Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

KOOXDA KENYA EE DA’DA KA YAR 20 JIRADA OO RIGOORAYAAL UGA BADIYAY KOOXDA SOOMAALIYA

04 May 2008

Cayaaryahanada kubadda cagta dalka Kenya ee da’doodu ka hoosayso 20 jirada ayaa isku dar uga badisay 5-3 gool oo rigoorayaal ah cayaartooyda xulka kubadda cagta dalka Soomaaliya oo da'doodu ka hoosaysay 20 jirka tartankii Africa Youth Championships, oo lugtiisii labaad lagu cayaarayay Nairobi, shalay oo Sabti ahayd.

Kulankii shalay ayaa kooxda Kenya ku badiyeen 2 - 1 gool cayaartii gurigooda ka dhacday ee Nyayo National Stadium, tii lugtii horena ee lagu qabtay wadanka Djibouti 13-ka beri ka hor ay iyana Soomaalidu ku badiyeen 2-1 gool.

Cayaar kasta oo ay Soomaalidu u leedahay in ay ku dheelaan Home ama Gurigooda ayaa la qorsheeyay in lagu cayaaro dalka aynu walaalaha nahay ee reer Djibouti xasilooni daro ka jirta dalka Soomaaliya mudo dheer aawgeed.

Cayaarta labadaan koox ee deris wadaaga ah ayaa ka fursan wayday in rigoorayaal ama gool ku gan lagu soo gaba gabeeyo maadaama waqtigii loogu tala galay ay kooxuhu ku kala badiyeen 3-3 gool isku dar labadii cayaar.

Cayaartii shalay ayaa ay daawashadeeda ka soo qayb galeen madax sare oo ka socotay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo maamulka sare oo ka socday Safaarada Soomaalidu ku leedahay dalka Kenya iyo weliba dadwayne Soomaaliyeed oo aad u tiro badnaa una badnaa kuwo qaxooti ku ah dalkaas, ayagoo sacab iyo hiilo u hayay ilaa iyo intii ay cayaarta ka dhamaanaysay, salkana aan dhul dhigin.

Cayaartaas ayay maqsuud ka noqdeen dadwaynihii tirade badnaa oo u soo daawashada tagay, kuwaas oo ay kooxdii Soomaaliyeed muujiyeen cayaar aad u farsamo fiican, hadii ay dhalin lahaayeen dhamaan fursadihii quruxda badnaa ay heleen cayaartu waxay lahaan lahayd weji kale.

Labada gool ay dhaliyeen kooxda da’da ka yar 20 jirada dalka Kenya ayaa uu u dhaliyay laacibka lagu magacaabo Stephen Waruru, daqiiqadihii 47-aad iyo daqiiqadii 79-aad. Halka gool ay kooxda Soomaalidu dhalisayna waxaa u dhaliyay laacibka lagu magacaabo Said Abdalla.

Maamulka tartanka ayaa soo jeediyay maadaama ay labada koox goolal isku mid ah ku kala badiyeen in rigoore ama gool ku gan cayaarta lagu soo gaba gabeeyo, si loo helo koox u soo gudubto wareega kale ee tartanka Africa Youth Championships.

Gool ku gankii waxaa kooxda Kenya goolasha u dhaliyay dhamaan shantii darbo cayaaryahanada ay soo doorteen oo kala ahaa Eugene Asike, Kevin Kimani, Didacus Odour, Hussein Puzo iyo Heavaner Maloba. Halka ay kooxda da’yarta Soomaalidana u saxiixeen goolishii gool ku ganka ahaa Hussein Ali, Said Abdallah iyo Abdiaziz Ali, waxaase darbadii xigtay laga qabtay Ibrahim Ahmed. Taas oo u xalaalaysay kooxda Kenya ee da’doodu ka hoosayso 20 jirada in ay ku badiyaan 5-3 gool.

Madaxdii ka socotay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa u mahad celiyay dhamaan macalimiinta iyo cayaar yahanadaan da’da yaraa ee ka qayb galay tartanka, maqsuudna ka ahaa dadaalkii ay muujiyeen intuu tartanku socday.

cayaaryahanada metalayay magaca Soomaaliya iyo macalimiintooda

Kooxda Kenya ayaa waxay cayaartaan cayaarta xigta la kulmi doonaan kooxda Sudan wareega labaad ee cayaaryahanada da’doodu ka hoosayso 20 jirada oo ay soo qaban qaabiyaan Confederation of African Football (CAF).

Kooxaha kale ee tartanka Africa Youth Championships oo da’doodu ka hoosayso 20 jirada ee cayaaray maalmihii la soo dhaafay ayaa ayaguna u kala badiyay sidaan:

Algerie v Mauritania (0-1)
Senegal v Sierra Leone (1-1)
Zimbabwe v Lesotho (0-1)

Burundi v Malawi (2-1)
Uganda v RD Congo (0-0)
Botswana v Namibia (1-1)

Mozambique v Reunion (2-2)
Liberia v Guinea (0-1)
Libya v Niger (0-2)

Waxaa soo diyaariyay: Mohamed Sh Abdi (weli)
Kubadda.com - Xarunta weyn ee London

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football