Skip Repetitive Navigational Links

Tuesday, September 07, 2010

CAYAARIHII SOMALI WEEK 2008 MINNEAPOLIS, MINNESOTA OO FURMAY

24 June 2008

Cayaarahii Somali American Independence Day, ayaa waxay ka bilaabmeen Minnesota, Minneapolis. Kulamadaan ayaa lugu xusaa maalintii xoriyadda Soomaaliyeed sanad walba maalmaha 26 Juun iyo 1 Juulaay.

Tartamadaan kooxa ka soo qayb gala ayay wadaan macalimiin qibrad fiican u leh cayaarta kubadda cagta, oo qaarkood u soo cayaaray kooxihii heerka koowaad iyo Qarankii Soomaaliya berisamaadkii.

Sanadkan waxaa cayaarahan ka soo qaybgalay 18 kooxood waxaa loo kala qaybiyey min Afar group. Hadaba cayaarahii ugu horeeyay ayaa waxaa madaxa is daray kooxaha CEDAR STAR iyo HIGH GROUND.

Kooxda Cedar Star

Kooxda High Ground

Cayaartaan oo ay ka soo qayb galeen daawadayaal aad u tiro badan, dad badanina ay sugi la’aayeen goorta ay labadaan koox is arki doonaan, ayaa intii nasiibka u yeelatay in ay u soo daawasho tagaan ay aad ula dhaceen cayaar wanaaga labada kooxood. Runtiina labada kooxba waxay muujiyeen cayaar nadiif ah farsamo iyo xirfad isdifaac u badneed, labadda kooxna isla dhaafi waayeen 1-1.

Cayaartii kale waxay dhexmartay kooxaha TEGERS iyo ELMAN. Waxaana cayaartaa si fiican ugu gacansareeyay kooxda Tegers waxayna ku dhamaatay 6 -1 oo ay guusha ku raacday kooxdii Tegers.

Kooxda Tegers

KooxKooxda Elman

Ali Buskuwaale iyo tabaraha kooxda Tegers

Hadaba cayaartii ugu xiisaha badneed ayaa waxay dhex martay labadda kooxood ee COMMUNALITY iyo ROCHESTER cayaartaas oo ahayd cayaar aad u fiican, dadkii daawanayayna si fiican uraali galisay ayaa waxay ku soo idlaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday kooxdii Rochester, oo uu macalin u ahaa laacibkii hore ee kooxdii ciidamada Qalabka sida (Horseed) Awees Cusmaan (Awees Eder).

Kooxda Communality

Kooxda Rochester

Shiikha, Madaxay, Aweys Eder, Maxamud Ciise, Nuuna iyo Cawaala Geedi

Guuldarada ku habsatay kooxda Communality, waxay keentay in ay cayriyaan macalinkoodii lagu magacaabayay XARBI, waxayna inoo sheegeen in ay ku badelan doonaan macalinkii labaad ee kooxda oo la yiraahdo COSMAN ADEN (CEELOW) waxaana arintaa inoo xaqiijiyay kabtanka kooxda Abgaalow.

Cayaartii ugu danbeesay ayaa waxay dhexmartay kooxaha Midnimo iyo Lacuruus Runtii labadaan koox waxay muujiyeen dadaal dheeri ah iyo xirfad balse waxay ku guul dareesteen in ay gool iska dhaliyaan, cayaartiina waxay ku dhamaatay 0 - 0. runtii tartamadan oo dhamaan ahaa kuwa ay aad uga heleen daawadayaashii ka soo qayb galay ayay xagga garsoorka daadihinayeen garsoorayaal ajnabi ah.

Garsoorayaasha cayaarta

Akhristayaasheena qaaliga ahoow, waxaan idiin rajaynaynaa in aan idiin soo gudbino, dhamaan cayaarahaan iyo natiijadooda haduu Eebe idmo.

Waxaa Qoray: Zakaria Aden

Somali media

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football