NORTHERN STARS OO KU GUULEYSATAY KOOBKII 26KA JUNE
28 June 2008
Toronto June 27,2008. Waxaa maalintii 26ka June, ay cayaar aad u xiiso badan dhex martay kooxaha Iftin iyo Northern Stars. Labadan kooxood ayaa u tartamayay koob loogu talo galay munaasabadda 26ka June oo ku aadan sannada guuradii 48aad ee ka soo wareegtey markii Soomaalidu gobanimadeedii ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska sannadii 1960.
Kooxda Northern Stars iyo Iftin
Ciyaartan ayaa waxay ku bilaabantay jawi aad u qurux badan iyadoo labadii kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar ay aad ugu riyaaqeen dadweynihii ka soo qeybgalay.
Qebtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa ku gacan sareeyay kooxda Iftin iyadoo lagu kala nastay Iftin 2 - 1 Northern Stars.
Intii lagu jiray nasashadii ciyaarta ayaa tababare Khaalid iyo Yoonis, oo watay kooxda Northern Stars, ay kooxdooda u sheegeen qaladaadkoodi iyagoo kula soo taliyay iney ciyaarta wax ka beddelaan.
Haddaba qeybgtii labaad ee ciyaarta ayaa kooxda Northern Stars ay weerar aan kala go’leheen ku qaadeen goolkii kooxda Iftin, taasi oo keentay iney daqiiqado yar gudaheeda ku keenaan goolkii bar bar dhaca.
Kooxda Northern Stars
Qaban qaabiye yaasha tartanka
Kooxda Northern Stars bar bar dhac kuma qancin, ee weerarkoodi ayay halkii ka sii wadeen, waxaana u suurto gashay in ay laba gool oo kale shabaqa ku hubsadaan sidaana ay cayaartii ku dhamaato kooxda Northern Stars 4 - 2 Iftin. Kadibna la gudoonsiiyay kooxda Northern Stars koobkii loogu tala galay munaasabada.
Diyaariye: Mohamed Busuri.
Toronto – Canada