Skip Repetitive Navigational Links

Monday, February 06, 2012

LIISKA SHAQSIYAADKII MADOWGA AHAA, EE KUBADDA CAGTA UGU FIICNAA EE SOOMARAY BRITISHKA OO LA SOO SHAAC BIXIYAY

24 March 2008

Liis la soo saaray Isniintii la soo dhaafay oo ay bishu ahayd 17/03/2008 ayaa lagu cadeeyay in cayaaryahanka u cayaara Manchester United's Rio Ferdinand, uu ka mid yahay labada cayaar yahan ee xiligaan cayaara oo laga xusay in ay ka mid yihiin kuwii ugu fiicnaa madowga soo maray weligeed ee cayaara kubadda cagta oo dhalashadoodu tahay Ingriiska.

Liiska cayaar yahanada Madowga ayaa uu soo daabacay Jaraaidka lagu magacaabo The Voice, oo ah Joornaalka hogaanka u haya Joornaalada jaaliyadaha madowga ah ay leeyihiin ee ka soo baxa dalka Ingriiska, kaas oo mar kasta ka hadla dadka ka yimid Africa iyo kuwa dhalashadoodii hore ahayd Caribbean oo magac ku yeeshay cayaaraha.

Jaaliyadaha madowga waxay weligoodba lahaayeen xiriir taariikh soo jiraan ah oo sal ku leh cayaaraha. Marka laga soo bilaabo laacibkii Arthur Wharton oo ahaa laacibkii ugu horeeyay ee taariikhda soo mara oo madow ah oo cayaara kubadda cagta.

Arthur Wharton, asalkiisii wuxuu ka yimid dalka Ghana 1884. Horaantii wuxuu cayaaraha ku bilaabay cayaarta Cricket-ka, kadibna kubadda cagta sanadkii 1889, kaas oo u saftay kooxdii Preston North End.

Cayaaryahanada ka cayaara dalka Ingriiska oo xirfadoodu tahay cayaarta kubadda cagta ayaa maanta ilaa iyo 30% ah madoow, kuwaas oo ka mid ah kuwa markasta loo xulo xulka Qaranka Ingriiska.

Arthur Wharton

Waxaa kaloo liiska ku jiro gabarta wada xulka Qaranka gabdhaha Ingiriiska Hope Powell, oo ah gabadhii ugu horaysay ee macalin buuxo u nooqatay xulka gabdhaha kubadda cagta qaranka Ingriiska sanadkii 1998 hogaamisayna markii ugu horaysay sanadkii 2001 ilaa iyo hada.

Sanadkii 2002 waxaa Powell la gudoonsiiyay Abaalmarinta ugu wayn ee ay Boqorada Ingriiska dhiibto oo lagu magacaabo OBE, sidoo kale sanadkii 2003 waxaa isna lagu daray kuwa ugu magaca dheer cayaaryahanada kubadda cagta Ingriiska taas oo ay ku mutaysatay dadaalkeeda.

Si kastaba arinku ha ahaadee, xaga cayaaryahanadu waa mid ay kaalin fiican kaga jiraan wax la qaybsiga kuwa u dhashay dalka, balse marka la fiiriyo dhinaca macalimiinta ama maamulka sare ee kooxeed ee cayaarta kubadda cagta ayaa taariikhda ku cad laba macalin oo madoow ah iyo hal ka soo shaqeeyay maamul heer caalami ah ee kubadda cagta ah.

Tirada kuwa soo maray isboortiga ee madowga ah waa tiro badan yihiin, ayuu yiri tafatiraha The Voice Rodney Hinds, balse liisku wuxuu xusayaa kuwa kaalinta fiican ka gaaray cayaaraha.

"Liiska kuma aanan koobin oo kaliyah kubadda cagta oo kaliyah iyo maamulayaasha, waxaan kaloo ka soo xulnay xataa kuwa u shaqeeyo Meediyaha iyo Iidhehda ku lug leh cayaaraha.” Ayuu yiri Rodney Hinds, asagoo raaciyay “Dhinac kastaba ha ahaatee liiskani waxaa ku cad inta shaqsiyaadkooda gaarsiisay in aan u aqoonsano in ay ahaayeen halyeeyada madowga ah ee soo maray dalkaan.”

Liiskaan Madowga xataa waxaa xubin ka ah sida maamulka sare ee Millwall's, maamulka fulinta Heather Rabbatts, kuxigeenka maamulka fulinta PFA Bobby Barnes iyo Jason Rockett oo ah halka kaliyah ee maamulay koox wayn oo kubadda cagta ah hadana ah Agaasimaha kooxda Sheffield United.

Madaxa isku taga ururada kubadda cagta Chris Powell, oo hada ah cayaartooy iyo macalinka kooxda Charlton, ayaa isna ah kan labaad ee wehliya Ferdinand oo lagu xusay liiskaan.

Liiskaan waxaa kaloo ku jira kuwo aan can ahayn oo magacyadooda la garanayn sida Chris Nathaniel, oo ah dalaal (Agent) da'yar oo lug ku lahaa kala gadashada cayaaryahanada Ingriiska sida John Terry, Ferdinand, Micah Richards, Obafemi Martins iyo Ryan Babel.

Waxaa u joogay idaacada Biritishka BBC qabiirka Garth Crooks iyo tafatiraha raadiyaha qaybta cayaaraha Hepburn Harrison Graham.

Sodankii shaqsi ee loo aqoonsaday in ay ugu magaca dheeraayeen madowga soo maray kubadda cagta Ingriiska ayaa kala ah:

Hope Powell

Chris Kamara

Lord John Taylor

Robbie Earle

Jason Rockett

Sky Andrew

Alex Williams

Tony Finnigan

Darren Lewis

Heather Rabbats

Uriah Rennie

John Barnes

Noel Blake

Les Ferdinand

Paul Elliott

Ian Wright

Garth Crooks

Bobby Barnes

Lord Herman Ouseley

Brendon Batson

Chris Ramsey

Chris Powell

Tony Whelan

Paul Ince

Hepburn Harrison-Graham

Keith Alexander

Rio Ferdinand

Andy Ansah

Rodney Hinds

Chris Nathaniel

 

Liiska waxaa taageeray Ururo kubadda cagta ah, ee ka shaqeeya U ololeeynta liddiga ka ah midab takoorka (football's anti-racism campaign,) oo lagu magacaabo Kick It Out, kaas oo ay isku aragti ka yihiin sidoo kale maamulka kubadda cagta FA (football Football Association), Premier League iyo PFA.

Waxaa soo diyaariyay: Mohamed Sh Abdi (weli)
Kubadda.com - Xarunta weyn ee London

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football