Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

CAYAAR GOBOL AA? (ARAGTIDA AKHRISTE)

8 March 2008

Waxaa amakaag iyo yaab, irkig iyo filanwaa aan u mooday qoraalkii ku soo baxay baalkan KUBADDA iyo war sidayaal fara badan oo ku hadla afka Soomaaliga ee ka faaloodo Isboortiga, maqaalkoodii ahaa (ISKU AADKA CAYAARAHA GOBOLADA DALKA SOOMAALIYA) kaas oo aan ka akhriyay 02 Maarso 2008.

Waxaa dadka qaar ka lumay doorashada ereyada Af- Soomaaliga. Kubadda Cagta ma ahan cayaaraha kaliyah ee Soomaaliya laga cayaaro, sidaas awgeed ilama ahan in la qaban karo tartan cayaareed oo aan dhameen. Waa kubadda Cagta sida ka muuqata qoraalka, xiriirka K.Cagtuna ma aha Olombigada. Marna lama dhaafi karo xaqiiqada.

Tanxigta Somaaliya waxay ahayd 18 gobol (regional) ee ma ahayn shabeelada hoose iyo shabeelada dhexe iyo jubada hoose oo kaliyah. Weliba hada far ku taagan tahay sheegashada gobolada kor ku xusan

“NABAD LA'AAN ISBOORTI MA JIRO” Ciyaaro dhab ah lama qaban karo inta nabadu laalantahay, Muhimadu hadey tahay sheegashada in wax la qabtay , ama been loo been guurayo hey'adaha caalamiga ah sida FIFA, FIBA ama cid kale waa la gartay, Hadii lays maan habaabinayo lama joogo waqtigii si fudud dadka looga iibin kari jirey fikrado aan soconayn.

Waxaa loo baahan yahay in la ogaado ujeedada tartanku maxay tahay ?

Gobolada oo dhan

Waxaan kaloo aad ula yaabanaa OGAYSIIS aan ku arkay shabakada Hiiraan: “Xiriirka Olympikada Soomaaliyeed oo diyaargrow ugu jira ka qaybgalida tartanka Olympikada (Olympic Games) ee ka dhacidoona waddanka SHIINAHA.

Cidii danaynayso la ogeysiinayaan (Gudaha & Dibadda) ee qaba xirfadda ciyaarah fudud sida ORODADA, DABAASHA, BOODADA SARE/HOOSE iyo dhammaan ciyaarah kala duwan in ay la soo xiriirtaan Xiriirka Olympikada Soomaaliyeed.”

Hadaba Akhristoow, ka qaybgalku ma waa ordaa mise waa boodaa ayaa lagu galaa mise cayaaryahano laga soo xulay Qaran oo la carbiyay loona diyaariyay in ay Ummad matelaan ayaa la adeegsadaa mise Qasnad lacag lagu sheegay sidii loogala soo bixi lahaay ayaa loo tartamayaa.

Sharuudaha Olympicada ayay ka mid tahay in cayaaryahanka ka qaybgalaya waa in uu (mentally and vesicle) diyaar u yahay ka qayb galka. Balse hada lama kala jeclo ee waa “Qawda maqashii waxna how qaban”.

War Soomaaliyeey haday danqasho idinku jirto, Dalkeenii waa baaba'ay dadkeenina nafaqo iyo meel ay ku hoydaan ayay la'yihiin. Hadaad rabtiin in aad magac iyo sumcad ku yeelataan Ummadda aad ka dhalateen macaawino u soo aruuriya dadkiina idiinkaga baahan taakulaynta ee ka baxa fikirka ah boobka iyo bililiqada Isboortiga oo ka mid ah hantidii dalka.

“NAFAQO, IYO CAAFIMAAD LA'AAN, ISBOORTI MA JIRO” suurta gal ma tahay in qof gaajo hayso, oo maalmo aan wax cunin ama ku jira halgan nololeed uu ku helo quutul daruuri ama nafaqa maalmeedkiisii in uu ka qayb galo tartan ciyaareed? Mise qof aan caafimaad qabin oo xanuunsan ayaa ku fekeraya koob uu qaado.

Waxaa beryahan dambe ku batay dadka Soomaaliyeed been sheeg ku salaysan maslaxad shakhsi ama kooxeed taasi wexey noqotay caadi lagama naxaan, maslaxda umadduna wexey u adeegtaa maslaxada gaar ahaaneed, meesha maslaxada Ummaddu ahaan lahayd tan ugu horeeysa oo loo wada adeegayo.

Su'aasha jawaabta u baahani wexey tahay ma ka dhab baa, mise waa garasha xumo mise wexey u moodaan in Isboortiga qaran ee qaybta yari qaadatay looga quustay. Xisaab ayaa iman maalintey noqotaba inta nasiibka leh aduunkaa lagula xisaabtamaa marka hore, kuwa nasiibka daranse aakhirey ku sugee tii Rabi.

Waxaa Qoray: Jaamac Qalin caaro

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan shabakada kubadda.com

 

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football