KOOB LOOGU MAGAC DARAY MARXUUN ABTIYOOW OO DEGMADA SHANGAANI KA FURMAY
02 May 2008
Waxaa shalay oo khamiis aheyd si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Shangaani, koob lagu sharfay looguna magac daray marxuum Abatiyoow Cumar Maxamed oo ahaa laacib ka tirsanaan jiray xiligii 70-tan meeyadii wixii ka horeeyay dhalinyaradii ku soo bar baartay degmada Shangaani
una cayaaray kooxdii wayneed ee Jeenyo ama LL PP.
Marxuumka oo sanadii 2001 ku geeriyooday dalka Yeman, magaalada Sanca ayaa loogu magac daray garoonka koobka lagu qabanayo, oo ku yiil degmada Shangaani. Garoonka oo ahaa mid da’ah, qaybna ka qaatay burburkii dalka ku dhacay ayaa ay ka muuqatay dayactir iyo naash naash farshaxan ay isku shaac bixinayeen maalgeliyayaasha tartanka magacyadooda iyo astaantooda.

Koobka oo ah kubadda cagta qeybta loo yaqaano Futsalka ama 5 & 5 ta oo ey ka qeyb galayaan 10 koox oo ay dhamaan maal geliyeen shirkadaha dalka ka jira, kooxuhuna ku cayaarayeen magacyada Shirkadaha ayaa waxaa loo kala qeybiyay 2 groub oo kala ah A iyo B.
Group A |
|
Group B |
El Ali Travel |
|
Sunrise Travel |
Daalo Airways |
|
Hormud Telecom |
Djabuti Airways |
|
Qaran Express |
Tawakal Exp.X/w |
|
DHL |
Jubba Airways |
|
African Airways |
Maalinta |
Taariikh |
Kooxaha |
Garonka |
Natiijo |
KHAMIIS |
01/05/2008 |
EL ALI Vs Daallo Airways A |
Abatiow |
|
JIMCO |
02/05/2008 |
SUNRISE TRAV. Vs HOR. TELEC. B |
Abatiow |
|
AXAD |
04/05/2008 |
DJABUTI AIRWAYS Vs TAWAKAL X/W A |
Abatiow |
|
TALAADO |
06/05/2008 |
QARAN EXPRESS Vs DHL B |
Abatiow |
|
KHAMIIS |
08/05/2008 |
JUBBA AIRWAYS Vs EL ALI TRVEL A |
Abatiow |
|
JIMCO |
09/05/2008 |
AFRICAN AIRWAYS Vs HORMUD TELE. B |
Abatiow |
|
AXAD |
11/05/2008 |
DAALLO AIRWAYS Vs TAWAKAL X/W A |
Abatiow |
|
TALAADO |
13/05/2008 |
QARAN EXPRESS Vs SUNRISE TRAVEL B |
Abatiow |
|
KHAMIIS |
15/05/2008 |
DJABUTI AIRWAYS Vs JUBBA AIRWAY A |
Abatiow |
|
JIMCO |
16/05/2008 |
DHL Sv AFRICAN AIRWAYS B |
Abatiow |
|
AXAD |
18/05/2008 |
TAWAKAL X/WEYNE Vs EL ALI TRAVEL A |
Abatiow |
|
TALAADO |
20/05/2008 |
SUNRISE TRAVEL Vs DHL B |
Abatiow |
|
KHAMIIS |
22/05/2008 |
JUBBA AIRWAYS Vs DAALLO AIRWAYS A |
Abatiow |
|
JIMCO |
23/05/2008 |
HORMUUD TELEC. Vs QARAN EXPRESS B |
Abatiow |
|
AXAD |
25/05/2008 |
DJABUTI AIRWAYS Vs. DAALLO AIRWA. A |
Abatiow |
|
TALAADO |
27/05/2008 |
AFRICAN AIRWAYS Vs SUNRISE TRAVEL B |
Abatiow |
|
KHAMIIS |
29/05/2008 |
JUBBA AIRWAYS Vs TAWAKAL X/WEY A |
Abatiow |
|
JIMCO |
30/05/2008 |
DHL Vs HORMUUD TELECOM B |
Abatiow |
|
AXAD |
01/06/2008 |
EL ALI Vs DJABUTI AIRWAYS A |
Abatiow |
|
TALAADO |
03/06/2008 |
QARAN EXPRESS Vs AFRICAN AIRWAYS B |
Abatiow |
|
SEMI FINAL
KHAMIIS |
05/06/2008 |
A1 Vs B2 |
Abatiow |
|
JIMCO |
06/06/2008 |
B1 Vs A2 |
Abatiow |
|
FINAL
JIMCO |
13/06/2008 |
A1B2 Vs B1A2 |
Abatiow |
|
Hadaba kulankii shalay oo ahaa mid aad u adkaa ayaa waxaa fooda is daray kooxaha Ceel Cali Taravel iyo Daallo Airline, kulanka oo ey ka soo qeyb galeen marti sharaf u badnayd cayaar yahanadii berisamaadka cayaari jiray iyo maamulayaasha shirkadaha dalka qaarkood ayaa furitaankii xaflada tartanka waxaa ka hadlay mas’uu liyiin kala duwan oo uu ugu horeeyay gudoomiyaha gudiga cayaartoydii hore iyo kan qaban qaabada tartanka C/llaahi Siyaad Maxamed, Dr Abanuur iyo Awees Axmed Jimcaale.
Gudoomiyihii hore ee naadiga Elman Xasan Axmed , Akookoow laacibkii hore ee kooxda Jeenyo , Dr Abanuur Juruu laacibkii hore ee naadiga Batroolka iyo Boocoow
Dr Abanuur Juruu oo ka hadlay kulanka
Awees Axmed Jimcaale oo ka hadlay kulanka
Cayaarta ayaa waxeey ku bilabatay dar dar xoog leh ayadoo qeybtii hore ee cayaarta lagu kala nastay 3 gool iyo 1 gool, oo ey ku hogaaminayeen kooxda Ceel Cali Taravel. Markii dib leesugu soo laabtay qebtii labaad koox walibana ey la soo tashteen macalimiintooda ayaa waxa lees lahaa kooxda Daalo Airline, oo uu ka dhex muuqday waayeelka rug cadaaga ah ee xiligii barisamaadka ka tirsanaan jiray naadigii Waxool laacib Shiikhunaa ayaa wax ka badali doono qaab cayareedka kooxda, balse ma dhicin qeybtii labaadna waxey ku soo gaba gaboowday 5 gool iyo 2 gool, oo ey guushii ku raacday kooxdii ku cayaareysay magacii Ceel Cali Taravel. Waxaana cayaarta garsoorayaal ka ahaa Maxamed Faarax iyo Suufi Karaama.
Garsoore Maxamed Faarax & Suufi
kooxda Ceel Cali Taravel
kooxda Daallo Airline
Maanta oo Jimco ah taariikhduna ku began tahay 02/05/ 2008 ayaa waxa lagu wadaa in ey fooda is daraan kooxaha Sunrise Taravel Vs Hormud Telecom. Natiijada iyo xarakaatka cayaaraha marxuum Abatiyoow, waxaan jecelnahay in aan dib idiinkala soo socod siino hadii uu Eebe idmo.