Skip Repetitive Navigational Links

Tuesday, September 07, 2010

TARTANKA CAYAARAHA GOBOLADA OO ALBAABADA SHALAY LOOGA FURAY ZONE-KA 3-AAD

15 March 2008

Waxaa shalay galab si rasmi ah uga furmay gobalka Shabeelada dhexe magaala madaxdiisa Jowhar kulan cayaareed ka tirsan isreeb reebkii cayaaraha gobalada dalka Soomaliya. Cayaarahaan oo lagu waday in si toos ah u furmi lahaayeen 7-dii bishan balse dib u dhac ku yimid ayaa maalin nimadii khamiista aheyd ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ku soo bandhigeen qalab cayaareedkii gobalada ku cayaari lahaayeen, oo ay gudoonsiisay shirkadda isgaarsiinta Nationlink.

Waxaa lagu wadaa in uu tartankaasi ka kala dhaco dhowr Zone oo kala ah:

Zone 1 - Shabeelaha hoose
Zone 2 - Bay, Bakool iyo Gedo.
Zone 3 - Shabeelaha dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.

Hadaba waxaa maalin nimadi shalay oo jimco aheyd taariikhduna ku beegneed 14/03/2008 uu si rasmi ah uga furmay Zone-ka 3-aad ee shabeelada dhexe kulan ka tirsanaa kii loo qorsheeyay soonkaas oo dhex maray xulalka Shabeelada dhexe iyo Hiiraan.

Zone-ka 3aad

Kulankaan oo ahaa mid aad u adkaa ayaa waxaa uu ku soo gaba gaboobay 2 - 1 oo ey guushii ku raacday xulka Shabeelada dhexe, waxaana cayaarta garsoorayay Axmed Keey ayagoo ey kaalinayeen Cismaaneey iyo Saalax.

Waxaa cayaarta ka soo qayb galay dadwayne aad u tira badan, in kastoo aynan lahayn xaraaradii ay lahaan jireen cayaaraha gobolada, hadana wax walba waxay u baahan yihiin isku day iyo dadaal in loo galo. Waxaana hubaa beryo kadib in ay soo noqon doonto xamaasadii taageerayaasha ay u yeeli jireen daawashada cayaaraha gobolada.

Waxaa kaloo daawadayaasha ka mid ahaa madax ka socotay xiriirka soomaliyeed ee kubada cagta oo uu horkacayay godoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta mudane Saciid Maxamud Nuur (mugaanbe), gudiga oliymbikada Soomaaliyeed iyo kan labada gobal cayaarta tan xigta ayaa lagu wadaa in ey dhacdo maalin nimada Axada ah, waxaana ku wada balan san gobalada Hiiraan iyo Galgaduud.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football