KOOXAHA QARANKA GERMANY IYO SPAIN OO U SOO BAXAY FINALKA EURO 2008
27 June 2008
Xulka Germany oo malaysan waayay xariifnimada Turkey
Goos gooskeena cayaarihii semi finalka waxaan ku hor mari doonaa cayaartii dhacday 25/06/2008. Kubaddu waa nasiib sideedaba, inkastoo ay kooxda Turkey tuseen Germany in aan la dhayalsan Karin ayagoo weliba ay ka maqnaayeen dhowr cayaartooy oo safka hore ahaa oo qaarkood qabeen dhaawacyo (hamstrung) ah iyo qaar kaloo ganaax kaga maqnaayeen cayaartaan. Waxaase laysku raacay in kooxdii cayaar wanaagsaneed cayaartaan ay hartay.
Goolkii Philipp Lahm, oo ay ku soo baxeen kooxda Germany
Cayaaryahanka Philipp Lahm, goolkii uu dhaliyay minute-kii ugu danbeeyay cayaarta ayaa u xaqiijiyay kooxda Germany in ay u soo baxaan FINAL koobka Euro 2008.
Waa malaysan waayeen kooxda Germany cayaar wanaaga Turkey , taasoo ay ku dhibtoodeen taabashada kubadda qaybtii hore ee cayaarta. Minutkii 22aad na lagu lahaa hal gool, kaas oo darbad laga soo laaday midigta, uu si fiican lugta ula helay laacibka Kazim Kazim's, kuna dhacday birta kadibna uu ku celiyay una dhalatay laacibka lagu magacaabo Ugur Boral, oo u sitay kooxda Turkey lambarka 16 aad.
Mase calfan Afar minute ka bacdi ayay kooxda Germany bareejeeyeen gool aan dhihi karno wuxuu ahaa kii ugu quruxda badnaa goolasha tartankan intuu socday la kala dhaliyay oo uu soo karoosay laacibka Lukas Podolski, balse si xarago leh lugta u raaciyay Bastian Schweinsteiger kana dhalatay asagoo arkaya gool hayihii Turkey Rustu Recber.
Inkastoo mar walba ay ku xaragoonayeen kubada kooxda Turkey sigeena goosha dhowr jeer hadana waxaa lays dhaamay xaga nasiibka. Waayo minutkii 79aad ayay hadana kooxda Germany ku hor mareen gool madax ah oo uu u dhaliyay Klose.
Waxaa lays waydiiyay Turkey oo inta badan cayaarihii ay dheeleen mar hadii laga hor maro soo bareejeen jiray, toloow caawa ma heli doonaan gool. Mise Germany oo taa ka diktoon waa adkayn doonaan difaacooda.
Wixii lays weerarba markay saacadu ka dhineed 11 minute ayay mar kale heleen fursad qaali ah kooxdii Turkey oo ay ku dhashadeen goo qurux badan oo uu u dhaliyay Semih Senturk's, kaas oo qof walba ku tala galayay in waqti siyaado ah lagu daro. Maadaama cayaartu noqotay 2 – 2.
Kadib seddex mar ayuu hawada ka baxay muuqaalkii cayaarta TV-ga, sida la wariyayna, la sheegay in ay sababeen gugac roob iyo biriq iswadata oo 100km/h (60mph) ku socotay ay dhaawacday korontadii siimanka setelate-ku ku xirnaayeen. Inkastoo uu sheegay afhayeenka Uefa in ay baaritaan ugu jiraan hadii ay jirto cilad farsamo oo dhinac kale ah. Waxaa kaloo lagu dhawaaqay in ay dadkii halkaas degenaa ay iskaga baxaan xaafadaas. Waxaana la soo weriyay in ay ku dhaawacmeen laba qof intii ay ku jireen ka cararka masiibada.
Intaa ka dib waxaan cayaarta kala soconay muuqaal la'aan ka dhagaysiga TV-ga. Waxaana hal mar dhagaheenu qabteen sawaxan iyo qaylo uu weriyihii cadeeyay in ay gool dhaliyeen kooxda Germany . Wax yar kadib intuu hadalkii waday wariyaha uu soo laabtay muuqaalkii aragnayna goolkii uu dhaliyay Philipp Lahm minute markii ay ka dhineed dhamaadka cayaarta. Cayaartiina ku dhamaatay Germany 3 Turkey 2.
Macalinka qaranka Turkey Fatih Terim, ayaa cadeeyay cayaarta kadib in uu iska casili doono macalin nimada xulka dalkiisa, sheegayna in uu ku noqon doono mid ka mid ah dalalka Europe . Wuxuuse raaciyay “waan ku faraxsanahay in aan tusnay aduun waynaha, awoodeena kooxeed iyo cayaar wanaageena, weligayna mar marsimo kama dhigan cayaartooy layga ganaaxay iyo ku iga dhaawacanba. Mar kasta wuxuu hadalkaygu ahaa waxaan haystaa 11 cayaartooy u diyaar ah in ay la cayaaraan 11 cayaartooy kale.”
Haduu Alla idmo Axada soo socoto oo bishu tahay 29/06/2008 ayay Germany fooda is dari doonaan cidii ka soo baxdo cayaarta kale ee dhexmari doonto Russia iyo Spain , Laguna cayaari doonaa cayaarta final-ka magaalo madaxda Austri ee Vienna .
Dibigii reer Spain oo ku dur duriyay askartii Russia
Waa kulankii labaad ee semi finalka iskuna haleeleen kooxaha qaramada Russia iyo Sain. Maalintu waa Khamiis taariikhduna waa 26/06/2008. Wuxuu ahaa kulankii ugu horeeyay ee aan lagu fikirin, waqti siyaado ah in lagu daro, waayo xulka Spain waxay tuseen ciidamadii Russia xirfad iyo xeelado cayaar ay fahmi waayeen meel ay ka qabtaan, dhabarkana loo saaray 3 – 0.
Biloowgii 45 minute ee ugu horeeyay, labadaan kooxba way kala cabsanayeen, qolobo mar baa la weerarayay, waana la kala biyo cabi waayay ilaa iyo daqiidadii 35aad oo uu dhaawac ka gaaray kooxdii Spain, laacibka lagu magacaabo David Villa laguna soo bedelay Cesc Fabregas. Kadibna muujiyay fir fircoonida xirfadeed iyo aqoonta uu leeyahay kubadda.
Dhaawaca ka soo gaaray David Villa, darbadii xurta ahayd ee uu gamayay (free-kick) ayaa markii la bedelay takhaatiirtu cadeeyeen in uunan ahayn dhaawac dhowr beri lagu soo bogsoon karo, hadii kooxdiisu soo baxdana uusan u safan doonin cayaarta Finalka.
Waa u calool xumo iyo Bad news David Villa, maxaa yeelay ilaa iyo hada waa hogaamiyaha gool dhelinta tartanka, asagoo leh 4 gool, wuxuuna ku haminayay in uu sii siyaadiyo gool dhalintiisa.
Waqtigaa wixii ka danbeeyay, waxaa muuqatay in ay maamulkii cayaarta la wareegeen kooxda qaranka Spain, una suuro gashay kadib mar uu dhinaca bidix ka soo karoosay kubadd qurux badan laacibka Andres Iniesta's ee reer Spain kadibna laacibka Xavi, oo ka soo orday bartamaha garoonka asagoon la filanayn goosha irideeda ka helay, darbad xoogana shabaqa cuskiyay. Cayaartiina noqotay Spain 1 – 0 Russia.
Macalinka Russia Hiddink, waagii ayaa ku baryay, si uu cayaarta waxa uga bedelo wuxuu sameeyay bedel deg deg ah, wuxuuna soo geliyay labada cayaaryahan ee la kala yiraahdo Diniyar Bilyaletdinov iyo Vladimir Bystrov, waxse waa ka bedeli waayeen taatikadii Spain.
Laacibka kooxda Liverpool ee Torres, ayaa helay laba fursad oo qurux badan oo uu u soo baasay Ramos, una dhawayd in uu u labeeyo kooxda Russia balse dhinaca marsiiyay. Kadibna macalinka Spain Aragones ka xumaaday fursada uu qalday, isla markiina soo sara istaajiyay si uu ugu bedelo laacibka weerarka ah ee Guiza.
Goolkii labaad ee uu dheliyay Danny Guiza
Wax yar kama soo wareegin markuu laacib Danny Guiza is xureeyay minitkii 72aad, baas uu ka helay Fabregas daba mariyay gool hayihii Ruushka, cayaartiina ka dhigay 2 - 0.
Waxaa la filaayay in kooxda Russia ay cayaartaan la soo baxayaan fud fudeed dheeri ah, balse waxay ka bixi waayeen daba ordida baasaska kooxda Spain, waxayna u ekaayeen kuwo daalan.
Kooxda Spain waxay sii wadeen baasas is daba joog ah, keen tayna in markii dhamaadka cayaarta 90-kii daqiiqo ay ka dhiman tahay 9 minute, uu hadana Fabregas' kubadd qurxan lugta u saaray Silva, gudaha 18yrd box kadibna darbad xoogan daba mariyay gool hayihii kooxda qaranka Russia Akinfeev, cayaartiina ku dhamaatay Spain 3 – 0 Russia.
Taageerayaashii reer Spain waxay bilaabeen damaashaad iyo farxad is dhunkasho. Waxaana u cadaatay in kooxda qarankoodu ay u gudbeen cayaartii Finalka ay isku arki lahaayeen kooxda Germany magaalo madaxda Austri ee Vienna, maalinta Axada soo socoto oo bishu tahay 29/06/2008.
Waxaa soo diyaariyay:
Mohamed Sheikh Abdi (weli)
Kubadda.com - London