Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 18, 2012

BAHDA ISBOORTIGA REER B/WAYNE OO XABSI KU SII QUL QULAYA

6 March 2008

Waxaa maalintii todobaad xabsiga magaalada B/weyne ku jira xubnahii isbortiga gobolka Hiiraan iyadoo maantana mid kale oo ka mid ahaa xubnahaasi xabsiga loo taxaabay.

Gudoomiyaha isbortiga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan C/qadir Jajuma ayaa maanta xabsiga la dhigay ka dib markii lagu eedeeyay in uu ka mid ahaa xubnihii isboortiga ee 27-kii bishii hore la xir-xiray, islamarkaana uu ka maqnaa maalintii la xir-xirayay asxaabtiisa.
 
Xubnaha oo isugu jiray gudiga hormarinta dhalinyarada & isboortiga gobolka Hiiraan, gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka dhinaca isboortiga iyo Rag caan ku ahaa isboortiga dalka Soomaaliya ayaa uu bixiyay amarka lagu xir-xiray gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf dabo-geed, waxayna maraysaa maalintii todobaad mudada ay xiran yihiin ayaga oo la sheegay in ay ku jiraan xabsi ku yaal magaalada B/weyne.
 
Ragan oo 27-kii bishii hore xabsiga la dhigay ayaa ilaa iyo haatan wax maxkamad ah aan la soo taagin weli, mana jiraan cid u doodaysa ama waan waan ugu jirta sii dayntooda.
 
Si kastaba ha ahatee ilaa iyo iminka lama garanayo sababta dhabta ah ee ay u xiran yihiin xubnaha isbortiga gobolka hiiraan inkastoo la war hayay in uu ka xumaa gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf dabo-geed, sida ay u qabteen kulankii ay ku doorteen Gudoomiyaha Olampikada gobolka. Waloow gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf dabo-geed uusan wax hadal ah ka soo saarin xariga xubnahan iyo siideyn-madooda midnaba.
 
Bahweynta isbortiga gobolka Hiiraan ha joogeen gudaha dalka ama dibadiisa ayaa walaac xoogan ka hayaa xirnaanshaha mudadan dheer ee xubnaha isboortiga gobolku ku jiraan xabsiga. Waxaa la filayay soo daysmo xubnahii isbortiga ee horay u xirnaa balse waxaa weli soo if baxaya qab qabashada xubno kale oo uu ugu danbeeyay maanta gudoomiyihii dhinaca isbortiga degmada Maxaas C/qaadir (jajuuma) oo asna laga daba geeyay xubnihii horay u xirnaa.


Ilyaas Axmed Cilmi
guute@hotmail.com
Xafiiska kubadda.com
Hiiraan - B/weyne

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football