FAARAX SENDIKO OO SHAACIYAY IN XIRIIRKA KUBADDA CAGTA ADDUUNKA (FIFA) UU CAFIYAY
30 March 2008
Faarax Wehliye Cadoow (Faarax Sendiko) oo ku sugan hada magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaradka Carabta ayaa maanta shaaciyey in xiriirka kubadda cagta Aduunka ee FIFA ay ka qaadeen Xayiraadii dhanka Sportiga iyo xilalkii uu ka hayay xiriirada sportiga ee Soomaaliya.
Faarax ayaa intaa raaciyay in xilligan uu yahay gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta ee Soomoaliya isla markaana uu cafis u fidiyay Gudoomiyaha Xiririka K/cagta Aduunka sepp Blatter, isagoo sidoo kele tilmaamay in uu ku noqonayo dhamaan xilalkii uu ka hayay xiriirada kala duwan sida FIFA, CAF iyo kan Olympicda Soomaaliya.
Waxa kaloo uu Faarax soo hadal qaaday in aysan jirin Xiriiro Olympiko Somaliyeed oo laga aqoonsaday Adduunka Balse waxaa uu sheegay in ay ahaayeen kuwo si ku meel gaar ah u shaqeeynayay intii ay saarneyd xayiraadda.
Faarax weheliye caddoow sendiko ayaa sanaddii 1975tii waxaa uu noqday gudoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo xubin gudiga Olombikada Soomaaliyeed, halka uu sanadkii 1978 kii ka noqday gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo waliba gudoomiye ku xigeen gudiga Olombikada Soomaaliyeed, wuxuu kaloo isla sanadkaas 1978 kii xubin ka noqday xiriirka kubada cagta ee bariga iyo bartamaha Afrika ( CECAFA ).
Sanadkii 1980 kii wuxuu md. Sendiko xubin ka noqday gudigii joogtada ahaa ee xiriirka kubada cagta qaarada Afrika ( CAF ),halka uu sanadkii 1984 kii ilaa 2004 xubin ka ahaa gudiga fulinta xiriirka kubadda ee Jaamacada Carabta, dhinaca kale sanadkii 1988 kii ayuu Faarax Sendiko xubin ka noqday gudiga fulinta xiriirka kubada cagta ee qaarada Afrika (CAF),wuxuu kaloo isla sanadkaas noqday gudoomiyaha garsoorayaasha Afrika iyo waliba xubin gudiga garsoorayaasha kubada cagta ee aduunka FIFA .
Sanadkii 1993 bur burkii dowladnimada kadib ayaa Faarax Sendiko loo doortay gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo waliba gudoomiyaha gudiga Olombikada Soomaaliyeed GOS ,halka 19 kii bishii Janaayo 2000 loo doortay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xiriirka kubada cagta ee qaarada Afrika CAF, wuxuuna Faarax Sendiko kulansaday jagooyin fara badan oo muhiim ah kuwaas oo kala ah gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, gudoomiyaha G.O.S., gudoomiyaha xiriirka kubada cagta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika CECAFA,
Xigasho: somsports.com
Qore: Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com