Skip Repetitive Navigational Links

Monday, May 12, 2008

MAAMULKA TEENISKA OO TABAABUSHO WAYN UGU JIRA DIB U SOO NOOLAYNTA XIRIIRKII TENISKA

9 March 2008

Waxaa shalay magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka casa d’ Italia ee dagmada xamar weyne ka dhacday xaflad balaaran oo dib boorka looga jafayay xiriirkii Soomaliyeed ee kubadda Teeniska. Taas oo layskugu keenay caruur aad u da’yar oo la rabay in lagu barbaariyo cayaarta kubadda Teeniska oo uu tababare u ahaa Xamza Xaaji Cabdi oo ahaa cayaar yahanadii soo baxay dagaalada sokeeye ka dib.

Caruurta ka soo qayb gashay tartanka

Caruurta oo la tusayo sida loo cayaaro

Caruurta oo tababarkii qaadanaya

Xafladaasi oo ey soo qaban qaabiyeen xiriirka Teeniska eyna ka soo qeyb galeen dhamaan inta badan madax xiriirada kala duwan ee ka jira dalka ayaa ugu horeen waxaa halkaasi ka hadlay xoghayaha xiriirka Teeniska Cali Saciid oo sheegay in ka qaybgalka tartamada Teeniska ay dib ugu soo laaban doonto masraxyada dalka, tan qaarada Afrika iyo tan Caalamkaba mustaqbalka dhow.

Gudoomiyaha xiriirka Teeniska Yuusufeey, Cali Saciid, Saciid mugaanbe Aadan X. Yabaroow (wiish) & X. Cabdi Cilmi

Gudoomiyahay X S K K Aadan Xaaji Yabaroow (wish) oo xaflada furay

Sidoo kale waxaa halkasi ka hadlay gudoomiyaha xiriirka Teeniska Yuusufeey iyo gudoomiye ku xigeenka guddiga Olimybikada Soomaaliyeed ee xagga gobalada Xaaji Cabdi Cilmi. Waxaa kaloo halkasi ka hadlay asagana gudoomiye ku xigeenka guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ahna gudoomiyahay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda kolayga Aadan Xaaji Yabaroow (wish) oo xafladi tababarka xariga ka jaray.

Waxaa kaloo xafladaasi goob joog ka ahaa gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Saciid Maxamuud Nuur (mugaanbe), gudoomiyaha xiriirka kubadda gacanta Eenoow iyo Abuukar Isloow iyo marti sharafkale oo ay ka mid ahaayeen Abuukar Cumar Geedi iyo C/qadir Cumar Geedi, Ibraahim Sugow iyo Yoolax. Munaasabada xaflada oo ahayd mid si farxad leh ku dhamaatay ayaa aad loogu han waynaa in mustaqbalka kubadda Teeniska ay noqoto mid ka mid ah xarakaatka cayaaraha ka jira dalka.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football