KOOBKII MARXUUM ABATIYOOW OO SI HABSAMI LEH U SOCDO
05 May 2008
Waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Shangaani si habsami leh uga socdo koobkii lagu magacaabay marxuum Abatiyoow, kaas oo ka socda isla garoonka marxuumka lagu samiyay ee Abatiyoow.
Tar tankan oo ey ka qeyb galayaan 10 kooxood oo shirkadaha dalka ka jira ah ayaa waxaa kulamadii u danbeeyay wada cayaaray: Taariikhda markay ahayd 02/05/2008 waxaa wada kulmay labada kooxood ee kala ah Sunrise Travel Vs Hormuud Telecom.
Kooxda Sunrise Travel
Kooxda Hormuud Telecom
Cayaartaas oo ku dhamaatay (8-2) ay ku badisay kooxda Sunrise Travel. Kulankaas ayaa ahaa mid aad u adkaa waloow kooxda Hormuud loo awood sheegtay lagana farsamo iyo karti wanaag sanaa.
Sidoo kale shalay oo Axad ahayd, taariikhduna ku beegneyd 04/05/2008 ayaa waxaa kulan adagi halkaasi ku dhex maray kooxaha kala ah Djabuti Airways Vs Tawakal Express (Xamar Wayne).
kooxda Djabuti Airways
Kooxda Tawakal Express
Cayaartan oo ahayd mid aad mooday in kooxuhu isku awood dhignaayen ayaa hadana waxaa cayaartaasi ku dhamaatay (5-3) ay ku badisay kooxda Djabuti Airway. Waxaana kulankaan garsoorayaal ka kala ahaa Jeesto iyo Xasan Mooseey.
Tar tanka ayaa waxa maal galintiisa iyo fikirkiisaba iska leh qabiirka Isbortiga ahna Aas aasaha cayaaraha Futsalka ama 5 -5 ta loo yaqaan mudane Xaaji Yuusuf Maxamed Sheikh.
Sidoo kale waxaa cayaarahan maalin walba u soo daawasho tago dadweyne aad u fara badan oo kor u dhaafaya kumaanaan kun, waxaana lagu wadaa in maalin nimada
Talaadada ah taariikhduna ku beegan tahay 06/05/2008 ey fooda isdaraan kooxaha kala ah Qaran Ex-press iyo DHL. Hadaba wixii natiijo ah oo ku saabsan habsami u socodka tartanka marxuum Abatiyoow dib ayaan idinkaga soo sheegi doonnaa haduu Eebe idmo.