Skip Repetitive Navigational Links

Monday, May 12, 2008

KOOBKA MAALINTA HAWEENKA EE 8-DA MAARSO OO AY KU LOOLLAMEEN GABDHAHA KOOXAHA KUBADDA GACANTA HORSEED & HEEGAN

9 March 2008

Waxaa shalay magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka Ex-Luujino ee degmada C/casiis ka dhacay koob lagu xusayay munaasabada maalinta Haweenka ee 8-da Maarso, koobkaasi oo uu soo qaban qaabiyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda gacanta ayaa ay fooda is dareen shalay kooxaha gabdhaha Horseed iyo gabdhaha Heegan.

kooxda gabdhaha Horseed

kaaxda gabdhaha Heegan

cayaartii maalinta Hooyooyinka 8-da Maarso

Kulanka oo ahaa mid aad u xiiso badnaa ayaa waxuu ku bilowday dar dar xoog leh oo ay labada kooxba haminayeen in ay kooxiba kooxda kale boobto. Cayaaryahanada labadaan koox ayaa badankoodu ahaayeen kuwii bilowga sanadka ku looltamay cayaartii Finalka koobkii horiyaalka 24-aad ee gabdhaha kubadda kolayga dalka Soomaaliya. Balse waxay hada ku tartamayeen koob ka duwan. Cayaarta Qeybtii hore ayaa waxaa lagu kala nastay 7 - 6 oo ey ku horkacayeen kooxda Heegan.

Balse waxeey wax waliba isbadaleen qeybtii labaad ee cayaarta kadib la tashi iyo nasiino dheer kadib, waxaa dib loogu soo laabtay garoonkii ayadoo kooxda Horseed ey kaashanayeen waayo aragnimadooda maadaama ey ku aruursanayeen xarfaantii hore ee kubadda kolayga sida Batuulo Geediyo iyo Fowziyo halka ey gabdhaha Heegan ey ahaayeen gabdho aad u da’ yar waxaase ka maqnaa oo bananka ka daawaneysay maamada weyn ee rug cadaada ah maamo Mulki Nuur Muudeey qeybtii danbe waxaa mooday in waayo aragnimo lagu dilay gabdhihii Heegan cayaartana waxeey ku soo gaba gaboowday 15 gool oo ey dhaliyeen Horseed iyo 13 gool oo ey dhaliyeen Heegan sidaasina lagu godoonsiiyay koobkii sanadguurada maalinta Haweenka 2008 kabtanka kooxda Horseed maama Batuulo Xaaji.

kabtanka kooxda Horseed Batuulo Xaaji

Munaasabada cayaartan ayay ka soo qeyb galeen madax iyo marti sharaf kala duwan oo uu ugu horeeyay gudomiye ku xigeenka guddiga Olyimbikada Soomaaliyeed ahna gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda kolkayga Aadan Xaaji Yabaroow (wish) gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Saciid Maxamuud Nuur (mugaanbe) xaghayaha xiriirka Teeniska Cali Saciid, gudoomiyaha xariirka kubadda gacanta mudane Eenoow iyo marti sharaf kale. Waxaana lagu soo gabagabeeyay si farxad leh kulanka.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football