XAFLAD SAGOOTIN AH OO UU U SAMEEYAY MADAXWAYNAHA DALKA JABUUTI DHALINYARADII QURBO JOOGTA AHAYD EE CAYAARAHA U TAGAY DALKA JABUUTI
31 March 2008
Masuuliyiinta iyo dhalinyarada Soomalida qurba joogta ah (Diaspora) ayaa uu soo afjarmayaa safaradii ay la yeelanayeen cayaaryahanada reer Jabuuti. Hadaba maalmihii lasoo dhaafay oo taariikhdu aheyd 26 bisha Maarso oo ahayd maalintii Arbacada ayaa waxaa magaaladii uu ka dhacay shirkii dibuheshiisiinta Soomaalida ee sanadii 2000, ee Carta ay dhalinyaradaasi ku tageen booqasho, joogeena mudo saacado ah kana dhageeysteen warbixin uu siiyaya xoghayihii shirkii Carta iyo masuuliyiinta sar sare oo doowlada Jabuuti ka socotay. Waxay kaloo booqasho ku tageen Jaamacada Jabuuti oo siisay warbixin habka waxbarashada guud ahaan iyo nidaamka dugsiyada dalka Jabuuti.
Maalintii khamiista oo taariikhdu aheyd 27 bisha waxaa garoonka kubadda cagta Xassan Guuleed ee magaala madaxda Jabuuti cayaartii labaad ku dhexmartay Xulka Diaspora iyo xulka Jabuuti cayaartaas oo aad u adkeeyd hadana waxaad moodaa in dhalinyarada diaspora aay 15 kii daqiiqo ugu horeeysay dhaliyeen goolkii ugu horeeyay waxaana dhaliyaya cayaaryahan Ibraahim yare oo nambarka 9aad u qaata xulka Soomalida qurbajoogta ee diaspora, markaa waxaa la wareegay garookii xulkii diaspora oo muujiyay cayaar aan la arag oo ah in aay goolkii 2aad dhaliyaaan oo uu dhaliyay isla cayaaryahan Ibraahim. Cayaartana waxeey ku dhaamatay 3 & 2 oo goolkii sadexaad waxaa dhaliyay cayaaryahan Cabdi Walaala oo asna ahaa cayaaryahankii ugu firfircoonaa intii uu socday tartanka, guushiina halkaa ku raacday Soomalida Diaspora.
Cayaartii labaad ee kubadda kolayga ayaa waxaa cayaaray xulka Somali diaspora iyo xulka qaranka Jabuuti taas oo ka adkeeyd cayaartii hore ay labadaan koox wada cayaareen, si wanaagsana u qancisay dadweynihii kasoo qeeybgalay daawashadeeda oo xataa tabaraha xulka Jabuuti oo ahaa nin dhalashadiisu Masri tahay uu filanwaayay habka aay u wada daadihinayeen tababarayaasha Cabdi qani jeenyo iyo Xaaji jeenyo, waxaana cayaartii basketka ku adkaaday xulka Soomali diaspora oo 68 dhibcood helay iyo xulka qaranka Jabuuti oo 53 dhibcood helay.
Cayaartooyda kubadda kolayga
Maalintii sabtida waxaa dhamaan dhalinta iyo wufuuda Somali diaspora aay xaflad heer sare loosoo abaabulay oo lagu bixinayay koobabka ku tageen Sherato Hotel halkaas oo aay joogeen fanaaniin aad u qiimo weyn sida Cabdinuur Alaale, Winkey, Nimco, Abdi xakiin Geedi Farayare iyo kuwa kale oo badan, waxaana koobkii kaalinta 1aad lagu gudoonsiiyay kabtanka xulka Somali Diaspora Ahmed Ibraahim Romaario. Koobkii kubada kolygana waxaa qaaday Xulka Diaspora iyo macalinkooda C/qani Jeenyo.
Shalay oo ahayd maalin Axada ah taariikhduna ku beegnayd 30/03/2008 ayaa waxaa dhamaan masuuliyiinta iyo dhalinyarada Soomalida qurba joogta ah lagu casuumay guriga madaxtooyada Jabuuti oo qada sharaf uu ugu sameeyay madaxweeynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele.
Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele oo dhexda uga jira marti sharaftii
Hamdi, Abkoow, Sayga Ruushka, Xaaji Abdi iyo Cabdi qani
Marti soorkii kadib ayuu madaxwaynaha mudane Ismaaciil Cumar Geele khudbad sharafleh ugu sheegay in uu ku faraxsanyahay in dhalinyardii Soomalida qurbaha aay maanta yimaadaan dalkoodii 2aad, kulana dardaarmay in uu rabo mustaqbalka in aay ku fikiraan wax tarka dalkoodii hooyo ee Soomaaliya oo kheeyraad Bad iyo Beriba uu ilaah ku maneeystay.
Waxaa si farxad leh ugu mahadceliyay madaxwaynaha dalka Jabuuti madaxa ama President-aha kooxda qurba joogta hogaaminayay mudane Ahmed Shell oo si qiiro leh u muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay dhamaan madaxwaynaha iyo wasiiradii soo dhawayntooda ka qayb qaatay. Wuxuuna gudoonsiiyay madaxwaynaha Shahaado iyo abaal marin magaciisa iyo sawirkiisa oo farshaxan ah lagu soo xardhay.
Waxaana asna halkaa ka hadlay oo idaacadaha RTD iyo Universalba warbixin siiyay Afhayeenka Somali Diaspora ahna maskaxdii kadanbeeysay barnaamijkaan aruurinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee qurba joogta ah mudane Axmed Nuur Xaashi (seyga ruushka).
Waxaa kaloo isna kahadlay Gudoomiyaha qurba joogta Mudane Maxamed Macalin iyo xoghayaha guud ee Soomali Diaspora mudane Mohamed Hamdi Ahmed, waxaa kaloo lawareeystay tababarayaasha Xulalka Diaspora Mudane Bashiir Jeenyo, Macalin Daahir Gacameey iyo C/qani Jeenyo.
Waxaa soo diyaariyay:
Xoghayaha Soomaali Diaspora
M Hamdi Ahmed - Jabuti