SPAIN OO KU GUULAYSATAY KOOBKII EURO 2008
30 June 2008
Waxaa shalay oo Axad ah, bishuna ahayd 29/06/2008 Cayaartii final-ka kubadda cagta Euro 2008 ku dhex martay labada kooxood ee Spain iyo Germany garoonka Ernst-Happel stadium ee magaalo madaxda Austri ee Vienna.
Shalay magaalada Vienna ushii kor loo tuuraa dhul ma dhacdeen. Taageerayaasha labad dhinic ee Germany iyo Spain oo faras magaalaha dhexdiisa isugu han jabayay “anagaa idinka badinayno iyo anagaa idin garaacayno.” Kulankan oo runtii ahaa mid aad u adag, labada kooxna ay ku soo talagaleen xeeladahoodii cayaareed ayaa waxaa 10kii daqiiqo ee ugu horeeyay aad mooday in ay kooxda Germany gacan saraysay, weeraro is daba jog ahna ay qaadaysay.
Taageerayaasha kooxaha Germany iyo Spain
Balse intaa ka dib waxaa jaanta isla helay kooxdii Spain, oo runtii muujisay cayaar aad loo jeclaystay. Daqiiqadii 22 ayuu laacibka afka hore uga cayaara kooxda Liverpool Fernando Torres, uu helay fursad meel cariiri ah uu ka kor teesteeyay mid ka mid ah difaaca kooxda Germany, kadibna kubadii ku dhacday birta qaybteeda hoose ee dhinaca bidixda ah, banaankana u soo baxday. Taas oo loo maleeyay in ay goosha gashay.
Horaa loo yiri “sigtaa ma noolo” Spain waxaa galay hami, maadaama ay sigeen goosha Germany, waxay kordhiyeen weerarkoodii taas oo ugu suurto gashay daqiiqadii 33aad in ay ku helaan goolkii guusha oo uu u saxiixay Fernando Torres, goolkaas oo runtii ahaa mid uu si dhib leh ku dheliyay kadib mar uu asagoo dhexda uga jira saddex difaaca Germany ah, kubad uu ka dhex siiyay Xavi Hernandez, meel dhexe kadibna ka dhex tuurtay difaacii ugu xageeyay ee dhinaca midigta ah ugu jiray Philipp Lahm, u xoog sheegtay kana dul qaaday gool hayihii Germany Jens Lehmann, oo ku soo baxay, kubadiina ka dhalatay kubaddii geeska kale.
Goolkaan wuxuu u muuqdaa in uu Fernando Torres ka dhigo weerar yahanka ugu fiican aduunka. Qaranka dalkiisa Spaina ku guulaysato koobkii 13aad ee European Championship, inakstoo ay la'aayeen in ka badan mudo 44 sano ah oo ay ugu danbaysay arkida koobkaan 1964.
Germany waxay isku dayeen in ay dadaalkoodii sii laba laabaan, waase u suurtoobi wayday in ay wax ku keenaan, maxaa yeelay Spain ayaa waxay dheelaysay kubad Isfahan fiican leh kasoo biloow difaac ilaa iyo weerar, kubadd gaa gaaban oo one two ah. Waxaase ugu darneed kooxda Germany, markuu ka dhaawacmay daqiiqadii 35aad laacibkooda qadka dhexe uga cayaarayay ee Ballack, mar ay kubadd isla boodeen asaga iyo laacibka reer Spain ee Senna, kana dilaacay baarka kore ee isha midig, waxaana funaanadii uu watay oo midab cad ah lahayd ka bedelay colourkii dhiigii ka socday goonkiisa.
Cayaartii waa sii kululaatay, oo sii kicisay xamaasadii labada kooxba, waxaadna mooday in ay sii yaraatay sabarkii cayaar yahanada labada dhinacba, waxaa bilaabatay far far ku taagid keentay in calaamada Jaalaha ah uu Siiri walihii cayaarta Roberto Rosetti, siiyo labada laacib ee Ballack Germany iyo goolwalihii kooxda Spain Casillas.
Markii laga soo laabtay nasashada qaybtii hore ayaa lays lahaa kooxda Germany cayaartooda wax badan bay ka bedeli doonaan, mase dhicin Kooxda Spain ayaa waxay dheelayeen baasas is daba joog ah, weerar aan kala go'lahayn iyo dadaal dheeri ah. Taageerayaashoodiina salka dhul ma dhigin, waxayna ku qaylinayeen si ay ugu dhiiri geliyaan kooxdooda ereyada ah "Ole… Ole… Ole… Ole" iyo ereyada kale ee "Viva Espana" ilaa iyo intuu ka dhacayay firinbigii dhamaadka cayaarta.
Farxad uga wayn ma jirin macalinka kooxda Spain Luis Aragones, oo mar dhaw 70 jirsanayo, markii ay cayaar yahanada kooxdiisii hubsadeen in ay badiyeen, dhaxda gashteen sida badar la haadinayo camal kor u tuur tureen. Runtii waa u qalmeen guushaan kooxda Spain, hadii ay wada dhalin lahaayeen fursadihii ay heleena goolashu intaan waa ka badnaan lahayd. Waxayna cayaartii ku dhamaatay
Germany 0 -1 Spain.
Cayaaryahanada Spain iyo macalinkooda Luis Aragones
Falanqeeyaha sport ee Tv-ga BBC Alan Hansen, oo cayaarta ka hor ay saadaalinayeen in xagga dhirirka laga yaabo in uu ciili doono kooxda Spain, ayaa Cayaartii kadibna yiri “kooxda Spain waxay na tuseen in aan dhirir wax looga baahan yahay aynan jirin, hadii xariiftan, technique- iyo baasas gaab gaaban aad taqaanid”. Wuxuuna u qiray Spain in ay wateen macalinka ugu fiican Europe, kooxdana ay ahayd kooxda ugu fiicneed tartankaan Europe 2008.
Spain waa Horyaalka Europe 2008
Cayaar yahanada nasiibka u yeeshay in ay saftaan cayaarta kama danbaynta Europe 2008 ayaa kala ahaa kooxda Spain: Casillas, Sergio Ramos, Puyol, Marchena, Capdevila, Xavi, Silva (Cazorla, 66), Senna, Iniesta, Fabregas (Alonso, 63), Torres (Guiza, 78).
Kooxda Germany: Lehmann, Metzelder, Mertesacker, Lahm (Jansen, 46), Friedrich, Schweinsteiger, Hitzlsperger (Kuranyi, 58), Frings, Ballack, Podolski, Klose (Gomez, 79).
Waxaa soo diyaariyay:
Mohamed Sheikh Abdi (weli)
Kubadda.com - London