O G E Y S I I S (CODSI) ISKU IMAATIN KUBADDA CAGTA AH
09 May 2008
Waxaa dhammaan la ogeysiinayaa cayaartoydii, maamulayaashii, garsoorayaashii, tababarayaashii iyo taageerayaashii hore ee kubadda Cagta Somaaliyeed ee hada ku nool UK, in uu jiro isku imaatin shir is xog-warraysi iyo war-kala-qaadasho kubadda cagta ah, Shirkaas oo lagu wado in uu dhaco taariikhdu markay tahay 25/05/2008.
Taas oo ku aadan maalin Axad ah, saacadu markay tahay sideeda saac duhurnimo ilaa iyo labada saac ee fiidnimo (2.00pm - 8.00pm). Goobta kulankuna waa xaafad ku taal galbeedka London oo cinwaankeedu yahay: Acton Vale Community Centre, Off Beach Avenue, Acton – London, W3 7JZ.
Hadii aad u baahan tahay macluumaad dheeri ah, waxaad kala soo xiriiri kartaan:
1. Cabdulqadir Maxamed Faarax (BIRIQ) Tel: 079 0383 6 714 ama
2. Zakariya Maxamed Baliile Tel: 079 5606 6939 or 079 6119 5450
Fadlan imaashihiina iyo ka soo qeyb galkiinuba waa noo muhiim, waxaana rajeynaynaa in aad tix gelin doontiin isku imaatinkeena. Balanteenu waa hadii Alle yiraahdo waqtiga iyo goobta kor ku xusan.