XULKA QARANKA 20 & 17 JIRADA AH OO LA MAGACAABAY
20 March 2008
Waxaa dhawan magaalada Muqdisho looga dhawaaqay xulka kubadda cagta qaranka Soomaliyeed kuwa ey da'doodu kala tahay 20-jir iyo 17-jir oo uu labbadaba hor kacayo macalin Cabdi Faarax (Geelle), ku xigeena u yahay Cumar Caruus. Xulalkan ayaa lagu wadaa in ey ka qeyb galaan tartanka CAF. Kaas oo lagu wado in uu ka kala dhici doono dalalka Niger iyo Kenya .
Cayaaryahanadaan ayaa laga soo kala xulay kooxaha wadanka hada ka jira, waxayna kala yihiin magacyadooda iyo kooxaha ay u kala cayaaraan sida hoosta ku qoran:
MAGACA |
BOOSKA |
KOOXDA |
Siidcali Axmed |
Gool haye |
Dakedaha |
Qaalid Cali Mursal |
Gool haye |
Banaadir |
Yaasiin Cali Cigaal |
Difaac |
Elman |
Xasan Cali Rooble |
Difaac |
Elman |
Anwar Sadaad Ibraahim |
Difaac |
Daallo |
Ibraahim Axmed Maxamed |
Difaac |
Elman |
Badri Macalin Axmed |
Difaac |
Elman |
Maxamed Cumar Xasan |
Dhexda |
Elman |
C/lahi Yuusuf Ismaan |
Dhexda |
Dakedaha |
Mustaf Xasan Maxamed |
Dhexda |
Dakedaha |
C/raxmaan Maleele |
Dhexda |
Dakedaha |
Sheekhnuur Cismaan Aadan |
Dhexda |
Banaadir |
Nuur Cabdi Muxuyadiin |
Dhexda |
Daallo |
Maxamed Abuukar Dheere (Jeeg) |
Dhexda |
Elman |
C/fataax Cabdi Ismaan |
Jookar |
Banaadir |
Cusumaan Yuusuf Cusmaan |
Weerar |
Daallo |
Wardi Xasan Kaafi |
Weerar |
Daallo |
Daadir Maxamed Muqtaar |
Weerar |
Banaadir |
Muxuydiin Bulaale |
Weerar |
Elman |
Yuusuf Geedi Sheegow |
Weerar |
Dakedaha |
Caadil Nuur Cali |
Weerar |
Dakedaha |
Siidii Maxamed Cumar / heerka 2aad |
Weerar |
Daallo |
Hadaba si aan wax badan uga ogaano xulista cayaaryahanadaan, ayaan waxaan wax ka weydiinay macalinka xulka qaranka kubadda cagta Soomaliyeed oo layliya hada cayaaryahanada da'doodu tahay 20-jir iyo 17-jir ka Macalin Geele.
|
Macalin Geele waxaan marka hore weydiinay diyaar garoowga xulka. Waxa uuna ku jawaabay “waqtiga diyaar garoowgeena ma badna, balse waan dadaaleynaa waxana wataa cayaartoy aad u da'yar. Waxaan kaloon waydiinay rajada uu is leeyahay cayaaryahanadaan waa keeni karaan.
|
|
macalin Cabdi Faarax (Geelle)
|
Wuxuuna yiri “hadii dalalka an la cayaari doono ey la soo shir tagaan cayartooy sidooda oo kale da'yar waxaan qabaa in aan keeni karno natiijo fiican”.
Sidoo kale waxaan wax ka weydiinay in ay jiraan cayartooy ka imaaneysa dalka dibadiisa. Waxuuna ku jawabay “waxaan hada hubaa 3 ciyaartooy oo hada ku sugan dalka Jabuuti, kuwaasi oo safarkii hore ee Qaranka nooga soo haray dalka Jabuuti oo ku biiray kooxaha kala duwan ee dalkaasi ka dhisan, oo aan filaayo in ay nagu soo biiri doonaan. Cayaaryahanadaas oo lagu magacaabo: C/casiis Hoomi, Maxamed Yare iyo Cabdi Waaxid ”. Waxaa kaloo uu raaciyay macalin Geele “waxaa kaloo jira balse aan weli la hubin cayaryahan da' yar oo nalooga sheegay dalka Talyaaniga oo lagu magacaabo Ayuub Daa'uud.”
Hadaba bahda wabka kubadda.com waxaan dib idinkugu soo sheegi doonnaa hadii ey suura gal noo noqoto in ciyaaryahankaasi Talyaaniga joogo ku soo biiro xulkiisa Qaran iyo hadii ciyaar yahanadaan hada aan xulnay aan wax ku darno ama ka dhimno, war bixinadeena danbe haduu Eebe idmo iyo halka uu ku danbeen doono diyaargaroowga aan hada ku jirno.
 |
|
Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345
|