MAALINTA QAAXADA ADDUUNKA OO LAGU MAAMUUSAY CAYAARAHA FUDUD IYO KULAN KUBADDA GACANTA AH
24 March 2008
Qaar ka mida xiriirada qaran ee hoos yimaada gudiga Olombigada Soomaaliyeed ayaa maanta qabtay cayaaro kala duwan oo lagu maamuusayay maalinta qaaxada adduunka oo ku beegnayd 24-ka March, sanad kastana laga xuso Caalamka oo dhan si la isugu baraarujiyo la dagaalanka qaaxada adduunka oo dhan.
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Gacanta ayaa maanta garoonka 1-da July ku qabtay cayaar aad u adkeyd oo ay isku haleeleen kooxaha kala ah Heegan oo raacsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Nation Link oo ay leedahay shirkadda Isgaarsiinta Nation Link.
Kooxda Heegan
kooxda Nation Link iyo macallin Daa'uud Diiriye
Daawadayaasha
Waxaa cayaartaasi daawashadeeda kasoo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan guddiga Olombigada Soomaaliyeed iyo xiriirada qaran ee GOS hoos yimaada.
Cayaartaas ayaa mudadii loogu tala galay kusoo idlaatay 18 - 10 oo ay guushu ku raacday kooxda ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan.
Xafladii xiritaanka kadib cayaarta ayaa waxaa lagu guddoonsiiyay kabtanka Kooxda Heegan ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Daadir koobkii munaasabada maalinta qaaxada adduunka oo ku beegnayd 24-ka March.
Wiish oo kabtanka kooxda Heegan Daadir siinaya koob
Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda gacanta maxamed Xuurshe Xasan (Eenow) oo cayaartu intii aanay bilaaban ka hor saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ujeedka tartamada loo qabanayay ay ahayd in bahda Isboortiga Soomaaliyeed ay kaalin weyn ku yeelato ku baraarujinta shacabka Soomaaliyeed, halista cudurkaan iyo la dagaalankiisa.
"Isboortigu waa caafimaad, sidaa daraadeed ayaan ugu tala galnay maalintan caalamiga ah in aan u sameyno hab maamuus sare oo is boorti"ayuu yiri guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda gacanta Mudane Eenow.
Waxaa kaloo munaasabadii maanta hadallo dhiiri gelin ah ka jeediyay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Gudiga Olombikada Soomaaliyeed ahna guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga Aadan Xaaji Yabarow (Wiish).
Cayaartaa kubada gacanta ahayd ka hor ayaa waxaa la qabtay tartan orod ah oo uu soo abaabulay xiriirka Soomaaliyeed ee cayaaraha fudud. Waxaana tartankaa ka qeyb galay 20 wiilal iyo dhowr gabdhood. Iyadoo cayaartoyduna ay isugu jireen heerarka kala duwan ee Orodka.
Furitaanka
Kaalinta koowaad
Wiilasha ku guulaystay kaalimaha hore
Hani Max'ed oo abaalmarin lacageed guddoontay
Gabagabadii ayaa waxaa dhanka gabdhaha kaalimaha hore kala galay:
Kaalinta koowaad waxaa gashay, Hani Cabdi Raxmaan Muuse
2. Hani Maxamed Cabdi Raxmaan
3. Mulki Maxamuud Nuur
4. Maryan maxamed Hilowle
5. Ruweydo Axmed Dhagey
Dhanka wiilashana waxaa kaalimaha loogu kala guuleystay sidan soo socota:
Kaalinta koowaad waxaa galay, Cabdalla Maxamed Xuseen (Weeha)
2. Cabdi Naasir Saciid Ibraahim
3. Cabdulaahi Barre Kuulow
4. Jacfar Cabdi Raxmaan Sheekh
5. Maxamed Daahir Xeyd
6. Maxamed Xasan maxamed
Dhamaanba Orod yahanadan ayaa la guddoonsiiyay lacago u kala badnaa hadba sida ay kaalimaha ugu kala horeeyeen, waxaana dhamaantood iyaga oo faarxsan ay ka bexeen garoonka kadib munaasabadii loogu tala galay bixinta abaalmarinadii lagu tartamayay.
Sidoo kale waxaa lagu wadaa in maalin nimada jimcaha soo socdo 28/03/2008 la soo gaba gabeeyo horyaalka wiilasha kubadda gacanta dalka Soomaaliya oo ey isugu soo
hareen kooxaha Heegan iyo Horseed oo ah labada koox ee ugu awooda roon
dalka Soomaaliya dhanka kubadda kolayga iyo tan gacantaba.
Hadaba aqristayaasheena qaaliga ah waxaan u balan qaadeynaa in an la soo
socod siin doonno natiijada cayaartaas iyo cida ku guuleesato horyaalka kubadda gacanta haduu eebe idmo.
Waxaa soo diyaariyay
Mohamed Hassan
Muqdisho - Soomaaliya