Skip Repetitive Navigational Links

Thursday, February 09, 2012

MAGAN DAHIR,OO BALAN QAADAY IN UU DIYAAR GARAYN DOONO DHALINYARO MATASHA MAGACA SOOMALIYEED OLOMBIGA-DA SANADKA 2012

29 May 2008

Waxaa akhristoow maalimihii ugu danbeeyay laga daawanayay TV-ga dalka Nederland mucjisadii kubada miiska Mr Magan Dahir oo lagu soo qaatay taariikh nololeedkiisii cayaaraha kubada miiska, iyo waliba waxa uu damacsanyahay mustaqbalka.

Waxa uu Mr Magan u sheegay TV-ga ugu weyn ee dalka Nederland in uunan sanadkan ka qayb galayn cayaaraha- olombiga ee lagu qaban doono dalka China, sababo la xiriira dhaawac uga yimid jilibka. Mr Magan oo dhakhtarkiisa gaarka ahna kula taliyay in uunan ka qayb galin cayaarahaas iyo waliba ciyaaraha bishan ka dhici doona dalka Poland.

Magan, kadib qaliinkii jilibka dhaawaca ka gaaray

Mr Magan oo usbuucii ugu danbeeyayna ku maqnaa wadamada Poland iyo Slovinia asaga oo raacay kooxdiisa qaranka Nederland. Mar aan hadaba khadka telefonka kula xiriiray Mr Magan waxaa uu inoo sheegay in uu runtii aad uga xunyahay in uunan ka qayb galayn cayaarahaas Olombigada, isaga oo aad u jeclaan lahaa in uu matelo dalka uu dhalashada ka qaatay ee Nederlaand iyo waliba wadankiisii hooyo ee Soomaaliya.

Magan qorshihiisa dhow ayaa ah in uu dhawaan soo ururin doona dhalinyaro yar yar, si uu ugu furo tababar, gaar ahaan cayaaraha kubada miiska, si ay beri u anfacaan wadankoodii hooyo ee Soomaaliya. Waxaa uu balan ku qaaday in bisha July, gudeheeda uu bilaabi doono tababarid kubadda miiska ah. Tababarkaas oo socon doona ilaa iyo 2012. Waxuuna rajaynayaa in ay tababarkaas ka saacidi doonaan tababarayaal uga imaan doona dalka Sweden iyo waliba dalka Nederland ee uu Magan hada ku nool yahay.

Wuxuu kaloo sheegay in 5nta dhalinyaro ee ugu wanaagsanaato kulankaas, la siin doono abaalmarino muhiim ah. Mr Magan waxa uu jecelyahay in uu la kaashado dadaalka uu wado masuuliyiinta xiriirka kubada miiska Soomaaliyeed. Wuxuuna u mahad celinayaa dhamaan dhalinyarada iyo tageerayaashiisa Somaliyeed ee mar walba ku dhiiri galiya in uu dadaalkiisa sii laba laabo.

Qore By: Mahad
turbashaash@hotmail.com

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football