KOOXDA ELMAN IYO DEKADAHA OO U ISUGU SOO HARAY CAYAARTII FINALKA
7 March 2008
Waxaa shalay galab oo bishu ahayd 06/03/2008 si rasmi ah uga furmay magaalada muqdisho gaar ahaan garoonka da'da weyn ee Koonis Stadium, koob la magac baxay xuska sanad guurada marxuum Elman Cali Axmed.
Koobka oo ey si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen maamulka naadiga Elman iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa cayaartii furitaanka waxaa shalay fooda is daray kooxaha Elman iyo kooxda Badbaado. Waxaase aad u qurux badnaa boorarka ay kooxuhu la soo galeen oo mid ka mid ah oo Af Soomaali ku qornaa fariinta uu waday ay ahayd mid aad loola dhaco (Qoriga dhig, Qalinka qaado. Tuugsi maya Shaqo haa. Dal walba dadkiisaa dhisa) Waxaan ka markhaati ahay qofkii ay fikradiisa ahayd ereyadaas in ay yihiin kuwo sax ah oo guubaabo ugu filan cid walba oo danqasho Soomaali nimo ku jirto.
Eenoow, Sacid mugaanbe, Wiish iyo Bashiir geeseey
Daawadayaashii garoonka Koonis Stadium
Cayaartan oo aheyd mid aad u adkeed ayaa waxey labada kooxoodba soo ban dhigeen cayaar farsamadeedu sareysay inkastoo kooxda Bad baado u muuqatay in laga awood roonaay lagana waayo aragsanaa maxaa yeelay kooxda Bad baado waxeey ka tirsan tahay kooxaha heerka 2-aad. Naadiga Elman na waa koox heerka1-aad, hadana lagu tilmaamo kooxaha maanta ugu awooda roon dalka.
Kulankaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax kala duwan oo uu ugu horeeyay gudoomiye ku xigeenka guddiga Oliymbikada Soomaaliyeed ahna gudoomiyaha xiriika kubadda kolayga Soomaaliyeed mudane Aadan Xaaji Yabaroow (wish), gudoomiyaha xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagta mudane Saciid Maxamuud Nuur (mugaanbe), qaar ka tirsanaa madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta sida mudane Bashir geeseey iyo qaar kaloo ka socday xiriirada kala iyo dadweyne aad u tira badan inkastoo garoonka sidii la rabay uusan u camirneen hadana taageerayaasha labada koox kama kala maqneen daawashada iyo taageerida kooxahooda.
Cayaarta waxa seerigii ku dhuftay garsoorihii cayaarta oo ahaa Bashiir Colaad ayagoo kaaliyayaal ey u ahaayeen Fiidoow iyo Cismaan dheere. Cayaarta ayaa ku bilaabatay dar dar xoogleh oo ey ku soo galeen labada kooxba balse daqiiqadii 25-aad ayaa cayaaryahan C/raxmaan baasuuke u dhaliyay goolkii ugu horeeyay kooxda Elman isla qeybtii hore ee cayaarta ayaa golkii labaad waxaa naadiga Elman u saxiixay cayaaryahan Baaruud, qeybtii hore ee cayaartana waxaa lagu kala nastay laba gool iyo eber oo ey ku hogaamineysay kooxda Elman 2 - 0.
Tashi ey la soo sameeyeen labada dhinacba macalimiintooda oo ay dib isaga soo saxayeen qaladaadkii ay u dareemeen in ay galeen qaybtii hore ee cayaarta ayaa waxaa dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad. Kooxda Badbaado ayay ka muuqatay dadaal dheeri ah iyo baadi goob iska soo gudida goolkii lagu lahaa ayagoo si qurux badan isugu gudbinayay kubadda balse la haleeli la'aa in ay goosha kooxda Elman daba mariyaan.
Dhalintii kooxda Elman ayaa markale dib u bilaabay fir fir cooni iyo baas dhaadheer ayagoo muujiyay in xuska uu micno gooni ah ayaga u leeyahay xaqna u leh, aadna mooday in balan qaadyo iyo dhiira galin fara badan ey heesteen ayaa waxey sii balaariyeen weeraradii ey ku hayeen kooxda ka soo horjeeday ee Bad baado waxaana mar kale u suura gashay kooxdii Elman in ey dhaliyaan goolkoodii saddexaad uuna u saxiixay cayaaryahan Baasuuke cayaartiina noqotay 3 - 0.
Hadana daqiiqado kadib ayaa waxaa gool u muuqday macsalaamees ku soo af jaray cayaaryahan Yaasiin oo asna ahaa cayaaryahan u cayaarayay nadiga Elman cayaartana waxey ku soo afjarmatay 4 - 0 gool oo ey guushii ku raacday kooxda Elman oo sidaase ugu soo gudubtay cayartii kama danbeenta.
Kulankii labaad oo aad u adkaa ayaa galabta oo Jimco aheyd taariikhduna ku beegneed 07/03/2008 ku dhex maray kooxda Banaadir Telcom iyo kooxda Dekadaha labadan kooxood ayaa ka wada tirsan kooxahaha heerka koowaad ee dalka Soomaaliya kuwooda ugu awooda iyo farsamada wanaagsan.
Kooxda Benadir Telecom
Kulankaan ayaa la saadaalinayay in ey isku jilba murxi doonaan labada kooxood balse kooxda Banaadir Telcom ayaa si aan la filayn afka ciida loogu daray kadib markii loogu awood sheegtay 4 - 0 gool. Waxaad mooday in laga farsamo iyo diyaargaroow fiicnaa, cayaartan oo aheyd mid aan sidii la sugayay noqon, maadaama dadweynaha reer Muqdisho ey saadaalinayeen in uu dhici doono kulan ciyaareed aad u xiiso badan balse waxaad moodaa in la kala awood roonaa oo kooxda Banadir ayadoo qeybtii hore ee cayaarta lagu kala nastay 1 - 0 oo ey ku hogaaminayeen kooxda Dekadaha oo uu goolka u dhaliyay cayaar yahanka lagu magacaabo C/qaadir Axmed Af-dheere.
Balse tashi ey sameeyeen labada kooxoodba nasashada kala barka cayaarta ayay labada kooxba markii qeybtii labaad dib leysugu soo laabtay ayaa waxaa lees lahaa Banaadir waxey la soo gali doontaa isbadal balse waxaa taas gaashanka u daruuray kooxda Dekedaha markii ey ka dhaliyeen qeybtii danbe ee cayaarta 3 gool oo kale, oo natiijadii cayaarta ka dhigtay 4 – 0. Waxaana goolashii qeybta danbe ka dhaliyeen cayaar yahanada kala ah C/raxmaan Maxamed Maleela oo loo yaqaano (baxaar) iyo C/laahi Yuusuf Cismaan oo dhaliyay gool rigoore ah kadib markii uu xerada ganaaxa ku galay fal danbiyeed culus mid ka mid ah difaacyada kooxda Banaadir Telcom iyo dhamaadkii cayaarta cayaryahan Daa'uud Abshir-na uu dhaliyay goolkii ugu danbeeyay sidaasina cayaartii ey ugu soo afjarantay 4 – 0 gool. Cayarta maanta ayaa waxaa garsoorayaal ka kala ahaa gorsooraha 1-aad Xeyle oo ey kaalinayeen Cismaaneey iyo Saalax.
Cayaarta kama dabeenta ah ayaa lagu wadaa in maalin nimada Axada ah ey fooda isdaraan kooxaha Elman iyo Dekedaha oo u muuqdo kooxo xaga farsamada iyo xoogaba isu dhigma. Kulankani ma aha mid laga sii sheekeyn Karo, balse waxaan ka war dhooreenee maalin nimada axada haduu eebe idmo aqristayaasheena qaaliga ah waxaan u balan qaadeenaa in natiijada cayaarta iyo qaabka ey u dhacdo xaflada aan dib idiinkaaga soo sheegi doonno haduu eebe idmo.
Hadaba akhristayaasheena qaaliga ahoow sidii caadada inoo ahaydba waxaan idiin balan qadeynaa in aan wixii ka soo baxo cayaarta Finalka ah aan idiin soo gudbin doonno haduu Eebe idmo.
 |
|
Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345
|