Skip Repetitive Navigational Links

Saturday, July 05, 2008

WARAYSI AAN LA YEELANAY DHEXDHAXAADIYIHII QILAAFKA ISBOORTIGA GOBOLKA HIIRAAN

16 May 2008

Waxaan inoo suuro gashay in aan wareysi ka qaadno Cabdi Guuleed Cali, oo ah rug cadaaga manta ku dhex jira, sidii uu u demin lahaa dabka ka ololaya Isboortiga gobolka Hiiraan. Waraysiga ayaa isugu jira mid axwaasha gobolka ah iyo mid asaga ku saabsan wax qabadkiisii Isboorti.

Hadaan ku hor marno noloshiisii Cabdi Guuleed wuxuu ka mid ahaan jiray ciyaaryahanadii cayaaraha fudud ku caan baxay, kuna guulaystay hada ka hor Bilado qiimo wayn leh, guulna ka soo hooyay ciyaarihii caalamiga berisamaadkii ay cayaaryahanada u dhashay dalkeena ay ka qayb geli jireen iyo kuwii gobolada sanadihii todomaatomeeyadii ilaa sideetameeyadii.

Hada Cabdi Guuleed waxaa uu si iskiis ah isugu hawlay sidii uu meel isugu keeni lahaa labada garab ee isku haayo Maamulka Isbortiga gobolka Hiiraan.

Hadaba waxaa fursad u helay in uu soo waraysto wariyaheena gobolka Hiiraan Ilyaas Axmed Cilmi, wareysigiina sidaan ayuu u dhacay:-

Weriye Ilyaas iyo Cabdi Guuleed

S) Waxaan Cabdi Guuleed ugu horeyn waydiiyay bal inuu wax inooga sheego taariiqdiisa isborti waxuuna yiri:-

J) Anigu waxaan dhashay sanadii 1951-dii waxaana ku dhashay gobolka Hiiraan degmada Buulo-burte, tuulada Halgan. Waxaan malcaamada Quraanka ku dhameeyay halkaasi, islamarkaasina dugsiga hoose, dhexe aan ku qaatay sanadii 1970-kii.

Waxaan ku soo biiray ciyaaraha fudud anigoo ka soo galay naadigii la oran jiray Ciidanka Qalabka Sida ee Horseed. Sanadii 1971diina waxaan noqday mid ka mid ah cayaar yahanadii heerka 1aad, isla sanadkaasi 1971-dii waxaan ka mid noqday ciyaartodyii loo xulay Xulka Qaranka Soomaaliyeed.

1971dii ilaa 1982dii waxaa ahaa ciyaartoyda heerka 1aad u ciyaareysay Naadigaas isla markaasina ahaa ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliyeed, waxaana soo hooyay sanadahaasi ilaa iyo 11 Biladood oo isugu jiray Dahab, Qalin iyo Maar, waxayna kala ahaayeen 5 Dahab ah 4 Qalin ah iyo 2 Maar ah.

Sanadii 1982dii waxaan noqday Tababare ama Macalin Isboorti, sanadii 1983diina waxaan ka mid noqday tababarayaashii Naadiga Horseed, anigoo markaasi ilaa 1989kii macalin u ahaa Naadiga Horseed Cayaaraha Fudud, waxaan sidoo kale sanadii 1986dii noqday Macalinka Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud anigoo markaasi ahaa ilaa iyo sanadii 1989kii, dhinaca maamulka hadii aan kuu sheego waxaan noqday xubin xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliyeed sanadii 2005-tii oo aan ilaa hada ahay.

S) Waa tahay Cabdi Guuleed, adigoo mahadsan markaan hadii aan u soo laabano tan xalinta qilaafka Isbortiga gobolka, oo aad maanta tahay nin isku howlay sidii uu ku xalin lahaa, waxaan la soconaa in qilaafku uu xidideysatay oo dhowr mar sidan oo kale leysku dayay in wax laga qabto islamarkaan ay socon waayeen, marka adigu sideey kuugu suurto gashay in aad u kala dabqaado labadan dhinac ee isku haayo maamulka Isbortiga Gobolka Hiiraan ?

J) Een! horta (Biqudratilaahi) amuur waliba waqtigeeda ayay falantaa, dhibaatooyinkan iyo qilaafkan gobolka, wax ka qabad bey lahaayeen waqti hore mase dhicin, dadaalku ma ahan mid aan aniga kaligeey wado ee waxaa ku jiro dhamaan dadka u dhashay gobolka, iskastoo aan anigu iyo rag kale ku dadaalnay sidii wax looga qaban lahaa waxaan howshan maanta igula jiro aan wax ka qabadkeendana wada wadnaa rag ay ka mid yihiin halyeygii kubadda Kolayga Cumar Riingo oo horay u yimid iyo Yuusuf Cali Warsame iyo ninka layiraahdo Saacid Ragaasi. Intuba waxay isku dayeen in ay horay wax uga qabtaan, aniguna waxaan ka mid ahaa ragaasi dadkii soo abaabulaayay balse anigu ma’imanin halkaan, laakiin anigu markii aan maqlay in qilaafku uu gaaray in rag la xirxiray islamrkaana naf ay ku go’eyso hadii uu sii jiro ayaan mar kaasi go’aansaday in aan madaxayga geeyo goobta, oo aan wax ka galo xalinta qilaafka. Waxaana imaanshaheyga igu soo garab galay dhalinyaro ay ka mid yihiin ciyaartoydii hore ee gobolka Hiiraan sida C/raxmaan Max’uud Gohaad (Shiino Guhad), Dr C/laahi (Bigman), Saacid iyo ninka ah xoghayaha Olombikada Soomaaliyeed oo la yiraahdo Cabdulaahi Axmed Tarabi,

S) Waangartay sidaan la socono, adigu waxaad tahay ciyaaryahan hore oo heer Qaran iyo heer Gobolba soo maray, waxaadna hada u istaagtay xalinta qilaafka maamulida Isbortiga Gobolka Hiiraan ee in dhawaalaba soo jiitamaysay oo heerkii ugu xumaa ay gaartay sanadkan, waxaadna sida aad ka dhawaajisay kugu garab galay arrintantan xalinta ah rag ciyaartoy hore oo ku kala sugan Dalka iyo Dibada, waxaana xusid mudan in labada dhinac ee is diiday ay kuu dhiibteen qolaba mas’uuliyadii ay sheeganeysay, waxeyna kuu sheegeen in ay ka tanasuleen waxii horay u dhacay. Hada halkee wax kuu marayaan.?

J) Nasiib wanaag markii aan meeshan imid, labada dhicanba waan la kulmay, waxaana ugu horeyn is aragnay gudoomiyihii hore ee hayay maamulka Isbortiga gobolka Hiiraan Cumar Baadiyow, waxuuna ii soo dhaweeyay si wanaagsan isagoo ii sheegay in uu u tanaasulayo maadaama aan anigu soo galay xalinta qilaafka jiro. Waxaan sidoo kale la kulmay garabkii kale oo ay ku jiraan rag aan si weyn isku naqiinay, islamarkaan caan ahaa, iyaguna si aad ah oo kalsooni leh, islamrkaana la mid ah sidii uu Cumar ii soo dhaweeyay oo kale ayay ii qaabileen waxayna ii dhiibeen labada dhinacba mas’uuliyada ah in aan u kala dabqaado, oo aan maamul isborti oo kalsooni leh ka dhax sameeyo.

Kadibna waxaa ii suuro gashay in aan soo aruursaday ragii hore ee ciyaartoyda ahaa oo aan ahayn labadan garab ee is haayso islamarkaana ka madax banaan rabshadaan, gobolkana u soo ciyaaray ee ku dhaqan magaalada B/weyne. waxaana sameeyay gudi ay ragaasi ka kooban yihiin oo 10 xubnood ah, aniguna aan ku jiro waxeyna magacyadoodu kala yihiin:-

01) Cabdi Guuleed Cali
02) Khaliif Onad
03) Faarax Cilmi Warsame (Celiye)
04) C/laahi Faarax Xasam (Tolman)
05) C/qadir Xuseen Kaba-calaf
06) Xasan Max'ed Nuur (Xasey)
07) Muuse Garaad
08) Axmed Cabdi Tuunis
09) Cali Xuseen Aburka (Caley-Tiir-Gaab)
10) Max'ed Yuusuf Aadan (Coonka)

Waxaan isku keenay labada dhinac, waxaan ka qaadnay afti ah in aan waxii aan soo gooyno ay cid waliba qaadato, waa ayna naga aqbaleen. Gudiga ayaa ka fadhiistay waxeyna soo saareen in warqado laga kala saxiixo taasoo ku aadan in ay soo gudbiyaan walaayadii ay dhiibeen oo qoraal ah, waana soo gudbiyeen islamarkaana waan ka saxiixnay warqadihii cid walba taasoo cadeyneyso in xilkii ay kala sheeganayeen inoo dhiibeen. Gudiga shirar badan ayuu qaatay waxuuna istusiyay oo uu daraasad ku sameeyay in aysan wada shaqeyn karin labada garab ee isku haayo maamulka isbortiga gobolka Hiiraan oo ay is diidanyihiin, markii uu damcay gudiga in ay isla howl-galaan oo maamulka isbortiga gobolka ka wada shaqeeyaan intaasi ka dib, gudiga go’aan ayuu gaaray waxuuna xilkii maamulka isbortiga gobolka Hiiraan si ku meel gaar ah iigu dhiibay aniga Cabdi Guuleed ah, kagadaal markii uu yimid culeys ah in maanta shir ama doorasho loo qaban karin dhamaan bahda Isbortiga ee gobolka xaaladaha ka jiro gobolka aawgeed iyo gobolkiiyoo maamul la’aan ah islamarkaana amaan laysku haleeyo uusan ka jirin, marka ilaa iyo inta wax iska badalayaan ayaan si ku meel gaar ahaan ah ayaa laygu dhiibay mas’uuliyadii maamulka Isbortiga Gobolka Hiiraan.

S) Hadaba, intii aad ku jirtay xalinta qilaafkan mala kulantay wax caqabad ah, hadiise aad la kulanta maxay ahayd ?

J) Runtii wax caqabad ah lama kulmin marka laga reebo cabasho uu inoo soo gudbiyay gudoomiyihii hore ee Maamulka Isbortiga Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Deeqow (Baadiyow) cabashadaasi oo ahayd mid maaliyadeed, oo gaareyso ilaa iyo 1100 $ (kun iyo boqol dollar) oo uu sheeegay in ay ka baxday intii uu ku jiray maamulka Isbortiga Gobolka. Lacagtaasi marka waxa uu codsaday in loo soo celsho, arrintaasina waxaan u bandhignay dhamaan dadkii nala waday xalinta, waxaana fileynaa in aan wax ka qaban doono intii karaankeena ah.

S) Waxaa la hadal hayay dhawaanahan in qilaafka dabo dheeraaday ee ka jiro maamulka Isbortiga Gobolka Hiiraan ay ku lug leeyihiin rag Diyesbara ah, ama qurbaha jooga iyo kuwo ku jira maamulaada xiririda dalka arrintaasi maxaa idiinka soo baxay intii aad ku guda jirteen xalintaan ?

J) Walaahi, anagu arrintaasi ma’arag ilaa hada wax na yiri waad ku qaldantihiin xalintan ee joojiyana ma jirto, mrka waxaan oran karaa wax arrintaasi ah oo jiro ma jirto, hadii ay jirtana iyada ayaa soo bixi doonto.

S) Ugu dambeyn Malaga yaabaa in doorashooyinka iyo magacaabista midii ay noqoto maamulka Isbortiga Gobolka Hiiraan, ee aad wadaan in aad ku dartaan ciyaartoydii hore ee ku dhaqan Gobolka, maadaama rag ku wanaagsan arrimaha maamulida Isbortiga ay ku jiraan ciyaartoydii hore oo aad u badan kuna sugan Gobolka Hiiraan?

J) Haa si wanaagsan, saa maxaayeelay hadii ay markii horaba ku jiri laahaayeen maamulka Isbortiga Gobolka tani ma dhacdeen oo intaasi oo dhan layslama gaareen, waana ku dareynaa waxaana rajeyneynaa in iyaguna ay soo galaan sidii ay noqotoba.

Ilyaas Axmed Cilmi
guute@kubadda.com
Xafiiska Kubadda
Hiiraan B/weyne

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football