Skip Repetitive Navigational Links

Friday, September 10, 2010

KULANO CAYAARO SAAXIBTINIMO OO DHEX MARAY DHALINYARADA REER JABUUTI IYO KUWA QURBO JOOGTA AH OO MARTIQAAD KA HELAY DOWLADDA JABUUTI

28 March 2008

Masuuliyiin iyo dhalinyaro Soomaliyeed oo qurba joogta ah ayaa 22/03/2008 u amababaxay dalka Jabuuti kadib mar ay martiqaad ka heleen dowladda Jabuti, si ay cayaaro saaxibtinimo ula cayaaraan qaar ka mid ah cayaaryahanada dowladda Jabuti.

Masuuliyiinta iyo dhalinyaro Soomaliyeed oo qurba joogta ayaa uu hor kacayey rug cadaaga wayn Ahmed Shell oo u ahaa President kooxda, Ahmed Nuur Seyga Afhayeen, Maxamed Macalin Gudoomiye, M Hamdi Ahmed Xoghaye iyo Yaasiin Diinoow Xubin.

Dhalinyaradaan ayaa aad iyo aad ugu farxay kuna qancay sidii walaaltinimada iyo wanaaga laheyd ee loogu soo dhoweeyay dalka Jabuuti.

Hadaba si aan wax uga ogaano safarkooda ayaan waxaan qadka taleephonka kula hadalnay Cabdi Qani Jeenyo oo ah macalinkii watay kooxda kubadda kolayga ee matalaysay qurbo joogta, wuxuuna noo sheegay waxyaabihii ay la kulmeen markii ay tageen halkaas ilaa iyo maanta.

Wuxuuna igu yiri Mohamed Sheikh wax la soo koobi karo ma ahan hadaan kaaga hadlo safarkeenii, wuxuuna ku bilaabay hadalkiisii:

“Horta waxaan ka soo duulnay London Hithro Airport 22kii Maarso 2008, waxaana transit ku aheyn magaalada Yemen (Sanca) mudo sadex saacadood ah, Jabuuti Airport waxaan ka soo daganay subaxnimadii Axada oo taariikhdu aheeyd 23kii Maarso 2008, halkaas oo uu gegida dayuuradaha Jabuuti inooga hor yimid Wasiirka Dhalinyarda iyo Isboortiga Jabuuti oo si heer sare ah inoogu qaabilay, kadibna waxaa nala geeyay qolka marti sharafta ee garoonka diyaaradaha halkas oo uu wasiirka inoo sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinkeena iyo hoowsha aan qabanay wuuna inooga mahad celiyay.

Waxaa goobtaasi ka hadlay Madaxa sare ee Soomaalida Qurba joota ah sida President Axmed Sheel oo asna halkaa kaga mahad celiyay soo dhaweeynta iyo walaaltinamada hagar la’aanta ah ee aay ina siiyeen dowlada iyo shacabka Jabuuti.
Kadibna waxaa nala geeyay Teknikal Fotbal Center oo ahayd goobihii aan dagi laheyn, waana goob la dejiyo ama lagu xareeyo cayaartooyda iyo maamulka lasocda, waana meel aad kaheleeyso wax kasto oo aad u baahan tahay, sida garoonkii lagu tababaranayay iyo jiif aad u wanaagsan.

Dhalinta Soomaaliyeed ee Qurba Joogta ah waxeey isugu jiraan kuwa cayaara kubada cagta iyo kuwa cayaara kubadda koleyga, mana maleeyn kartid farxada kamuuqato dhalinyarada iyo sida aay u xiiseeynayaan barnaamij kasta oo loo sameeynayay.

Barnaamijka waxuu inoo bilaawday maalinta Isniinta taariikhduna aheyd 24ka Maarso 2008. Waxaa cayaartii ugu horaysay ay cayaar aad u quruxbadan ku dhexmartay Garoonka kubada cagta ee caalamiga ah Xassan Guuleed, Xulka Soomaalida Qurbo joogta ah iyo Horyaalka Jabuuti oo la soo adkeeyay cayaarta oo aad u adkeeyd ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweeyne aad ufara badan iyo madax sar sare oo uu u horeeyo Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga Jabuuti mudane Xasan Farax iyo xiriirka isboortiga D’jabuti.

Kooxda kubadda cagta Soomaalida Qurbo joogta

Waxaa kaloo halkaas iyana joogay Gudoomiyaha Olompikada Soomaaliyed mudane Abkoow iyo kuxigeenkiisa Xaaji Cabdi, waxaana ka dhacday garoonka cayaar aad u xiiso iyo xamaasad badneeyd oo wufuuda qaarkood waxeey ku dhalisay xusuus aay xusuusteen garoonkii weeynaa ee Stadio Mogadishu, iyo qaar kale oo leh waxaan xasuusanay berisamaadkii cayaarha gobolada markii aan eegna dadweeynaha tirade badan ee halkaasi isugu yimid.

Waxa dhacayna waa wax aan lasoo koobi karin waxaana Cayaarta qeeybteedii hore cayaar wnaag aad u sareeyso muujiyay dhalinta xulka Soomaalida Dibad joogta ah ama kunool Qurbaha oo tusay waxyaabo aad u cajab geliyay oo ilaa xiriirka kubada cagta Jabuuti aay yiraahdeen kani waa kii mateli karay xulka qaranka Soomaaliya.

Waxayaabihii ugu cajiibka badnaa ayaa ahaa in dhalinyaradu aay soo jiiteen shacabkii reer Jabuut ee daawanayay cayaarta, kuwaasoo aay ka heleen taageero aad u sareeyso, kadib markii la arkay cayaar wanaagooda, waxaana la isku raacay in intii aay cayaartu socotay qeeybteedii hore aay dhalinta Soomaliyeed aay kubda heeysteen 68% halka dhalinta Jabuuti aay ayana kubada heeysteen 32%.

Hadaba cayaarta qeeybteedii labaad ayaa waxaa dar darkoodii meshii kasii watay dhalinyarada Soomaalida ee Qurba joogta ah, waxaana goolkii koowaad ku hormarta dhalinta Soomaalida waxaana goola u dhaliyay cayaaryahan Ahmed (Denish) dhoowr daqiiqado kadib ayey dhalinta reer Soomaaliya aay heleen Rigoore taas oo uu dhalin kari waayay cayaar yahankii u soo istaagay ee ahaa Axmed Denish, qaybtii danbe ayay kooxdii Jabuuti barbar dhac ka dhigeen cayaarta.

Dhalinyarada Soomaalida waxeey cuneen ama aay kafaaideeysan waayeen fursadihii badnaa ay heleen, ilaa markii danbe cayaarta lagaga badiyay 2 gool iyo 1 oo dhalinyarada Jabuuti guushii ku raacday.

Waxaana kamuuqday dhalinyarada Soomalida Qurbaha, daal iyo caro oo weey ka xumaaaadeen in daqiiqadii ugu danbeeyay laga dhaliyo 2 gool oo rogaal celis ah (Contra attack) madaama aay ayagu qaadayeen weeraro is daba jog ah.

Waxaase Dhalinyarada aad u farxad gelisay habka iyo nidaamka aay wax u mamulayaan masuuliyiinta doowlada Jabuuti oo xataa Baska cayaartooyda waxaa markasta la socday gawaarida Booliska si ay u sugaan amaankooda.

Waxaana goobjoog ka ahaa wasiiro iyo wufuud kale oo aad u heersareeyso waxaa kaloo joogay qaybaha warfaafinta sida BBC laanta af Soomaaliga, Radio & TV jabuuti iyo weliba TV Universal.

Maalintii sadexaad waxaa dhalinyarada soo booqday oo halka aay raashinka ka cunaan fanaaniinta caanka ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti sida Cabdi Nuur Alaale, Winkey, King Khaalid, Sangub. Waxaase aad iyo u garab joogay oo har iyo habeenba dhinacooda seexda kana soo toosa fanaanka caanka ah ee jecel Isboortiga, kana mid ahaa wufuuda waday dhalinyarada xulka Soomaaliyeed ee qurbaha al fanaan Cabdi Xakiim Ciise Geedi Farayare. Waxaana lasoo xiriiray fanaanka weeyn ee reer Soomaaliya Sangub, una balanqaaday in uu barnaamij u sameeynayo dhalinyarada.

Kulankii kale ayaa waxaa cayaar kubada koleyga ah wada lahaay dhalinyarada Xulka Baaskitka ama kubadda koleyga ee Somali Daspora iyo Xulka Jabuuti dhalinyaro laga soo xulay. Taas oo la sheegay in ay ahayd cayaartii ugu fiicneeyd ee uu xulku cayaaro ayadoo cayaartu bilaabatay 5 tii galabnimo hadana garoonka kubada kolayga jabuuti intuu buuxsamay ayaa hadana waxaa dadweeyna aay soo koreen daaqadaha iyo derbiyada waxaadna mooday in si aad ah loo sugayay ciyaartan, maadaama aay dhalinta ku cayaareeysa xulka Soomalida Dibada aay yihiin dhalinyaro aad u da`yar oo hadana aad iyo aad u dhadheer.

Waxaana sidoo kale cayaartii kubadda kolayga goob joog ka ahaa wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaliyeed, Safiirka Safaarada Soomaalida ee Jabuuti u fadhiya, waxaa kaloo goob joog ka ahaa Radio Jabuuti, TV Jabuuti iyo Universal TV.
Bilawgii cayaarta ayaa halmar garoonkii isla qeeyliyay oo sacab iyo heeso iskula dhaqaaqeen dadweenihii oo aad moodaay in ay kulano sidaan oo kale ah ay ka maqnaayeen, taasooo macnaheedu yahay habka aay usoo dhaweeyeen cayaartooyda Soomaalida diasporada. Waxaana meesha qudbad aad u sareeyso ka jeediya wasiirka dhalinyarada iyo Sportiga Jabuuti.

Bilaawgii cayartaba waxaa dhacday in xulka Soomalida Diaspora aay ku dhaliyen ilaa 15 dhibcood 4 tii daqiiqadood ee ugu horeeyayba, laakiin Xulka jabuuti wuu soo rogaal celiyay oo waxaa meesha ka dhacay wax aan laguriyoonin in aay dhici karaan, maadama uu xulka Soomali Diaspora oo kaga adkaaday Xulka jabuuti dhibco ka badan 16 dhibcood, taas oo cayaartii ku dhamaatay Somalida Qurba joogta ah 68 dhibcood halka ay kooxdii reer Jabuti ka keensadeen 42 dhibcood. Waana wax aad u xiiso geliyay wafuudii katimid Xiriirka Olombikada Soomaaliyeed oo uu horkacaayay gudoomiyahooda mudane Abkoow iyo gudoomiye kuxigeen kooda Xaaji Cabdi, markii aay arkeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo hadana aan da`dooda ka badneyn ama u dhaxeeyso 17 jir ilaa iyo 20 jir, kuwaas oo ka badiyay xulka jabuuti waxeeyna u mahadceliyeen oo dardaaran ku siiyeen Tababaraha xulka basketka Soomalida Diaspora Mudane Cabdi Qani Jeenyo.

Kooxda kubadda kolayga

Dhalinyarada xulka basketka Soomalida Dibadjoogta waxeey Garoonka basketka ka muujiyeen cayaar wanaag iyo asluub soo jiidatay dadweeynihii, waxaana cayaartu markii aay dhamaatay waxaa laga qaaday heeso iyo fan aad u badan oo waxaa garoonka dhexdiisa looga heesay heestii calanka Soomaaliya iyo tii calanka Jabbuti.
Oo dadweeynihii, cayaartooydii iyo kuli masuuliyiintii oo gacmaha is heysta aay kuwada heesayeen heesaha calanka. Dadweeynihina aay kabixi waayeen garoonka ilaa uu Booliska ka saaro xamaasaha iyo xiisaha aay leeyihiin cayaarahaan dartood.

Maalintii Arbacada taariikhda ay ku beegnayd 26/03/2008 ayaa waxaan booqasho ku tagnay magaalada Carta ee ah meesha kaliyah ee xusuusta taariikhiga ah ku reebtay Soomali meelkasta oo aay joogto, markii aan tagnay goobtaas waxaa dhamaanteen wejigeena soo wada galay farxad iyo Tiiraanyo, sababtoo ah waxaa inala socday gudoomiyihii Shirkii Carta Mudane Axmed Shell oo mar su`aal aay TV Jabuuti ka weeydiiyeen sida uu dareemayo madaama uu ku soo noqday goobtii uu ka dhacay shirka, ayuu waxuu ku jawaabay “waa wax damiirkeeyga taabtay oo igu reebay xusuus, maadaama aan waxii aan halkaan ku aasaasnay maanta uu cadaw burburshay”. Waxaana dhalinyarada Soomaalida Qurba joogta ah aay la dhaceen quruxda iyo dhismayaasha Carta.”

Akhristayaasheena qaaliga ahoow waxaa intaas ku soo idlaaday warbixintii uu na siiyay mid ka mid ahaa maamulayaashii ka qayb galayay tartanka saaxiibtinimo ee ka dhacay Jabuuti, qaybaha danbana waxaan jecelnahay in aan idiin soo gudbino soo noqoshadooda iyo safarkooda sida uu ku soo gaba gaboobo.

Cabdi Qani Jeenyo
Kubadda.com
Jabuti

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football