KOOXDA DEKADAHA OO KU GUULAYSATAY MUNAASABADA KOOBKII MARXUUN ELMAN EE GAROONKA KOONIS STADIUM
9 March 2008
Muqdisho waxaa maanta lagu soo gaba gabeeyay garoonka da'aada weyn ee Koonis Stadium koobkii la magac baxay xuska marxuum Elman. Koobkaan oo ey si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo maamulka naadiga Elman eyna ka soo qeyb galeen 4 kooxood oo kala ahaa Elman, Badbaado, Banaadir Telcom iyo Dekedaha.
Koobka oo ahaa mid nack out ah oo kooxdii laga badiyaa ey haraysay ayaa waxey kooxuhu isugu aadeen una kala badiyeen qaabkan Elman iyo badbaado oo wada cayaaray waxaa 4 -0 ku badiyay Elman. Banaadir Telcom iyo Dekedaha oo wada kulmayna waxey ku kala badiyeen 4 - 0 oo ey ku adkaatay kooxda Dekedaha. Halkaasina isugu soo baxeen kooxaha Elman iyo Dekedaha cayaarta kama danbaynta ah.
Maanta oo Axad aheyd taariikhduna ku beegneed 09/03/ 2008 ayay ku kulmeen cayaartii kama danbeenta aheyd kooxaha Elman iyo Dekadaha. kulankan ayaa ahaa mid aad u adkaa labada kooxoodna waxey la soo shirtageen cayaar aad loo jecleestay ayadoo ey kooxiba kooxda kale weerar culus ku qadeysay cayaartii markii uu garsoorihii cayarta oo ahaa Baasaale uu ku dhuftay seerigii cayartana ey socotay 1 daqiiqo ayaa kooxda dekedaha waxa u suura gashay in ey dhaliyaan gool, kaasi oo uu u saxiixay cayaaryahan C/qaadir Axmed Cumar oo loo yaqaan (Afdheere) una sitay lanbarka 8-aad kooxda dekedaha.
Balse markii ey cayaartu mareysay 21 daqiiqo isla qeybtii hore ee cayarta ayaa kooxda Elman u suura gashay goolkii bar bar dhaca oo uu u saxiixay cayaar yahan C/raxmaan Ismaaciil Cusman oo loo yaqaan (baasuuke) una sitay lanbarka 10-aad qeybtii hore ee cayarta waxa lagu kala nastay 1 - 1 gool.
Qeybtii labaad ee cayaarta markii leysugu soo noqday aya waxaa lees lahaa koox waliba waxey la soo bixi doonta cayaar ka duwan tii qeybtii hore e cayaarta balse taasi ma dhicin waxaana moodaa in macalimiibnta labada koox ey ku soo waaniyeen cayaartoyda kooxdooda in ey dheelaan qaab difaaceed mana suura galin in labada kooxoodba ey dhaliyaan wax gool ah qeybtii danbe ee cayaarta, cayaartiina waqtigii loogu tala galay waxeey ku soo idlaatay bar bar dhac 1 - 1 gool.
Nalal xumo jirta aawgeed ma suurto galayn in cayaarta waqti saa'id ah lagu daro, waxaase la go'aansaday in kooxaha lagu kala reebo gool ku gan rigoorayaal. Labada kooxna waxay la soo baxeen cayaar yahanadii gool ku ganka u tuuri lahaa.
Kooxda Dekedaha
Kooxda Elman
kooxda Dekedaha iyo macalinkooda Adkaysi
Waxaa rigoorayaalkii ku guulaysatay kooxda Dekedaha oo 3 - 1 ku adkaatay koobkiina ku xalaaleystay. Cayaarta ayaa waxaa u soo daawasho tagay dadweyne aad u tira badan iyo madax kala duwan oo uu ugu horeeyay gudoomiye ku xigeenka gudiga Oliymbikada ahna gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta mudane Aadan Xaaji Yabaroow (wish), gudoomiyaha xiriirka Soomaliyeed ee kubadda cagta mudane Saciid Maxamuud Nuur (mugaanbe) ku xigeenadiisa iyo madax kale oo ka kala socday hay'adaha kala duwan sida gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda gacanta Eenoow iyo ku xigeenka gudoomiyaha maamulka gobalka Banadir ee xaga arimaha bulshada mudane Maxamed Cismaan Cali (dhagaxtuur).
mudane Max'ed Cismaan Cali (dhagaxtuur)
Saciid Muganbe oo sida koobkii xuska marxuun ELMAN
Qudbadihii ey soo jeediyeen madaxda ka dib waxaa koobkii la gudoonsiiya kabtanka kooxda Dekedaha Saalaaxu'diin waxaana gudoonsiiyay ku xigeenka maamuka gobalka Banaadir ee xagga arimaha Bulshada mudane dhagaxtuur. Xafladii iyo koobkii marxuum Elmanna sidaasi ayaa lagu soo gunaanaday. Hadaba hadeynu nahay bahda kubadda.com waxaan leenahay nadiga Dekedaha Hambalyo.
 |
|
Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345
|