Skip Repetitive Navigational Links

Monday, February 06, 2012

TURKEY IYO RUSSIA OO SI LAMA FILAAN AH UGU SOO BAXAY SEMI FINAL TARTANKII EURO 2008

22 June 2008

Waxaa dadka saadaaliya cayaaraha ay in beryo ahba hadal hayeen, cayaaraha Quarter final-ka Euro 2008 in kooxaha sida Turkey, Russia la qiyaasayay in ay si fudud ku hari doonaan. Kuwa qamaarana liiska qamaarka uu u horeeyay cida qaadayso oo ay ku saadaaliyeen kooxda dalka Germany, Spain, Itely ama Netherlands oo runtii sanadkaan muujiyeen dadaal xirfad iyo aqlaaq wanaagsan horayna si xarago leh uga soo badiyey wadamada sida Talyaaniga iyo France oo runtii lagu tiriyo wadamada waqtigaan xaadirka ah la filayay in ay wacdaro ka muujin doonaan tartankaan.

Balse waxaa taa beeniyeen macalimiintii kooxihii la dhayalsanayay waday sida macalinka dalka Russia Guus Hiddink Iyo macalinka dalka Turkiga Fatih Terim, oo cayaaryahanadoodii ka soo baxeen dar daarankii macalimiintooda soo siiyeen.

Waxaan qoraalkeenii hore uga soo sheekaynay kulankii koowaad ee Quarter final-ka Euro 2008 soo bixitaankii kooxda dalka Germany oo soo quusisay kooxdii qaranka Portugal, kadib markii ay ku soo sabarsiisay 3 -2 gool cayaartii dhacday bisha June 19keedii 2008. Noqdeena kooxdii ugu horaysay ee u soo gudubta semifinal, sugaysana in ay la cayaarto kooxaha Croatia ama Turkey tii soo baxdo.

Hadaba waxaan maanata ka bilaaban doonaa kulankii labad ee Quarter final-ka Euro 2008 Cayaartii dhexmartay maalintii jimcaha dalalka Croatia iyo Turkiga 20kii June 2008 ayaa runtii ahayd cayaar aad u xamaasad badan oo fajac iyo la yaab ku riday dadka xiiseeyo cayaaraha kadib markii ay labadaan koox is mari waayeen waqtigii looga tala galay 90-kii daqiiqo ku soo idlaatay 0 - 0. Laguna daray min 15 daqiiq qaybtiiba. Waqtigii extra time-ka ahaa, hadana isla gaareen ilaa iyo qaybtii danbe daqiiqadihii ugu danbeeyay oo ay gool qalad uu sameeyay goolhayaha Turkiga uu ka faa’iidaystay laacibka reer Croatia ee lagu magacaabo Klasnic, dhaliyayna fursadii ay heleen daqiiqadii 119-aad cayaartiina noqotay Croatia 1 – 0 Turkey.

Goolkii koowaad ee uu Croatia u dhalyay Klasnic

Waxaan ka maqlaayay meel aan asxaab tiro badan anagoo ah ku fiirsanayno cayaartaan, in mid ka mid ah daawadayaashii oo la yiraahdo Peter ,oo dhalashadiisu ahayd Spanish uu yiri Turkigu waa Sixiroowlayaal, kadib markuu arkay daqiiqado ka bacdi darbad uu dhaxda ka soo gamay goolhayihii Turkiga Rustu, ee ka masuulka ahaa goolkii kooxdooda laga dhaliyay soo dhex dhigay goobada xariiqinta 18-aad ee goosha afkeeda ah, kadibna Senturk, isla laabay laad daba mariyayna gool hayihii Croatia daqiiqadii 120-aad, daqiiqad kadibna siiri walihii ku dhawaaqay dhamaadka cayaarta, Croatia 1-1 Turkey.

Waxaa laga fursan waayay in gool ku gan ama regoorayaal cayaarta lagu dhameeyo. Taas oo darbadii ugu horaysay uu u soo istaagay in uu gamo Modric, ee ka socday kooxda Croatia oo ay hada soo gateen kooxda Tottenham, balse banaanka marsiiyay darbadiisii. Kadibna Cayaaryahanadii reer Turkey ay saddexdii darbo ee ugu horaysay ay kuli dhaliyeen una kala dhaliyeen Arda Turan, Semih Senturk iyo Hamit Altintop. darbadii ugu danbaysayna uu gool hayihii Turkey Rustu ka qabtay laacibkii reer Croatia ee lagu magacaabayay Petric. Halka gool oo qura ay dhaliyeen kooxda Croatia-na u dhaliyay Darijo Srna.

Cayaartiina ku dhamaatay gool ku gankii Qaranka Turkey 3-1 Croatia. Taas oo ay kooxdii Turkey ku hubsadeen u soo bixitaanka cayaaraha semi-final-ka Euro 2008 si ay ula cayaaraan kooxda Germany Arbacada soo socoto.

Macalinka qaranka Croatia Slaven Bilic ayaa niyad jab ku dhacay aawgiis, laga yaabaa in uu iska casilo shaqada macalin nimada Qaranka dalkiisa, inkasta oo qaar ka mid ah cayaaryahanada Croatia sida laacibka wayn ee difaaca uga dheela kooxdaas ee lagu magacaabo Josip Simunic, oo ku tilmaamay in uu muhiim u yahay joogitaankiisa Qaranka Croatia, cayaaraha is reeb reebka Adduunka ee dhawaanta dhici doono.

“Maadaama uu kooxdaan keenay sanadkaan heer Quarter final ah waxaan hubaa in ay baadi goob u soo geli doonaan kooxo badan oo reer Europe ah. Waxaanse ku han waynahay in uu nala joogi doono ilaa iyo dhamaadka koobka adduunka ee 2010 lagu qaban doono South Africa.” Ayuu yiri Josip Simunic.

Cayaartii 3aad ee Quarter final-ka Euro 2008 oo la cayaaray maalintii Sabtida ahayd ee 21 June 2008 dhexna martay kooxaha qaramada Russia iyo Netherlands ayaa iyana ahayd mid natiijadeeda la malaysan waayay. Kadib markii kooxda qaranka Netherland oo lagu han waynaa in ay sanadkaan koobkan qaadayaan, dhabarka iyana loo saaray guul daro dhan 3 – 1 ay guushii halkaa ku raacday dalka Russia.

Macalinka Netherlands Marco van Basten, ayaa u qiray kooxdiisa in kastoo ay cayaar fiicnaan jireen favourite-na u ahaayeen in ay koobkaan ku guulaystaan balse Sabtidii ahaayeen kuwo laga gacan sareeyo cayaartii Sabtida ka dhacday magaalada Basel.

“Marna ma muujinin qaab lagu badin karo, waxaana ku gaarnay nasiib in cayaartu gaarto extra-time, mana u qalmin.” Ayuu yiri van Basten.

Waxaa cayaartii Sabtida goolkii koowaad ku hor maray dalka Russia, oo uu goolkii hore u dhaliyay qaybtii labaad ee cayaarta laacibka lagu magacaabo Roman Pavlyuchenko, balse uu barbardhac ka dhigay laacibka lagu magacaabo Ruud Van Nestroy, cayaartiina noqotay Netherlands 1 – 1 Russia.

Waxaa lagu daray min 15 daqiiq qaybtiiba. Waqtigii extra time-ka ahaa, hadana isla gaareen ilaa iyo qaybtii danbe daqiiqadihii ugu danbeeyay oo ay kooxdii qaranka Russia iska raadiyeen dadaal dheeri ah oo ay ku kasbadeen in ay laba gool oo daraan dori ah iska daba dhaliyaan Dmitri Torbinski iyo Andrei Arshavin. Cayaartiina ku dhamaatay qaranka Netherlands 1 – 3 Russia.

Taas oo ay kooxdii Russia ku hubsadeen u soo bixitaanka cayaaraha semi-final-ka Euro 2008 si ay ula cayaaraan tii soo baxdo kooxaha Spain iyo Italy oo Axada ku kulmayo Ernst Happel stadium ee magaalada Vienna.

Inkastoo macalinka Russia dhalashadiisu tahay Netherlands, balse cayaartaas waday qaranka Rusia wuxuu farxada la wadaagayay kooxda uu hada hor kaco. Wuxuuna yiri “ma u baahni in aan wax wayn ka iraahdo cayaartan, balse waxaan dhihi karaa tani waxay ahayd mucjiso iyo lama filaan. Waana I farxad gelisay dadaalka ay muujiyeen cayaar yahanadeeyda haday noqon lahayd (Physically, technically iyo tactically) waxaan ku qasabnay in aynan si fiican kubadda isku gaarsiin kooxda Dutch. Taasoo runtii aan dhihi karo waan tan sababtay guusha aan gaarnay.

Laacibka reer Italy ee Fabio Cannavaro ee marna u cayaaro kooxda Real Madrid ayaa cadeeyay in uu ka cabsi qabo in rayadoodii qaadista koobka Euro 2008 ay beenoowdo markay ka hor yimaadaan labada laacib ee hada ugu fiican weerarka afka hore aduunyada.

Inkastuu laacibka difaaca uga cayaara Real Madrid, uu dhaawac uu qabay daraadii uu uga maqnaa tartankaan, hadana asxaabta difaaca ay isku wadanka yihiin ayuu uga digay in ay il gooni ah ku hayaan Fernando Torres iyo David Villa, oo uu u sheegay in ay dhib tahay sidii ay ku istaajin lahaayeen.

“Labadani, waa weerarada lamaanaha ugu fiican dhamaan aduun waynaha”ayuu yiri Fabio Cannavaro, “aad ayay Qatar u yihiin, waxayna u baahan yihiin hal chance in ay ku dhaliyaan labo goal! Waxaana farxad ah in aynan nagu soo aadin tartanka koobka adduunka.”

Kooxda Italy inkasta oo aynan weli cayaartooydooda lugta iskula helin sidii ay rabeen, hadana Illaah waa ka soo saaray group-kii loo gu magac daray 'Group of Death', laakiin waa ku jiifaan cayaarida Quarter final-ka in ay tahay cad iyo madoow, qofkii nasiib badan uun uu soo haraayo.

Sidoo kale kooxda Spain, inkasta oo ay ka soo dhex baxeen Group D. kuna soo baxeen kaalinta koowaad maadaama ay keensadeen dhamaan dhibcihii layska rabay, kuna han wayn yihiin sanadkaan in ay hantaan guushoodii koowaad ee heer Qaran, oo ay moogaayeen ilaa iyo sanadii 1964-tii Hanashada European Championships.

Waxaase sugayso shaqo kooxda Spain, maxaa yeelay hadii taariikhda dib loo fiiriyo, kooxda qaranka Spain ayaanan marna ka badin hadiiba ay u soo gudbaan heer quarter final ama sami final kooxda qaranka Italy ilaa iyo sanadii 1920. Hadaba sanadkaan ma Spain ayaa jebin doonto iskoorka taariikhdaas qoddada dheeraatay mise Itely ayaa sii kordhin doonto iskoorkoodii guusha.

Waa habeenkii Afaraad ee la cayaaro cayaarta Quarter final-ka Euro 2008, magaalada Vienna. Saacadu waa 19:45 GMT maalin Axad ah taariikhduna tahay 22 June 2008. Waxaana qatimkeeda isku haysta kooxaha Spain iyo Italy.

Runtii labadaan koox oo aad mooday in ay aad u kala cabsanayeen ayaa waxay la soo shir tageen xeelado difaac oo cayaar yahan kasta aan loo ogolaanaynin in uu kubadda xornimo kula xarakoodo.

Ma jirin weeraro aad u badan oo la dhihi karay gool ayay keeni kareen, marka laga saaro, mar uu laacibka kooxda Spain Marcos Senna uu weerar darbo ah ku gamay daqiiqadii 81-aad goolka Italy, oo uu gool hayaha dalka Italy Gianluigi Buffon, darbadii qabtay kana sibqatay dabadeedna daba maraysay oo birta ku dhacday kadibna uu soo haabtay.

Dhinaca kalena laacibka kooxda Italy Mauro Camoranesi oo isna ahaa mid daqiiqadii 62aad ee cayaarta bedel ku soo galay, kana qayb qaatay weerar lagu qaaday goolka Spain, ayaa darbad fiicana uu gamay goosha oo cidlo ula ekeed, balse gool hayihii Spain oo dhinaca kale ka soo noqday uu lugta la helay kuna bixiyay darbadii taas oo u ekeyd in ay gool noqoto haduuna lugta la heli lahayn Iker Casillas.

Labada dal markaad fiirisid, waxaad is leedahay kooxna in ay wax weerarto ayay ku soo tala gashay kooxna in ay difaacato oo hadii ay fursad heshana ka faaiidaysato. Kooxda dalka Spain ayaa ahayd kooxda weerarka ku soo tala gashay halka Italy na ay ku soo afar afaraysatay difaac.

Cayaartan ayaa kala mid ahayd labadii cayaar ee habeenadii la soo dhaafay la cayaaray oo dhamaantood la isla tagay waqti siyaado ah. Kadibna ka fursan wayday in gool ku gan ama rigooreyaal la dhigo.

Waxaa ku hor maray gool ku gankii dalka Spain oo uu u soo istaagay David Villa oo ah midka hada hogaaminay gool dhalinta tartankaan Euro 2008, darbadiisiina si xarago leh u dhaliyay. Waxaa fursadii kooxda Italy u soo istaagay Groso oo nambarka 3aad watay oo isna si fiican u dhaliyay. Dalkii Spain ayaa labadii darbo eek u xigay ay u kala dhaliyeen Casola iyo Marcos Senna. Halaka ay kooxdii Italy-na seddexdii darbo ee u hartay ay ka cuneen laba ka mid ah halna uu u dheliyay Mauro Camoranesi, labada cuntayna ay kala ahaayeen Daniele De Rossi oo watay nambarka 10aad iyo Antonio Di Natale oo isna watay nambarka 11aad. Dalka Spain ayaa shantii darbo ay ganteen ka cuneen hal qura oo laga qabtay laacibka Daniel Guiza, ee numbarka 17aad u watay dalka Spain. Waxaase darbadii guusha ama farxada ku soo qatimay Cesc Fabregas, oo gool hayihii Italy u diray dhinac qaldan. Cayaartiina ku dhamaatay Spain 4 – 2 Italy.

Cesc Fabregas oo dhaliyay goolkii guusha

Italy ma ahayn markii ugu horaysay ee rigoore lagu reebo , sanadihii 1990, 1994 iyo 1998 koobkii Adduunka ee lagu reebay, goolkii uu cunay ee lagu xasuusto mar walba Roberto Baggio, darbadii uu dul mariyay goosha dusheeda cayaartii ayaga iyo dalka Brazil sanadii 1994.

Teeda kale macalinka Italy Roberto Donadoni wuxuu ka mid ahaa kuwii ku haray rigoorada sanadii 1994-tii. Wuxuuna yiri “weligeey nasiib uma yeelan cayaar hadii ay gaarto rigoorayaal. Waxaan xasuustaa in aan ku guul daraystay cayaarihii finalka kooxaha ka yaraa da’da 21 sano (under-21) ee aan waday penalties iyo finalkii koobkii cayaarihii adduunka.

Cayaaraha Quarter final-ka dhamaan kooxuhu siday isku arkeen ayaa ahayd sidan:

MAALINTA

KOOXDA

Natiijo

KOOXDA

BADISAY

19 June 2008

Portugal

2-3

Germany

Germany

20 June 2008

Croatia

1-3

Turkey

Turkey

21 June 2008

Netherlands

1-3

Russia

Russia

22 June 2008

Spain

4-2

Italy

Spain

Afarta kooxood ee u soo baxay, semi finalka ayaa iyagana isku arki doono sidan:

KOOXDA

Natiijo

KOOXDA

Turkey

-

Germany

Russia

-

Spain

Waxaa soo diyaariyay:
Mohamed Sheikh Abdi (weli)
Kubadda.com - London

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football