Skip Repetitive Navigational Links

Tuesday, September 07, 2010

GOBOLKA SH/DHEXE OO KU SOO BAXAY SAFKA HORE WAREEGII KOOWAAD EE ZONE 3-AAD CAYAARAHA GOBOLADA

18 March 2008

Gobolka Shabeellada Dhexe (Jowhar) oo marti geliyay Sanadkaan tartankii 18aad ee cayaaraha gobolada dalka ayaa tartanka ugu dambeeyay galabta ay isaga hor yimaadeen xulalka gobolada Shabellaha Dhexe (Jowhar) iyo Galgaduud.

xulka Sh. Dhexe Jowhar

Xulka Gobolka Galgaduud

Gobolka Shabeellada Dhexe (Jowhar) oo ay ka dhacayeen cayaaraha gobolada Zone-ka 3aad, ayaa kooxdiisii si dhib la'aan leh ugu soo baxeen wareega labaad ee u soo gudbay cayaaraha kama dambaynta ah ee ka dhici doono dhawaan Gobolka Banaadir, kuwaas oo la looltami doono kooxaha kasoo kala baxa labada Zone ee kale oo lagu hanwayn yahay in ay ayagana ka dhacaan cayaaro sidaan oo kale ah dhawaan sida Zone-ka 1aad Shabeelaha hoose iyo Zone-ka 2aad oo ay ku wada jiraan Bay, Bakool iyo Gedo.

Gobolka Shabeellada Dhexe (Jowhar) ayaa labadii cayaar ee ay dheeleen guul la soo hoyday. Cayaartii koowaad ee tartanka lagu furay ayay gobolka Hiiraan kaga badiyeen 2 – 1, cayaartii xigtayna maanta kaga badiyeen xulka gobolka Galgaduud 2 – 5. Waxayna wataan Lix dhibcood.

Garoonka Kubada Cagta Magalaada Jowhar

Xulka gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale wato hal guuldaro iyo hal guul, dhibco dhan Saddex dhibcood waxayna wehlin doonaan in ay ka mid noqdaan labada koox ee u soo gudbay wareega labaad ee aadi doono gobolka Banaadir.

Saddexda xul ee ka qeyb galeysay Tartanka Zone 3-aad ayaa laga doonayay Labo xul oo kaliyah sidaasina ay ku soo bexeen labada gobol ee kala ah Sh/Dhexe (Jowhar) iyo Hiiraan oo ka mid noqon doono xulalka gobolada u soo baxa, cayaaraha kama dambeysta ah ee lagu qaban doono gobolka Banaadir.

Kooxuhu siday isku arkeen iyo dhibcaha ay kala wataan

Date

Kooxda

Vs

Kooxda

14/03/2008

Sh/Dhexe(Jowhar)

2 - 1

Hiiraan

16/03/2008

Hiiraan

4 - 1

Galgaduud

18/03/2008

Galgaduud

2 - 5

Sh/Dhexe(Jowhar)


Kooxda

C

G

GD

BAR

DH

LDH

UH

DHB

Jowhar

2

2

0

0

7

3

04

6

Hiiraan

2

1

1

0

5

3

02

3

Galgaduud

2

0

2

0

3

9

-6

0

C= Cayaaray. G= Guul. GD= Guuldaro. BAR=Barbarro. DH= Dhalis. LDH=Laga dhaliyay. UH=U Haray. DHB=Dhibco

Kulamadan oo ahaa kuwo aad u xiiso badnaa ayaa waxaa garoonka kubadda cagta Jowhar soo buuxdhaafinayay daawadayaasha ka kala socday kooxaha halkaasi ku looltamayay. Garoonku inkasta uuna leheen fadhi aad u habaysan hadana taageerayaashu waxay muujinayeen in uu fadhi waxba kala maqneen ayagoo badankoodu taagni ku fiirsanayay cayaarta, kana muuqatay xamaasad iyo farxad aan la soo koobi karin.

Gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta mudane Saciid Mugaanbe, wuxuu u mahad celiyay maamulka Olombigada Gobolka Sh.Dhexe ee Jowhar oo si sharaf leh u suurto geliayay kuna dhiiradeen in uu tartankaan ka dhaco magaaladooda, una noqdeen horseed gobolada dalka oo dhan, muujiyayna wax looga daydo.

Gudoomiyihii Hore ee Xiriirka Kubada Cagta G.Sh.Dhexe Xaaji Cusmaan Jiinow iyo Gudoomiyaha Olombigada Gobolka Mr Shongole

Taageerayaashii ugu xamaasada badnaa intuu tartanku socday

Waxaa sidoo kale uu u mahad celiyay dhamaan goboladii ka soo qayb galay tartanka iyo taageerayaashii waqtigooda u soo huray fiirsashada cayaarta iyo bilida bilicda garoonka.

Wuxuuna u rajeeyay gobolada ay hada ka bilaaban doonaan cayaaraha inta hartay Zone-ka 1aad Shabeelaha hoose iyo Zone-ka 2aad ay ku wada jiraan Bay, Bakool iyo Gedo. in ay ayaguna ku daydaan muujiyaana in ay sidaan iyo si ka fiican u qaban karaan tartanka 18aad ee cayaaraha gobolada dalka.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football