Skip Repetitive Navigational Links

Monday, February 06, 2012

KOOXDA HEEGAN OO KU GUULEYSATAY HORYAALKA 10AAD EE KUBADDA GACANTA DALKA SOOMAALIYE

28 March 2008

Waxaa maanta 28/03/2008 magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka Ex-luujino lagu soo gaba gabeeyay horyaalkii 10aad ee (handball-ka) kubadda gacanta dalka Soomaaliya, ayadoo cayaartii kama danbeynta aheyd  ey isugu soo hareen kooxaha Heegan iyo Horseed.

Kulanka ayaa waxaa u soo daawasho tagay dadweyne aad u fara badan oo kor u dhaafayay kumanaan kun, sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay qaar ka tirsan madaxda gudiga Olombigada Soomaaliyeed oo uu hor kacayay gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Kolayga.mudane Aadan Xaaji Yabaroow Wiish oo marna ah ku xigeenka gudoomiyaha Olombigada Soomaaliyeed, gudoomiyaha xariirka kubadda gacanta mudane Eenoow iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha xiriirka kubadda gacanta Eenoow

Cayaarta ayaa waxey ku bilaabatay dar dar xoog leh oo ey la soo shir tageen labada kooxood, qeybtii hore ee cayaarta ayaa waxaa lagu kala nastay 12 gool & 5 gool oo ey ku hor kaceysay kooxda Heegan.

Balse markii leysugu soo laabtay qeybtii danbe ayaa labada kooxba waxay wax ka soo badaleen qaab cayaareed koodii, inkastoo ay caawisay kooxda Heegan dhibcihii badnaa ee ay hor martay qaybtii hore ee cayaarta ayaad waxaad mooday in labada kooxba ay is waydaarsanayeen gool dhalinta oo marba meel laga dhalinayay, taasina ayna waxba ka bedelin hamigii ay lahaayeen kooxda Horseed.

Cayaarta Horsed iyo Heegan

Gudiga qabanqaabada

Kulanka ayaa waxa uu ku soo idlaaday 19 gool iyo 12 gool oo ey guushii ku raacday kooxdii Heegan oo xalaaleysatay koobkii horyaalka 10aad ee kubadda gacanta. Kulankaan oo ahaa mid aad u adkaa ayaa waxaa garsoorayay Maxamed Faarax Muxudiin iyo Xeeyle.   

Cayaaryahanada muujiyay dadaalka ayaan ka xusi karaa hadii aan ku hormaro kooxda Heegan cayaaryahan Aadan Cumar Cali (dhuxuloow) oo ah  wiil uu dhalay laacibkii hore ee kubadda kolayga naadigii Horseed, oo aad moodo in uu Aadan aabihii ka dhaxlay cayaar wanaaga.

Maxamed Faarax iyo Xeeyle

Teeda kale Aadan  wuxuu ahaa laacibkii  ugu wanaagsanaa garoonka labada kooxba. Halka kooxda Horseed ey ugu cad cadaayeen cayaryahanada Yaxye Mandaliif iyo Xamza Xaaji Cabdi.  

Hadaba waxaa lagu wadaa in dhawaan la qabto xaflad  lagu gudoonsiinayo kooxda Heegan koobkii horyaalka 10aad ee kubadda gacanta, waxana idiin balan qaadeynaa in aan dib idiinkaaga soo gudbino haduu Eeebe idmo.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football