyadana waxay fooda is dari doonaan kooxda dalka Mauritius, kuna wada cayaari doonaan magaalada Dar es Salaam, kulanadaas oo dhamaan la filayo in ay maanta oo sabti ah dhacaan.
Kooxda reer Tanzania oo cayaartii saaxibtinimo ka badisay kooxda dalka Malawi asbuucii hore ayaa hadana ku kalsoon in ay maantana shaqo ka qabtaan kooxda dalka Mauritius, oo ayana cayaartii saaxibtinimo ku guuldaraysatay 1 - 3 gool, kulankii dhex maray ayaga iyo kooxda (first division-ka) ah ee dalka France.
Shimbirkii qoorta dheeraa ee dalka Uganda, oo laga waayay 30-kii sano ee la soo dhaafay kulanada kama danbaynta ah ee Qaarada Afrika ayaa markaan xaadir ah, una dabaal dagaya markii ugu horaysay ee ay weligood ka qayb galaan tartanka is reeb reebka koobka Adduunka, una diyaar ah in ay is qaabilaan kooxda dalka Niger ayagoo ku wada cayaari doono garoonka Nakivubo Stadium ee kampala. Waxaa kaloo kula jira Group-ka 3aad kooxda dalka Benin oo iyadana is arki doonaan kooxda dalka Angola oo kor loo soo qaaday (as hosts) maadaama wadankeeda hada lagu dheelayo.
Sidoo kale kooxaha Group-ka Afraraad ayay iska arki doonaan Kooxda South Africa ee loogu yeero (Bafana Bafana) oo uu horkacayo macalinka dhalashadiisu tahay Brazil ee Joel Santana, ayaa kooxdiisu ku sii jeedaan dalka Abuja si ay uga hor tagaan kooxda dalka Nigeria oo lagu magacaabo (Super Eagles).
Inkastoo kooxda South Africa ee (Bafana Bafana) ay iyaduna ku soo baxday banaanka (as hosts) maadaama wadankeeda lagu qabanayo tartankaan ayaa runtii ay rajadoodu aad u xun tahay maadaama ay ku guul daraysteen labadii kulan ee ugu danbeeyay ay yeesheen.
Kooxuhuna waxay isku arki doonaan sidan:
Dhamaan kuwa ka soo baxo group-yadooda iyo Sideeda ku soo xigta ee ugu fiican (8 best runners-up) ayaa u gudbaayo wareega saddexaad ee isreebreebka.
Waxaa soo diyaariyay:
Mohamed Sheikh Abdi (weli)
Kubadda.com - London