GUDIGA GARSOORAYAASHA KUBADDA CAGTA, URURKA GARSOORAYAASHA KUBADDA CAGTA., URURKA CAYAARTOOYDA KUBADDA CAGTA IYO TABABARAYAASHA KUBADDA CAGTA OO DHAMAAN MUQDISHO KU KULMAY
27 May 2008
Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Wardhiigleey, shir isugu yimaaday Ururada kala ah: ururka garsoorayaasha kubadda cagta, ururka macalimiinta kubadda cagta, ururka cayaartooyda kubadda cagta iyo gudiga garsoorayaasha kubadda cagta. Shirkaan oo ahaa kii ugu horeeyay ey isugu yimadaan ururadaan ayaa waxaa looga hadlayay saddex qodob oo kala ahaa:
1 . Sida saddexda urur iyo gudiga garsoorka ey uga qeyb gali karaan horumarinta cayaaraha kubadda cagta.
2 . Sida ku qoron qodobka 10-aad ee xeerka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, cida xaqa u leh ineey ka mid noqoto xubnaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ee kongareeska.
3 . Qoraalka codsiga qabashada kongareeska ee kooxaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, u gudbiyeen ogeysiisna u siiyeen FIFA iyo CAF. Ma waafaqsan yahay xeerka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.
Dood dheer iyo falanqeeyn ayaa waxaa leysku raacay 3da qodab, waxaana la ansaxiyay in uu qodobka 3-aad uu yahay mid waafaqsan sharciga.
Ugu horeen ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Muxudiin Maxamuud Maxamed oo loo yaqaano (Faraqajaan) oo hada ah Gudoomiyaha Gudiga Garsoorayaasha xirirrka Soomaliyeed ee kubadda cagta waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha ururka Garsoorayaasha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Xaaji Yuusuf Maxamed Shikh Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha ururka tababarayasha xiriirka Soomaliyeed ee kubadda cagta C/llaahi Yuusuf Cali (Baaskuwaale) ugu danbeen waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha ururka cayaartooyda kubadda cagta C/llaahi Siyaad Maxamed.
Waxaa kaloo joogay shirka sida: Maxamed Cabdulle Fara yare, xoghayaha gudiga tababarayaasha. C/qaadir Akookoow, gudoomiye ku xigeenka labaad ee gudiga tababarayaasha. Xasan Sheyliila, xoghayaha gudiga garsoorka. Saacid gudoomiye ku xigeenka ururka garsoorayaasha iyo Awees Axmed Jimcaale Dhaga cade xubin gudiga garsoorka.
Waxay saddexda urur iyo gudiga garsoorka isku raaceen 3-dii qodob eey ka wada shireen. Gaba gabadii shirka ayaa saxaafada waxeey wax ka weydiiyeen sida ey u arkaan cafiskii la cafiyay mudane Faarax Wehliye Cadoow Sindiko, waxeyna isku raaceen in ey aad ugu riyaaqeen cafiska mudane Faarax, eyna sheegeen in uu mudane Faarax yahay nin halyeey Sporti ah, naftiisa iyo malkiisana u huray horumarka Sportiga. Waxay kaloo sheegeen in uu Faarax yahay Aabaha Sportiga.








Intaa kadib waxeey guud ahaan tacsi ugu direen ehelkii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee laacibkii lagu magacaabi jiray Cumar Xasan Cali oo loo yaqaanay (Isgoow) oo shalay askar ka tirsan dowlada kmg ey ku dileen degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, waxeyna leeyihiin ehelkii iyo asxaabti uu ka geeriyooday sabar iyo iimaan alaha naga wada siiyo
Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email: mahad@kubadda.com