Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

KOOB LAGU XUSAYO MARXUUM ELMEN OO MAANTA KA FURMAY MUQDISHO

6 March 2008

Waxaa maanta oo khamiis ah 06/03/2008  lagu wadaa in magaalada muqdisho gaar ahaan garoonka da'da weyn ee Koonis Stadium uu ka furmo koob lagu xusayo marxuun Elman Cali Axmed oo ahaa Halyeey sumcad wanaagsan ku lahaa dalka Soomaaliya.

Engineer Elman, Allaha u naxariistee wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadka fara ku tiriska ah ee u soo istaagay taakulaynta agoonta iyo da'yarta aan ehelka lahayn wax badana ka qabtay horumarka isboortiga dalka ka hor xiligii dagaalada sokeeye iyo kadiba.

koobkan oo ey si wadajir ah ey u soo qaban qabiyeen  maamulka naadiga Elman iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta  ayaa xafladii qori  tuurka ay maamulka Elman ugu deeqeen qalab kooxihii ka qeybgali lahaa tartanka.

C qani Saciid Carab xoghayaha xiriirka soomaaliyed ee kubadda cagta

Qalabkii la gudoonsiiyay kooxaha

Waxaa halkaasi qudbad sharaf leh ka jeediyay madaxda xiriirka Soomaliyeed ayadoo ugu horeentii uu halkasi ka hadlay xoghayaha  xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta mudane C/qani Saciid Carab  o ku dheeraaday qaabkii loo hormarin lahaa cayarta kubadda cagta Soomaaliyeed, kooxahana ey u  sameyn  lahaayeen  wada shaqeyn iyo habeynta iyo isku xernaashaha dhanka kooxaha iyo xiriirka.

Xaflada oo si aad u qurux badanad loo soo agaasimay kana koobneed noocyo badan ayaa gaba gabadii waxaa la guda galay qori tuurkii iyo sidii ay kooxuhu isugu aadi lahaayeen

Tartanka la filayo in maanta oo khamiis ah uu ka bilaabanayay garoonka weyn ee Koonis Stadium.

Taariikhda

Kooxda

Vs

Kooxda

06/03/2008

Elman

Vs

Bad baado

07/03/2008

Banadir telcom

Vs

Dekedaha

Cayaarta koobkan oo ah mid kooxdii lagaa badiyo ay harayso (Nock out)

ayaa  lagu wada in la soo gaba gabeeyo maalin nimada Axada ah oo taariikhduna ku beegan tahay 09/03/ 2008. Maalintaas oo ah maalinta ey ku beegan tahay xuska marxuum Elman Cali Axmed.

Sidoo kale waxaa isna koob kan la mid ah uu ka dhici doonaa magaalada London ee cariga Ingriiska maalinta Axada 09/03/ 2008. oo uu nagu soo wargeliyay in uu qaban doono Ahmed Nuur Cabdulle gudoomiyaha Elman oo deegaankiisu yahay UK .

Hadaba natiijooyinka iyo qaabka ey kooxuhu u kala badiyaan iyo wixii macluumaad dheeri ah oo ku saaban warbixinta koobkan waxaan aqristayaasheena u balan qaadeynaa in aan si toos ah u la soo socod siin doono haduu Eebe yiraahdo.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football