Skip Repetitive Navigational Links

Friday, September 10, 2010

JOHN TERRY ALLAA U SIBXIYAY MANCHESTER UNITED

22 May 2008

John Terry, haduu dhalin lahaa gool ku gankii (rigooradii) cayaartii xalay Champions League saakay kooxda Chelsea iyo milkiilahooda farxad ayay ku cawayn lahaayeen magaalada Moscow, London-na ushii kor loo tuuro dhul ma dhacdeen, mase dhicin, kubadda ayaa sideedaba ah cad iyo madow.

Kooxda Manchester United iyo macalinkooda Alex Ferguson iyo weliba taageerayaashooda xalay waxay u ahayd habeen farxad, kadib markii ay 6 - 5 gool oo rigoorayaal ah kaga badiyeen kooxda Chelsea, una suurto gashay in ay markii saddexaad balse labaad macalinkaan ku guulaysto koobkii horyaalnimadda reer Yurub (Champions League 2008) kaas oo ay horay u qaadeen sanadii 1999-kii, weliba ku darsaday labadaas sano in ay hantaan koobka League-ga wadankooda.

kooxda Man United waa Horyaalka Yurub 2008

Xalayse si far iyo dirqi leh ayay ku fakadeen maadaama cayaarta waqtigii loogu tala galay ay ku dhamaatay 1- 1 ay goosha ku hor mareen kooxda Manchester oo uu daqiiqadii 26-aad gool u dhaliyay Christiano Ronaldo, balse dhamaadkii qaybtii hore cayaarta ay kooxda Chelsea-na u suurto gashay in ay cayaarta bar baro ka dhigaan kadib mar uu gool u dhaliyay laacibka lagu magacaabo Lambard.

Qaybtii labad ayey kooxda Chelsea la soo baxeen baahi tira badan ay u qabaan koobkaan waxayna dhawr mar garaaceen biraha kooxda Manchester, waxaase diiday nasiibkooda, waxayna cayaartii ku soo gabagabowday waqtigii loogu tala galay barbardhac 1-1 gool ah.

Cayaarta oo xaraarad iyo dareen aad u sareeyay wadatay hadana dib maloo jaleecaynin wixii dhacay 120-kii minute ee ay cayaartu socotay maxaa yeelay waxaan hubaa in John Terry, oo hal darbo ka xigtay in ay kooxdiisa koobka la hoydaan uu magaciisa farxad iyo xasuus aan la iloobi karin ku reebi lahaa kooxdiisa, balse hada asaga iyo dhamaan taageerayaasha kooxdiisa inta dhiman noloshiisa aynan iloobi doonin wxiii ka raacay xalay, lana aamusin waayay xalay oo dhan uu ooyin ku jiray.

Cristiano Ronaldo, oo ahaa qofka kaliyah ee cunay gool ku ganka (rigoorada) kooxda Manchester United ayaa asna Alle faksaday, maxaa yeelay eeda oo dhan asay korkiisa ahaan lahay, waxayna kaloo wax u dhimi lahayd u aqoonsashada loo aqoonsaday cayaryahaynka sanadkaakaan ugu fiicnaa kubadda cagta iyo dadaalkii uu soo muujiyay dhamaan intuu tartanku socday.

Taageerayaasha reer Ingriis ayaa lagu tilmaamaa in ay yihiin kuwo rabshado badan siiba marka ay cayaaraha kubadda cagta taageerayaan ayagoo lagu sheego in ay aad u xiiseeya cabida Alcohol-ka (qamriga), lana dagaalaan kooxaha ka soo hor jeeda. Walaow ay xalay jirin Moscow wax carqalado ah oo xaga amaanka ah, balse waxaa la soo tabiyay in xaafad ku taal galbeedka London oo u dhow garoonka ay kooxda Chelsea ku dheesho ay isugu soo baxeen taageerayaal aad u faro badan oo reer Chelsea ahaa, filayayna in ay ku guulaysan doonaan koobkaan, balse markii laga badiyay xafladii u bedelay in ay weeraraan dukaamankii xaafadaas ku yiilay ayagoo dhalooyinkii qamriga ay ku cabayeen ooda uga qaaday wixii ka soo hor baxay.

Macalinka kooxda Manchester United Ferguson, ayaa aaminsan in uu ceshan doono koobkaan oo uu ku han weenyahay in uu markale qaado sanadka soo socdo, asagoo ku kalsoon cayaar yahanada da’da yar ee uu haysto, wuxuuna sheegay in ay ugu danbaysay koox saas yeesho kooxda AC Milan sanadii 1990-kii.

Waxaase wal-wal ku jiraa in uu kooxda la sii joogi doono iyo inkale laacibka lagu magacaabo Ronaldo, oo sanadkaan kooxda u dheliyay 42 goal. Balse weriyeyaasha mar ay suaalo waydiiyeen u sheegay in uuna u balan qaadi karin qofna xataa hooyadiis ama taageerayaasha kooxda in uu joogaayo iyo in kale.

Laacibiinta xalay u kala saftay labada koox ayay kala ahaayeen:

Man Utd: Van der Sar, Brown (Anderson 120), Ferdinand, Vidic, Evra, Hargreaves, Scholes (Giggs 87), Carrick, Ronaldo, Tevez, Rooney (Nani 101). Kuwa u fadhiyay ee aan la ciyaarsiin: Kuszczak, O'Shea, Fletcher, Silvestre.

Chelsea: Cech, Essien, Carvalho, Terry, Ashley Cole, Ballack, Makelele (Belletti 120), Lampard, Joe Cole (Anelka 99), Drogba, Malouda (Kalou 92). Kuwa u fadhiyay ee aan la ciyaarsiin:: Cudicini, Shevchenko, Obi, Alex.

Waxaa soo diyaariyay:
Mohamed Sheikh Abdi (weli)
Kubadda.com - London

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football