SOMALI CHALLENGE CUP 2008
26 May 2008
Tartankii Somali Challenge cup 2008 ayaa si rasmi ah uga biloowday xaafadda Hayes ee galbeedka London , sabtidii lasoo dhaafey ee ay taariikhdu ku beegnayd 24/05/08. Ciyaarahan oo ah kuwo sanad walba la qabto, ayaa waxaa sanadkan isugu yimid kooxo badan oo ka kala socday afarta geesood ee xaafadaha London . Cayaarahan ayay u soo daawasho tagaan dadwayne aad u tiro badan iyo taageroyaal ka socda kooxaha cayaaraya oo iskugu jira dhalinyaro rag iyo dumarba leh.
Waxaa ka dhex muuqday garoonka Camero qaadayaasha Somali TV iyo qoroyaal badan oo ka socday Somali papers iyo weliba qoroyaasha website yada cayaaraha ka faaloodo. Hadaba ciyaarihii dhacay beryihii la soo dhaafay ayaa u dhacey sidan:
Ciyaartii 1aad: waxa wada ciyaarey labada kooxood ee aadka u caanka ah London stars iyo Al-Hijra, oo lagu tilaamamo in ay ka mid yihiin kuwa ugu wanaagsan uguna taariikhda dheer kooxaha Soomaalidu leedahay ee ka dhisan wadankan UK .
Labadaas kooxood ayaa ay macalimiin u kala yihiin macalin Daahir Gacameey oo wata kooxda London stars iyo kooxda Al-Hijra oo uu watay wiilka da'da yare ee Rabiic, kuwaas oo ay wehliyaan taageeroyaal badan.
London Stars ayaa ahayd Champion-kii koobkaan sanadii hore 2007-ka. Hadaba cayaartaan oo aad u xiiso badneyd, dadka badankiisuna ay isla dhex marayeen in ay London Stars badin doonto, ayaa waxaa beeniyey kooxda Al-Hijra oo tidhi in yar na daawada. Labada kooxoodba waxay soo bandhigeen ciyaar aad u fiican lagana maqsuuday balse kooxda Al-Hijra ayaa dadaal dheeraad ah muujisey halkaasna guushii ku raacdey:
Kooxda London Stars
Kooxda Alhijra FC
London
Stars 0 – 2 Al-hijra
Ciyaartii 2baad: Waxa isku soo aadey labada kooxood Hayes iyo kooxda Links labadan oo ciyaar aad u sharaf badan muujiyey, hadana kooxda Hayes oo ka khibrad badnayd kooxda Links ayaa waxay guushu raacdey kooxdii Hayes oo ku badisay:
Kooxda Hayes
Kooxda Links
Hayes 2 - 1 Links
Ciyaartii 3xaad: Waxaa isku soo aadey laba kooxood oo dhaliyaro aad u fiican ku jiraan, mustabal wanaagsana ku yeelan karo kubadda cagta hadii ay sii kordhiyaan dadaalkood, kooxda Osca oo ka timid xaafada East London, ayaa watay maamul wanaagsan una safnaayeen dhalinyaro aad u fiican, guushiina ku raacdey:
Osca 3 - 1 Heston
Ciyaartii 4raad: Waxa ciyaartan lagu tilaamimi karaa ciyaartii ugu xiisa badaney waayo waxaa isugu yimid laba kooxood oo isku xaafad ah, si fiicana isu yaqaan kana yimaadeen koonfurta London kuwaas oo kala ahaa kooxaha Waaberi iyo kooxda Halgan . Labadan koox ayay macalimiin u kala yihiin Shardi oo wato kooxda waaberi, Fu'aad oo watay kooxda Halgan. Cayaartaas ayaa ku dhamaatey:
Halgan 2 - 2 Waaberi
Hadaba akhristayaaloow waxaan jecelnahay in aan idinla socodsiino wixii cayaar ah oo dhawaanahan la ciyaaro. Wixii dheerad ahna waxaad kala socon kartaan haya.org.uk/sports .
RASHID JAMA
somalichallengecup@yahoo.co.uk