MAN. UNITED OO HANATAY KOOBKA PREMIER LEAGUE 2007/08
13 May 2008
Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa shalay oo bishu ahayd 11, May 2008 markale ku guulaysatay koobka Premier League. Manchester United ayaa waxay 2-0 uga badisay kooxda Wigan Athletic. Cayaartoyga Cristiano Ronaldo ayaa gool rigoore ah dhaliyay sacaadu markay ahay 33 daqiiqo qaybtii hore ee cayaarta. Ryan Giggs oo isagu qaybtii labaad ee cayaarta bedal ku soo galay, ayaa wuxuu dhaliyay goolkii labaad ee Manchester United, saacadu markay ahayd 80 daqiiqo.
kooxda Man United waa Horyaalka Premier League 200708
Ryan Giggs, ayaa badintaan ay kooxda badisay kala mid ah macalinka Sir Alex Ferguson oo intii koob uu qaaday intuu joogay la qaaday 10kii mar ay kooxda ku guulaysaty Premier League. Dhinaca kale wuxuu shalay soo qabtay Sir Bobby Charlton's, oo asna horay u haystay inta ugu badan oo uu cayaar yahan kooxda u safto (club record) oo tiro ahaan ahayd 758 mar oo ay u cayaareen kooxdaan United.
Man. United ayaa waxay koobka ku qaaday shalay 87 dhibcood, halka ay kooxda Chelsea oo iyagu barbar dhac 1-1 la dhaafi waayay kooxda Bolton, ay iyaguna tartanka cayaaraha sanadkan ku dhamaysteen 85 dhibcood.
Kooxda Man.United ayaa waxay shalay hanteen koobkii 10 (tobnaad) ee Premier League, oo soo jiray 16 sano. Koobkaan ayaa wuxuu ku biiri doonaa koobabka ay gebi ahaan ku guulaysteen cayaaraha League wadanka Ingriiska laga cayaaro oo ka dhigaayo koobkii 17-naad ee guud ahaan ay kooxdani ku guulaysato. Macalinka kooxda Man.United Sir Alex Ferguson, ayaa wuxuu tiigsanaysaa in kooxdiisa ay soo qabato kooxda Liverpool oo 18 mar ku guulaysatay koobka League wadanka Ingriiska laga cayaaro, ka hor Premier League-ga, balse ku sari la’ in ay ka qayb qaadato hanashada Premier League sidii uu u bilowday.
Gabi ahaanba cayaarihii Premier League ee shalay la cayaaray ayaa waxay ahaayeen kuwo xiiso iyo xamaasad aad u wayn xambaarsanaa. Kulanada la cayaaray ayaa waxaa ka soo baxay natiijooyin naxdin iyo farxadba iskugu jiray. Haddii aan tusaale yar ka soo qaadano, kooxda Everton ayaa waxay u soo baxday koobka UEFA, markii ay kaga guulaysteen 3 -1 gool kooxda Newcastle, kuna dhameeyeen kaalinta shanaad ee tixda ama (Table) ka Premier League-ga. Waxaana ku wehlin doono koobka UEFA CUP kooxda Tottenham oo iyada horay ugu soo guulaysatay koobkii FA cup-ka.
Halka ay labada koox ee Birmingham City iyo Reading ay ku darsameen kooxda Derby County oo ay hoos galeen kuna biireen Division-ka kan ka hooseeyo, sanadka danbena aaney cayaari doonin tartanka Premier League. Nasiib wanaagse waxaa iyagu ka fakaday in ay hoos galaan kooxda Fulham oo daqiiqadii 74-aad gool madax ah u dhaliyay Danny Murphy's, difaacdeena intii ay cayaarta ka dhamaanaysay ayagoo kooxdii Portsmouth ku sabir siiyay 1 - 0, goolkaas oo u dhigma 35 million pound oo ay ku hanteen joogitaanka ay weli sii joogayaan sanadka danbe Premier League.
Labadda koox ee Manchester United iyo Chelsea ayaa waxay kulmayaan bishan May 21, 2008, iyaga oo cayaari doona cayaarta kama danbaysta ee koobka reer Yurub ku looltamaan ee Champions League. Cayaartan kama danbaysta ah ayaa waxaa lagu qabanayaa garoonka Luzhniki oo kuyaala magaalada Mosco oo ah magaala madaxda dalka Ruushka.
Qore: Abdirahman Mukhtaar
Minneapolis, MN, USA.