MAAMULKA KOOXDA BARCELONA OO SHEEGAY IN AY ERYEEN MACALINKA KOOXDA RIJKAARD
09 May 2008
War saxaafadeed ay soo saareen maamulka kubadda cagta Barcelona, ayaa sheegaya in Josep Guardiola uu ka la wareegi doono xilkii macalin nimada Frank Rijkaard ee kooxda Barcelona dhamaadka seasonka ee koobka La Liga.
|
Warkaas oo uu ku dhawaaqay madaxa Barcelona's president Joan Laporta, shalay oo bishu ahayd 08/05/2008.
Ayaa soo yeeray kadib mudo 24 saac ah ka yar, guul daradii kooxda la sooo deristay, kabadintii laga badiyay cayaartii dhex martay ayaga iyo kooxda ay is ximiyaan ee Real Madrid looguna awood sheegtay 4 – 1 gool, halkaas oo loogu caleemo saaray hortooda Horyaalnimada koobka La Liga 2007/08-ka.
|
|
Josep Guardiola
|
President Laporta, ayaa cadeeyay in ayna taasi u cuntamaynin suuro galna aysan ahayn in Rejkard, uu shaqadiisa sii wato. Wuxuuna sheegay in uu door bidaayo in uu shaqadii macalin nimada ku wareejiyo macalinka hada layliya kooxda Juunyarka ama Seria B-da ee lagu magacaabo Josep Guardiola.
“Aniga ayuu ig yimid goaankaan una cadeeyay Rijkaard sababta aan xiriirkeenii mudada dheer soo socday ku soo af jaray.” ayuu yiri Laporta. Waxaana uu sheegay in uu sii joogi doono kooxda macalin Rijkaard, ilaa iyo 30-ka bisha June oo uu ku eg yahay koobka Spain ee La Liga.
Runtii ma ka been sheegi karo taariikhdiisa Rijkaard, ayuu yiri President Laporta, maxaa yeelay kooxda wuxuu u soo qabtay, ma ahan wax la iloobi karo, wuxuu kooxda u soo hooyay guulo badan oo ay ka mid ahaayeen in uu ku guulaystay koobka lagu tartamo Spain ee lagu magacaabo La Liga, laba sano oo isku xigta sanadihii 2005 iyo 2006. Sidoo kale koobka ay ku tartamaan kooxaha reer Yurub ee lagu magacaabo Champions League oo uu ku guulaystay sanadii 2006 iyo koobka koobabka ee lagu magacaabo Supercop. Balse intaa wixii ka danbeeyay kooxda waxaa ku dhacay hoos u dhac aad u wayn mana qaadin koob kale, hadana waxay safka kaga jirtaa kaalinta saddexaad koobka La Liga.
Macalinka cusub ee lagu magacaabo Guardiola, ee 37 jirka ah, ayaa horay ugu soo cayaaray kana mid ahaa kooxda mudo lagu qiyaasay 17 sano, marka laga soo bilaabo sanadii 1984-2001. Kadibna u cayaaray kooxo kale oo ka dhisan dalka Talyaaniga. Balse sanadkii hore ku soo laabtay kooxda, si uu tababare ugu noqdo kooxda yar yarka ama Seria B-da ah ee Barcelona.
President Laporta, ayaa ku kalsoon in Josep Guardiola, uu leeyahay aqoon ku filan, kalsooni iyo kartri macalin nimo uu ku hanan karo ama ku gaarsiin karo kooxda guulo la taaban karo mustaqbalka. “Guardiola wuxuu ahaa kabtankii kooxda markii ugu horeysay oo ay kooxda Barcelona ku guulaysato koobkii reer Yurub sanadii 1992-dii, kadibna wuxuu kooxda la wadaagay Lix mar oo ay kooxda ku guulaysatay koobka Spain.” Taas oo i tusinayso in uu yahay halyeey ku haboon una xaq leh kooxda in uu guulo kale la wadaago.” Ayuu yiri Laporta,
Mid ka mid ah kuwa ku caan baxay in ay ka faaloodaan dhacdooyinka Isboortiga dalka Spain oo lagu magacaabo Graham Hunter, ayaa mar uu warbixin siinayay BBC Radio 5 Live, u sheegay "golaha maamulka Barcelona badankoodu waxay jagadaan la rabeen macalinkii hore ee kooxda Chelsea, Jose Mourinho, balse waxaa ku madax adeegay Laporta, oo yiri qof aan Guardiola, ahayn uma magacaabayno jagadaan.
Taas oo uu sheegay in ay ahayd qalad aad u wayn oo ay kooxdu gashay “waana hubaa in ay maalin aan maanta ahayn ay ka xumaan doonaan fahmina doonaan qaladkooda.”
“Kooxda maanta waxay u baahan tahay macalin qabiir ah oo mooralka kooxda iyo
wada shaqayntooda iyo isku keenidooda ka shaqayn karo, oo ay macalin nimadiisa
shaqsiyeed iyo maamulba ay fiican tahay, taas oo aan u arko in uu bilihii la soo
dhaafay uu ku guul daraystay macalinkii ahaa Rijkaard, mana qabo in macalinka
cusub ee Guardiola, uu leeyahay qibrad saas u sii fog, oo intaas la eg.” Ayuu
yiri Graham Hunter.
Waxaa soo diyaariyay:
Mohamed Sheikh Abdi (weli)
Kubadda.com - London