HORYAALKA 25-AAD EE CAYAARAHA FUDUD OO ALBAABADA LOO FURAY SHALAY
27 June 2008
Shalay ayaa Garoonka Stadium Banaadir ee magaalada Muqdisho waxaa ka furmay tartanka horyaalka 25-aad ee cayaaraha fudud ee dalka Soomaaliya, waxaana ka qeyb qaadanaya wiilal iyo gabdho da ' waliba ka kooban.
Tartankii Horyaalka 25aad
Munaasabadii furitaanka tartankan ayaa xambaarsanayd laba u jeedo, oo kala ah:
in lagu maamuusayay 26-ka June oo ah, maalintii ugu horeysya ee Calan Soomaaliyeed sare loo taagay iyo
Furitaanka horyaalka 25-aad ee cayaaraha fudud ee dalka.
Furitaankii Horyaalka 25aad
Tartankan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya 5 kooxood oo heerka koowaad ah ,waxaana munaasabadii furitaanka ee shalay ka soo qayb galay dad wayne aad u fara badan. Waxaana ka hadlay masuuliyiin ka kala socota xiriiro kala duwan sida: Xiriirka Soomaaliyeed ee cayaaraha fudud, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda kolayga iyo sidoo kale marti sharaf lagu casuumay munaasabada furitaanka.
Madaxda ka soo qayb gashay tartanka
Shalay oo uu horyaalku Bilow ahaa waxaa la orday 100M iyo 400M Wiilal oo wareega 1aad ah,200M iyo 800M Gabdho Dhamaad ah iyo 1500M Wiilal Dhamaad ah.
Akhristayaasheena qaaliga ahoow, Waxaan jecelnahay in aan idinla soo socodsiin doono, tar tamada soo socdo iyo sida ay orad yahanadu u kala badiyaan.
Waxaa Qoray: Farah Ali
SAF Secretary