BAHDA ISBORTIGA LONDON OO XAFLAD CASHO SHARAF SOO DHAWAYN AH U SAMEEYAY SHAKHSIYAAD MAGAC KU LAHAA ISBORTIGA SOOMAALIYEED
07 May 2008
Waxaa xalay oo Talaado 06/05/2008 lagu qabtay Maqaayad ku tiilay galbeedka London oo la magac baxday Hani Restaurant, casho sharaf aad looga soo shaqeeyay oo kulmisay dhamaan dhinacyada kala duwan ee Isboortiga hadii ay noqon lahayd kubadd cag, kolay iyo cayaaraha fududba.
Munaasabadan ayaa lagu soo dhawaynayay, dhowr shaqsi oo magac fiican ku lahaa taariikhda isboortiga dalka Soomaaliya sida 1. Cawad Xasan Cadow, oo ahaa laacib hore ee kubadda cagta naadigii Badda iyo Qaranka Soomaaliyeed u cayaari jiray. 2. Nuuradiin Cali Saciid oo isna ahaa laacib sidoo kale u cayaari jiray naadigii Badda iyo Qaranka Soomaaliyeed balse ahaa dhanka Kubadda Kolayga. 3. Axmed Baliile oo ku magac dheer (Aabaliisha) oo isna ahaa laacibiintii kubadda cagta u soo cayaaray kooxihii Horseed, Madbacada iyo Gaadiidka. 4. Baaba Abdirahmaan Muxidiin Buube oo ka mid ahaa dadkii mar walba hiil iyo hooba la garab taagnaa Isboortiga dalka kuna jiray ganacsatadii waa wayneed ee beri samaadkii iyo Ali Garaash.
Cawad Xasan Cadow
|
|
Nuuradiin Cali Saciid
|
Aabaliisha
|
|
Baaba Abdirahmaan Muxidiin Buube
|
Xafladan casha sharafta ah ayaa ay soo qaban qaabiyeen wax garadka marna ah cayaaryahanadii hore ee dalka kuwaas oo ku sugan Galbeedka London siiba xaafada caanka ah ee Wembley sida: Sheikh Mukhtaar Shuute, Macalin Shino Gohad, C/qaadir Maxamed Faarax (Biriq), Maxamed Khaliif, Yaasiin Diinoow iyo Cabdi Axmed.
Sheikh Mukhtaar Shuute, Cqaadir Maxamed Faarax (Biriq), Yaasiin Diinoow, Macalin Shino Gohad, Maxamed Khaliif iyo Cabdi Axmed
Looma kala harin xalay goobta cashada dhinaca website-yada cayaaraha qoro ayay ka joogeen Maxamed Sheikh oo ka socday kubadda.com kana mid ahaa cayaaryahanadii hore ee kubadda kolayga kooxihii Jeenyo iyo Badda iyo Yuusuf Yuusuf oo isna ka socday somalisc.com. Waxaa kaloo ka mid ahaa dadkii soo sharfay cayaaryahanada cashada loo samaynayay sida: Xasan M. Faarax (macalin John), Ahmed Nuur Sayga, Daahir Gacamey, Jamaal Sheikh Ahmed, Bashiir Gureey, Xuseen Abanuur Abati, Bile Cali, Maxamed Buube, Axmed Bile, C/risaaq Seef, Safiyo Neero, Bakiin Maaxi iyo Duqeeda Cabdi Nuur, C/rashiid Emboowe, Aways amoore, C/qaadir M.Yuusuf (Uus),
Mohamed Ali Werow iyo asxaab tiro badan oo aanan halkaan ku soo koobi Karin.
Cashadii kadib waxaa hadalkii furay Sheikh Mukhtaar Shuute, oo ku yiri martidii madasha soo dhawaada, sheegayna in ay nasiib wanaag iyo farxad u tahay in uu caawa farxadaan la wadaago bahwaynta Isboortiska ee magaca wayn ku lahayd cayaarihii dalka.
Wuxuuna ku wareejiyay hadalkii Axmed Nuur (Sayga Ruushka) oo sheegay in ay wanaagsan tahay in si niyad san loogu duubto horumarinta isboortiga qurbaha siiba kuwa ku nool dalka Ingriiska, maadaama guux hore oo reer London ka dhex yeeraayay uu jiray ayuu cadeeyay in uu asagu cid uu wax u qabo aysan jirin cidii wax tabanaysana ay fiican tahay in ay waxa ay qabto sheegato. Waana lagu qancay hadalkiisii.
Wuxuu hadalkii ku wareejiyay Baaba C/rahman Buube oo sheegay in uuna filayn in intaan oo qofood ay cawada soo dhawayntooda ka soo qayb galayaan, asagoo aad u faraxsan ayuu wuxuu sheegay in uu ku nool yahay Maraykanka magaaladiisa Atlanta Georgia, balana qaadayo in uu sida ay u soo dhaweeyeen si la mid ah uu u soo dhawayn doono bahdaan hadii ay yimaadaan America, dadaalka ay halkaan ka wadaan mid la mid ahna uu ka qaban doono magaalada uu hada deggen yahay.
Waxaa kaloo isna wax ka yiri taariikhda cayaaryahanada lagu casuumay madasha Xasan M. Faarax (macalin John), oo sheegay in aan inta uu cayaaryahanku ku jiro kubadda aan waagii hore laga hadli jirin waxqabadka laacibka, balse aan maanta nasiib u helnay in aan idiin cadayno ayuu raaciyay “wixii aad mudneedeen oo aan la idiin qirin, waana ka xun nahay” ayuu u raaciyay, asagoo hal hal uga faalooday Cawad, Aabaliisha iyo Nuurudiin taariikhdoodii.
Dadka meesha ka hadlay anoo halkaan ku soo wada koobi karin ayaan hadana jeclahay gunaanadkii hadalka oo uu qaatay C/qaadir Maxamed Faarax (Biriq), asgoo aad u faraxsan istaagay, una mahad celiyay martida cashada loo sameeyay iyo inta ka soo qayb gashay wiilal iyo gabdhoba. Iyadoo ay farxad aad u badan ka muuqato wejigiisa ayuu yiri “markii hore xaga abaabulka iyo isku imaatinka reer London qaybaheeda kale waa naga fiicnaan jireen balse hada waa soo jeesanay, tana waxay Horseed u noqon doontaa intii xafladood ee haray looga qabtay dalkaan,” waayo ma ahayn oo kaliyah reer kubadd cag caawa waxaa goobta cashada ku soo xaadiray dhamaan bahwayntii Isboortiga oo qayb kasta leh.
Dhamaan marti sharaftii cashada ka soo qayb gashay
Waxaa gabagabadii laga codsaday in uu isu imaatinkaan soo af jaro una duceeyo asxaabta meesha isugu timid Jamaal Sheikh Ahmed, oo sheegay in ay muhiim tahay in marka hore la is cafiyo, maxaa yeelay ayuu yiri ma ogin meel naloo soo jiro, waana in la isku naxariistaa oo nin walba uu u calool fiyoobaado ninka walaalkiis ah, waxna la qabto. Dhamaan teena waa in aan u ducayno dalkeenii iyo dadkeenii uu maanta cadawgu haysto in ilaahay dhibka gaajada iyo colaadaba ka qaado.
Waxaa soo diyaariyay:
Mohamed Sheikh Abdi (weli)
Kubadda.com - London