Skip Repetitive Navigational Links

Monday, May 12, 2008

KOOXAHA HEEGAN IYO HORSEED OO U SOO BAXAY KAALINTA KAMA DANBAYSTA AH EE CAYAARTA KUBADDA GACANTA

22 March 2008

Xiriirka Soomaliyeed ee kubadda gacanta wuxuu ku dhex jiraa dhamaystirka horyaalka 10-aad ee Kubadda Gacanta (handball-ka) ee dalka Soomaaliya oo bilowday 16/02/2008. Tartankaan ayay ka soo qayb galeen ilaa iyo siddeed kooxood oo Wiilal ah, kuwaas oo kala ahaa:

1.Kooxda Heegan
2.Kooxda Horseed
3.Kooxda Nation link
4.Kooxda O.F.C
5.Kooxda Fero
6.Kooxda Gasco
7.Kooxda Faanoole
8.Kooxda Stander

Waxaana loo qaybiyay 2 Guruub A& B waxaana semi final u soo baxay kooxaha kala ah, Nationlink, Fero, Heegan iyo Horseed.

Cayaarihii ugu horeeyay ee Semi finalka ayaa la cayaaray maalintii khamiista taariikhdu ahayd 20/03/2008.Waxaana cayaaray kooxda Heegan iyo Kooxda Fero.

Kulankaan oo ahaa mid aad u xiiso badnaa ayaa wuxuu ku soo idlaaday 19 gool ay keensadeen kooxda Heegan iyo 8 gool ay dhaafi waayeen kooxda Feero

Kulankii xigay ayaa dhex maray kooxaha Horssed iyo kooxda Nationlink maalintii jimcaha 21/03/2008 taas oo iyana ku soo idlaatay 18 gool kooxda Horseed, halka kooxda Nationlink ay la yimaadeen 15 gool.

Kooxda Heegan

Kooxda Horseed

Hadaba cayaarta kama danbaynta ah ayaa la filayaa in ay dhawaan fooda is daraan kooxaha Heegan iyo Horseed, oo runtii ah kooxaha ugu awooda roon wadanka waqtigaan xaadirka ah, hadii ay noqon lahayd kubadda kolay ama gacanba.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football