Skip Repetitive Navigational Links

Tuesday, September 07, 2010

WARAYSI KU SAABSAN HABSAMI U SOCODKA KOOBKA JANARAAL DAA’UUD EE KUBADDA KOLAYGA, OO AAN LA YEELANAY GUDOOMIYE WIISH

27 May 2008

Waxaa noo suurto gashay maalinimadii shalay oo Isniin aheyd taariikhduna ku beegneed  26/05/2008 in aan xafiiska xiriirka Kubadda Kolayga Soomaaliya ee Muqdisho kula kulano, wareysina la yeelano Gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Kolayga  mudane Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish).  Waxaana kala sheekeysanay qaabka uu u socdo koobka Janaraal Daa'uud ee kubadda kolayga.

Waqtiga oo aad u yaraa aawgiis ayaa hadana waxaan isku daynay in aan dhowr Su'aal waydiino gudoomiyaha, waraysigayniina wuxuu u dhacay sidan:

1. Ugu horeyn Gudoomiye wax ma nooga sheegi kartaa qaabka uu tartanka koobka Janaraal Daa'uud sanadkan ku biloowday iyo ilaa iyo hada heerka uu marayo ?  

Gudoomiye Wiish,   Horta marka hore intaan guda gelin, jawaabta suaashaada, waxaan horta jeclahay in aan idinkaaga mahad celiyo dadaalkiina hadaad tihiin maamulka kubadda.com oo ka soo jeeda bahdii kubadda kolayga.

Tartanka sanadkaan wuxuu horta si rasmi ah uga furmay garoonka Ex-Luujino ee degmada C/casiis, taariikhdu markay ahayd 25/04/2008. Kulankaan oo ay soo qaban qaabiyaan Gudiga Olmbigada Soomaaliyeed ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan G.O.S.

Tartanka waxaa ka soo qeyb galay 10 koox oo wiilal ah iyo Afar kooxood oo gabdho ah, waxeyna kooxuhu kulamdii ugu danbeeyay isku arkeen una kala badiyeen hadii aan ku hormaro dhanka Wiilasha kulamdii ugu danbeeyay oo la ciyaaray taariikhdu markay ahayd 16/05/2008/ waxaa wada kulmay kooxaha  O.F.C iyo Dugsiga Jaabir Bin Hayaan, waxaana 81 dhibcood iyo 47 dhibcood ku badiyay Dugsiga Jaabir Bin Hayaan. Taariikhdu markay ahayd 18/05/2008 waxaa wada kulmay kooxaha Feero iyo Shacab waxaana 66 dhibcood iyo 63 dhibcood ku adkaaday kooxda Shacab.

Taariikhdu markay ahayd 20/05/2008 waxaa wada kulmay  kooxaha Dekedda iyo Jaaliyada  kulankaaasna waxaa kadib markii ay soo xaadiri waayeen kooxda Jaaliyadda dhibcihii looga qaaday (Forfeit).

Maalin nimadii jimcaha  taariikhduna ku beegneed  23/05/2008 waxaa fooda is daray kooxaha Horseed iyo Dugsiga Jaabir  waxaana 77 iyo 55 ku adkaaday dugsiga Jaabir.

Dhanka gabdhaha hadii aan u leexano kulamadii ey wada cayaareen waxeey kooxuhu isku arkeen una kala badiyeen  qaabkan: Taariikhdu markay ahayd 08/05/2008  Waxaa wada kulmay  kooxaha Halgan iyo Jaaliyada, waxaana 37 iyo 22 ku adkaaday gabdhihii ku cayaarayay magaca Halgan.

Taariikhdu markay ahayd 14/05/2008 waxaa wada kulmay Horseed iyo Halgan waxaana 59 iyo 43  ku adkaaday gabdhihii Horseed.

Taariikhdu markay ahayd 22/05/2008 waxaa wada kulmay kooxaha Heegan iyo Jaaliyada waxaana 80 iyo 30 ku adkaaday gabdhihii ku cayarayay Heegan.

2. Mudane gudoomiye, wax manooga sheegi kartaa maadaama dalkii uu ku jiro xili aad u xun oo ayna dowladu awoodin saan filayo in ay kabto wasaaradaha dhaqaalo ahaan iyo horumarkooda hadana aad moodo in uu weli nool yahay dhaq dhaqaaqii wasaarada Sportiga, xaggee ayay idinka soo galaan maaliyada aad ku qabataan tartamadaan ?

Gudoomiye Wiish, Ma jiirto dowlada ama xiriiro gaar ah oo na siiyo dhaqaale, balse Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadda iyo hayado yar yar oo ka jira dalka ayaa na gacan qabto.

3. Ma jiraan shaqsiyaad dibada joogo oo idiinla heelan gacansiinta qaabka tartanka ama abaalmarinada kooxaha iyo cayaaryahanada xiritaanka barnaamijka ?

Gudoomiye Wiish, Inkastoo aynan kaamili Karin baahida hadana waxaa jira dhalinyaro isku ixtiraamo mararka qaarkood in ay na caawiyaan. Hadaan tusaale u soo qaato sanadkaan, waxaa jiro dhalin yaro ka dhisan dalka UK gaar ahaan xaafada Streatham, oo sanadkaan noo balan qaaday in ey naga caawini doonaan dhanka abaal marinada.

4. Maxaa ka mid ah Abaal marinada ey idiin balan qaadeen ?

Gudoomiye Wiish, waxaa ka mid ah sida ey noo shegeen in ey naga caawini doonaan dhanka laacibka ku guuleesta  iskoorka gool dhalinta,  laacibka ugu asluubta wanaagsan,  macalinka ugu wanaagsan,  kooxda ugu asluubta wanaagsanaato, laacibka ku guuleesta three point shuutka iyo abaal marino kale.

Intaas ayaan ku soo gaba gabaynaynaa waraysigaynii gaabnaa oo aan la yeelanay Gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Kolayga mudane Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish).  Qoraaladeena danbe ayaanan jecelnahay in aan wixii macluumaad dheeri ah oo ku saabsan tartanka koobka kubadda kolayga Janaraal Daa'uud idinkugu soo gudbino. Weliba anagoo jecel in aan dhawaan idiin soo dayno waraysi ku saabsan taariikh nololeedka Gudoomiyaha.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email: mahad@kubadda.com

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football