Skip Repetitive Navigational Links

Thursday, February 09, 2012

KOOXDA REAL MADRID OO HOGAANKA U HAYSA XAGA DHAQAALAHA DHAMAAN KOOXAHA REER EUROPE

26 March 2008

Inkasta oo ay kooxaha Premiership-ka ee dalka Ingriiska ay waqtigaan xaadirka ah ugu awooda sareeyaan kooxaha reer Europe sida Manchester United, Arsenal, Chelsea iyo Liverpool kuwaas oo dhamaantood u soo gudbay sanadkaan wareega Quarter finalka ee seddeeda kooxood isugu soo haraan koobka Champions League iyo kooxaha kale ee wadankooda ka dhisan ee ayagan aan ka dhicin sida Tottenham, Newcastle, West Ham iyo Manchester City oo lagu wada xusay dhamaantood liiska kooxaha ugu qanisan reer Europe ee lagu daabacay warsidaha Champions magazine .

Liiska uu soo saaray warsidaha Champions magazine, ayay ku cadeeyeen in kooxda Real Madrid ay tahay waqtigaan xaadirka ah kooxda ugu qanisan Europe , taas oo lagu qiyaasay dhaqaalaheeda in ka badan £271million taas oo kabadan 7% daqligii soo galay sanadkii hore.

Qabiir madax banana oo howshiisu tahay shax u dejinta daqliga soo galo shirkadaha ayaa mar uu si fiican uga fiirsaday waxaa u cadaatay in shanta koox ee ugu daqli soo galka badan sanadkaan ay ahaayeen kooxaha Real Madrid, Manchester United, Barcelona, Chelsea iyo Liverpool kuwaas oo kor u dhaafay xariiqda qiyaasta £1billion mark.

Liiska kooxaha laga sameeyay ayaa sidaan u qoran:

01

Real Madrid

£271m

 

11

Tottenham

£81m

02

Manchester United

£264m

 

12

Roma

£59m

03

Barcelona

£215m

 

13

Newcastle United

£55m

04

Arsenal

£201m

 

14

Hamburg

£52m

05

Chelsea

£184m

 

15

Schalke 04

£48m

06

Liverpool

£165m

 

16

Lyon

£48m

07

Bayern Munich

£147m

 

17

Benfica

£44m

08

Milan

£134m

 

18

West Ham

£41m

09

Juventus

£95m

 

19

Celtic

£36m

10

Internazionale

£84m

 

20

Manchester City

£33m

Sidoo kale kooxda Arsenal ayaa ah kooxaha uu daqligoodu kor u soo kacay kadib markii ay dhisteen garoonka cusub ee Emirates stadium, waxayna hada hogaaminayaan kooxaha reer Europe dhamaantood lacagta ka soo gasho hal cayaar ee garoonkooda lagu qabto taas oo lagu qiyaasay £103m waxaana ku soo daba dhow kooxda Manchester United oo iyna samaysa (£93m), Chelsea (£74m), Barcelona, (£60m) iyo Real Madrid (£54m).

Waxaa soo diyaariyay: Mohamed Sh Abdi (weli)
Kubadda.com - Xarunta weyn ee London

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football