MACALINKII HADA KA HOR U QAADAY TALYAANIGA KOOBKII ADDUUNKA 2006 OO KU SOO LAABTAY SHAQADIISII
26 June 2008
Heritaankii ay ka hareen kooxda Italy tartankii Euro 2008, kadib markii looga badiyay rigoorayaal cayaartii dhex martay ayaga iyo qaranka Spain. wuxuu dhaliyay in ay macalinkii kooda xulka Qaranka kubadda cagta Italy Roberto Donadoni, laga casilo shaqadiisii macalin nimo maanta.
|
War, ka soo yeeray maanta oo Khamiis ah, bishuna tahay 27/06/2008 maamulka kubadda cagta Talyaaniga (Italian Football Federation (FIGC)) ayaa sheegaya in ay shaqadii macalin nimo ee xulka qaranka Talyaaniga uu la wareegi doono macalinkii hore ee qaranka wadi jiray cayaarihii koobka aduunka ee lagu magacaabayay Marcello Lippi.
|
|

Marcello Lippi
|
Marcello Lippi., oo moogaa shaqadaan ilaa iyo mudo laba sano ka hor intuuna iska casilin markuu hada ka hor ku guulaystay koobkii cayaarihii Adduunka lagu qabanayay dalka Germany, ayaa lagu wadaa in uu bisha soo socoto ee July kowgeeda qaban doono war saxaafadeed bilaabina doono howlgalkiisii macalin nimo.
Mr. Lippi., oo da’diisu tahay 60 jir, ayaa lagu tilmaamay in uu yahay, midka ugu bogga taariikhda fiican leh ee soo maray maamulka kooxaha Serie A-da sida kooxda Juventus laba mar ah iyo xili gaaban kooxaha Napoli iyo Inter Milan (Internazionale) iyo shaqada macalin nimada qarnka uu guul aad u wayn ka soo hooyay.
Waxaa soo diyaariyay:
Mohamed Sheikh Abdi (weli)
Kubadda.com - London