Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

QORITUURKII MAANTA: ARSENAL IYO LIVERPOOL MAXAA KALA HAYSTA ?

14 March 2008

Kooxaha British-ka ayaa tiradii ugu badnayd u soo gudbeen wareegaan Quarter finalka ee Champions League-ga, kooxahan ayaa ah 4-ta kooxood ee hada hogaaminaysa safka hore ee shaxda Premier League-ga kuwaas oo kala ah: Arsenal, Manchester United, Chelsea iyo Liverpool .

Kooxaha dalalka Talyaaniga, Spanish-ka, Jarmalka iyo Turkey ayaa iyagana min hal koox uga soo gudbeen wareegaan oo kala ah AC Roma, Barcelona , Schalke 04 iyo Fenerbahce.

Hadaba xafladdii Qorituurka ayaa maanta duhurkii lagu qabtay wadanka France magaaladiisa Nyon. Wadamo badan oo adduunka dacaladihiisa ah ayaa waxay shaashada TV-ga ka sugaayeen sida kooxaha isku qaabileen, kuwa aanan TV-goodu lahayn na, waxay dul fadhiyeen Computer-da si ay website-yada Isportiga ka faaloodo uga helaan natiijadaan.

Hadaba qorituurkii Quarter finalka Champions League-ga ayaa duhurkii maanta u dhacay sida tan:
 
Q 1 Arsenal Vs Liverpool

Q 2 AC Roma Vs Man United

Q 3 Schalke 04 Vs Barcelona

Q 4 Fenerbahce 04 Vs Chelsea

Xafladii qorituurka kadib ayay Guddoomiyeyaasha kooxaha qaarkood ka hadleen aragtidooda kaga aadan kooxahooda, Guddoomiyaha fulinta naadiga Liverpool Rick Parry, ayaa cadeeyay in uuna ku faraxsaneen in kooxdiisa ku soo aadaan koox kale oo Ingriis ah, waase noqotay ayuu yiri. “Ma fududo hal asbuuc gudaheed in koox wayn sida Arsenal aan saddex mar la cayaarno, balse waa u tabaabushaysan doonaa, waxaana farxad inoo ah in cayaarta labaad gurigeena lagu cayaari doono”. Ayuu raaciyay Rick Parry.

Fari kama qodno sidoo kale “hadii aan ka soo baxno wareegaan, waxaa noo muuqato hadane in aan koox kale oo Ingriis ah ( Chelsea ) aan ku soo aadi doono anaga ama Arsenal, sida ay saadaashu tahay.”

Maamulaha fulinta naadiga Arsenal Keith Edelman, ayaa isna cadeeyay aragtidiisa kaga aadan kulankaan oo yiri: "Waxaan ka jeclaan leheen in aan ku soo aadno kooxaha kale ee reer Europe .

"Liverpool waa koox wayn oo qibrad fiican u leh cayaarta Champions League-ga, In kastoo aynan ku faraxsaneen booska ay kaga jiraan Premier League-ga hadana waa adag tahay in saddex cayaar asbuuc gudaheed aan la yeelano kooxda Liverpool . Mana ahan mid la saadaalin karo cida ku gacan sarayn doonto.”

Sidoo kale, secretary-ga kooxda Manchester United Ken Ramsden, ayaa isna sheegay: "In ay farxad u tahay kooxdooda maadaama ay ku soo aadeen kooxda AC Roma, oo ay si fiican isu yaqaaniin oo ay cayaarihii ay dhawaanta la yeesheen ay guulo la taaban karo horay uga soo hooyeen.

Waxaan hubaa in macalinka kooxda uu ku farxi doono kulankaan maadaama ay xataa cayaarta danbe gurigeena lagu soo af jari doono, oo taageero iyo hiilba aan ka heli doono taageerayaasha kooxda.” Ayuu raaciyay Ken Ramsden.

Waxaa wejigiisa farxad laga dareemayay sidoo kale Guddoomiyaha fulinta naadiga Chelsea Peter Kenyon, waa farxad mar hadii uu Illaah naga badbaadiyay kooxihii kale ee Ingriiska ahaay. “Aad ayaan u faraxsanahay” ayuu yiri Kenyon, “in kastoo aaditaanka Turkey uunan fududeen hadana lacayaarida kooxda Fenerbahce koox ka fiican eel ala cayaaro wareegaan ma jirto. Walloow kooxaha soo baxay aynan jirin koox fudud. Hadana kooxuhu waa is dhaamaan.”

Kooxda Barcelona oo ka mid ah kooxaha ugu adag Europe oo ay isku bahaysteen ciyaartooy heer caalami ah ayaa ku soo aaday kooxda reer Germany ee lagu magacaabo Schalke 04, oo loo arkayay kooxaha u soo gudbay wareegaan kuwa ugu awooda yar. Taasina waxay ka dhigaysaa Barcelona in ay u muuqato mar kale kooxda lagu hami wayn yahay in ay mar kale ku guulaysato koobkaan.

Waxaa ciyaarahaan dhamaantood la ciyaari doonaa is araga hore 1-ga ama 2-da bisha April 2008. Wareega labaadna 8-da ama 9-ka bisha April 2008.

SEMI FINAL-KA: Ayaa isna la qorsheeyay sida kooxuhu iskugu soo aadi lahaayeen:

1. Qurater final 1 Vs Qurater final 4 oo ah:

Arsenal/Liverpool Vs Fenerbahce/Chelsea

2. Qurater final 3 Vs Qurater final 2 oo ah:

Schalke/Barcelona Vs AC Roma/Man United

FINAL-KA: Ayaa isna noqon doono:

Winner Semi final 2 Vs Semi final 1

Cayaarta kama danbaynta ah ee Final-ka ayaa ka dhici doonto Magaalo madaxda dalka Rusia ee Moscow 21-ka May 2008.

Waxaa soo diyaariyay: M. Sheikh Abdi (weli)
Kubadda.com – Xarunta weyn ee London

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football