ISKU AADKA CAYAARAHA GOBOLADA DALKA SOOMAALIYA
2 March 2008
Waa wax lagu farxo, balse waxaa cid waliba is waydiinaysaa sida uu ku suurto geli doono tartankii cayaraha gobolada dalka Soomaaliya oo uu Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta XSKC ku dhawaaqeen in uu dhici doono bisha Maarso 7-deeda soona saareen iku aadkii iyo sidii kooxaha gobalada isku arki lahaayeen.
Maadaama dalkii uu mudo dheer ku jiray kala go' go iyo is afgaran waa noo diiday midnimadeenii Soomaaliyeed. Ayna degi la'dahay dowlad kasta oo aan doorano hadana mar walba waa ay dhacaan cayaaro kala duwan ee ay xiriiro kala duwan qabtaan meelo kala duwan oo dalka gudihiisa ahna lagu qabto.
Dabayaaqadii bishii hore ayay ahayd markii ay qolo isku sheegtay in ay hor kacaan maamulka Isboortiga gobolka Kismaayo ay diidanaayeen habka lagu wado in uu u qabsoomo kulanka cayaaraha Gobolada.
Sidoo kale asbuucii hore waatii xasbiga loo taxaabay Xubno isugu jiray gudoomiyayaashii degmooyinka gobolka Hiiraan ee dhinaca isbortiga iyo gudiga hormarinta dhalinyarada & qaar ka mid ahaa ciyaartoydii hore, ka dib markii lagu soo eedeeyay in ay si aan loo dhameen ay ku doorteen gudoomiyaha olombikada gobolka Hiiraan.Amarka lagu xirayna uu bixiyay gudoomiyaha gobolka hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (daba-geed).
Hadaba si kasta arinku ha ahaadee hadii uu kulankan dhaco ayay noqon doontaa markii ugu horeeysay mudo ka badan dhowr iyo toban sano oo aanan la qaban cayaraha gobolada dalka oo ahaan jireen kulan ay aad u xiisayn jireen taageerayaasha ka kala imaan jiray gobolada dalka oo dhan. Xiriirkuna uu noqon doonaa kii ugu horeeyay ee ku guulaysto horumarkaas.
Waxaa lagu wadaa in uu tartankaasi ka kala dhaco dhowr Zone oo kala ah:
Zone 1 - Shabeelaha hoose
Zone 2 - Bay, Bakool iyo Gedo.
Zone 3 - Shabeelaha dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.
Maalinta iyo goobaha ay ka dhacayaan tartamadaan ayaa kale ah:
07-03-08 Zone 1: Sh/ hoose Vs J/dhexe - Marka
07-03-08 Zone 2: Baay Vs Bakool - Baydhabo
07-03-08 Zone 3: Sh/dhexe Vs Galgadud - Jowhar
09-03-08 Zone 1: J/hoose Vs J/dhexe -Marka
09-03-08 Zone 2: Geddo Vs Bakool -Baydhabo
09-03-08 Zone 3: Hiiraan Vs Galgadud -Jowhar
11-03-08 Zone1: Sh/hoose Vs J/hoose -Marka
11-03-08 Zone2: Baay Vs Gedo -Baydhaba
11-03-08 Zone3: Sh/dhexe Vs Hiiraan – Jowhar
Kadibna Zone-ka 5aad ee Gobolada dhexe ayaa lagu wadaa in loo furo seminaaro sida ay sheegeen maamulka XSKC ka dibna laga cayaari doonaa qaybta danbe ee isreeb reebka gobolada Gobolka Banaadir, waxaana guruub kasta laga rabaa laba gobol oo si toos ah ugu soo gudbi doonto.
 |
|
Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345
|