Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

TARTAN KUBADDA KOLEYGA AH EE CARUURTA DA’DOODU KA HOOSAYSO 18 JIR OO LAGU QABTAY MAGAALADA TORONTO

02 May 2008

Tartan kubadda kolayga ah oo ay soo qaban qaabiyeen cayaartooydii hore ee Kubadda Kolayga Soomaaliyeed ee hada ku midoobay ururka lagu magacaabo SSIFO (Somali Sports & International Friendship Organisation) qaybtooda deggan Canada sida: Cabdi Dheere, Cabdi Deputati, Farax Odey, Cali Gaab, Daud Axmed Dheere, Axmedey Abukar, Jibril M. Sacid, Maxamed Farax Qambi, Sacid Qorshel iyo Musse M. Nasir, oo shir isugu yimadeen Sabtigii hore ayaa waxay go'aamiyeen inay u qabtaan tartan soconaya 5 Toddobad caruurta da'doodu ka hooseysa 18 jir.

Tartanka ayaa lagu wadaa in uu furmo maalinta berito ah oo ay bishu ku beegan tahay 03/05/2008 lana soo gaba gabeeyo hadii aan wax cilado farsamo ah aynan dhicin 31/05/2008. Kubadda koleyga waa cayaarta keli ah ee tababarayaasheeda isku deya inay sannadka oo dhan u qabtaan caruurteena qurbaha ku nool tartamo si is daba joog inta karaankooda ah. Bishii la soo dhaafay ayaa ka dhamaaday horyaal ee u qabteen caruurta Soomaaliyeed ee da'doodu ka hooseysa 16 jir ilaa iyo12 jir.

Caruurta da'doodu ka hoosayso 16 jir ilaa iyo12 jir

Sida aan la soconoba, waxaan caada ka dhiganay inaynu u qabano dhallinyeradeena ku nool dalka iyo qurbahaba tartama badan sannadka, kuwaas waxayna u badan yihiin tartan maalmeed ama toddobaadle sida kuwa la qabto xilliga Xagaaga ama Jiilaalka loo yaqaano. Tartamadaa sida u gaaban miraha la sugaaya inay dhalaan muxuu noqon karaa ?

Bahweynta isboortiga Soomaaliyeed ee ku nool magalada Toronto waxaynu leenahay kaalaya oo taageera ubadkiina, naadiyadan koraaya ee kubadda koleyga ka qayb qaata dhismahooda.... Waarimeyside wax ha kaa haro !!!

Waxaa la cayaarayaa Sabti kasta 3da Maajo ila 31ka Maajo, kala soco cayaarahaa jadwalka isku aadka ee hoos ku qoran. Meesha lagu qabanaaya tartankaa isaga ah waa 3100 Weston Road, Toronto, kala goyska Weston iyo Sheppard.

Tartanka oo la magic baxay Somali Youth Baasketball Tournament ayaa wuxuu dhici doonaa 3da May – 31da May, 2008. Jadwalka iskuaadka oo ah is arag hal wareeg ah - Waxaa lagu qabanayaa garoomada dadan ee Weston/Sheppard. Kooxahana waxaa loo kala saaray Laba Group oo kala ah A & B. waxayna iskugu aadan yihiin sidan:

Group A: 1. Weston A 2. Rexdale Reball 3. Fallstaff
Group B: 1. Weston B 2. Hawks 3. Lawrance Heith.

Cayaar

Maalinta

Taariikh

Saacadda

Koox

vs.

Koox

Natiijo

  

GF

GA

1

Sabti

03/05/2008

19:15-20:15

Weston A

vs.

Rexdale R

 

 

2

"

03/05/2008

20:15-21:15

Weston B

vs.

Hawks

 

 

3

Sabti

10/05/2008

19:15-20:15

Fallstaff

vs.

Weston A

 

 

4

"

10/05/2008

20:15-21:15

Lawrance H

vs.

Weston B

 

 

5

Sabti

17/05/2008

19:15-20:15

Rexdale R

vs.

Fallstaff

 

 

6

"

17/05/2008

20:15-21:15

Hawks

vs.

Lawrance H

 

 

7

Sabti

24/05/2008

19:15-20:15

1aad G. A

vs.

2aad G. B

 

 

8

"

24/05/2008

20:15-21:15

1aad G. B

vs.

2aad G. A

 

 

9

 Sabti

 31/05/2008

19:15-20:15

Laga badie Gameka 7aad

vs.

Laga badie Gameka 8aad

Kaalinta 3aad

10

 "

 31/05/2008

20:15-21:15

Badie gameka 7aad

vs.

Badie gameka 8aad

Kaalinta 1aad

Wixii faahfaahin ah kala xiriira: Daud Axmed Dheere
Toronto Ontario - Canada
Tell: ++ (416)-875-4890

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football