KOOXDA INTER MILAN OO LAGA YAABO IN UU MACALIN U NOQDO JOSE MOURINHO SANADKA SOO SOCDO
26 March 2008
Gudoomiyaha kooxda Inter Milan Massimo Moratti, ayaa diyaar u ah in uu ku wareejiyo macalin nimada kooxda Inter Milan Jose Mourinho, kaasoo u balan qaaday in uu siin doono lacag dhan £16 million, si uu ugu soo wareego Italy sanadka dhamaadkiisa.
|
Warsidaha Corriere dello Sport, mar uu u waramay gudoomiyaha Inter Milan Moratti, ayuu u sheegay in uuna u dulqaadan karin intaan ka badan macalinka hada layliya kooxda Inter Milan ee la yiraahdo Roberto Mancini, uuna damacsan yahay in uu xilka macalin nimada ka qaado sanadkaan dhamaadkiisa xataa hadii uu qaado koobka horyaalka Seria A-da Italy.
|
|
Jose Mourinho
|
Macalinkii hore ee kooxda Chelsea Mourinho ayaa hada u cad cad jagadaas uuna jecel yahay milkiilaha kooxda Inter Milan Moratti kaas oo aaminsan-na in uu guul u keeni doono kooxda. Waxaa kaloo ku qasbaya go’aankaan in uu si deg deg ah u qaato, sida kooxaha Barcelona, Real Madrid iyo AC Milan oo ayagana laga yaabaa in ay eryaan macalimiinta hada kooxahooda u layliya. Taas oo keeni karta in ay kor u qaado baahida macalimeed ee kooxahaas. Gudoomiy Moratti, wuxuu hada u ogol yahay in uu siiyo macalinka Portuguese-ka ah ee Jose Mourinho, lacag dhan £4 million sanadkiiba.
Qaar matela macalin Jose Mourinho, ayuu gudoomiye Moratti ka helay fax durbadiiba ku cad qaabka uu ka damacsan yahay macalimiinta iyo nidaamka kooxda haduu ku guulaysto heshiiskaas in uu kooxda u habeeyo sidii ay guul ku gaari laheyd.
Balse taas waxay caqabad ku noqon doontaa gudoomiye Moratti oo aan raali ka ahayn in la wada bedelo dhamaan sidii ay u wada shaqayn jireen maamulka kooxda sida shaqsiyaadka muhiimka u ah ay ka midka yihiin sida Agaasimaha kooxda Marco Branca iyo Lele Oriali.
Laakiinse Jose Mourinho, meelkasta uu tago weligiis wuxuu jecel yahay wixii hoos yimaado kooxaha uu maamulo ee ku saabsan maamulka kubadda cagta in ay asaga ka amar qaataan oo hogaanku hal meel noqdo.
Waxaa soo diyaariyay: Mohamed Sh Abdi (weli)
Kubadda.com - Xarunta weyn ee London