Skip Repetitive Navigational Links

Tuesday, September 07, 2010

KOOXDA HALGAN OO KU GUULAYSATAY KOOBKII SOMALI CHALLENGE CUP 2008

22 June 2008

Tartankii Somali Challenge cup 2008 oo soo biloowday 24/05/08. Ayaa shalay oo sabti ahayd waxaa cayaartii kama danbaysta ahayd fooda is daray kooxaha Al-Hijra Vs Halgan. Tartankan oo ay soo qaban qaabiyaan HAYA Somali community ayaa sanad walaba ay ku madadaaliyaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka UK siiba reer London.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatey si dagan iyo ciyaar isku dheeli tiran , inkastoo kooxda Alhijra ay gacanta sare lahayd biloowga ciyaarta balse kooxda Halgan ayaa iska caabin badan muujisay.

Kooxda Alhijra ayaa goalkii ugu horeyay ciyaarta si qurux badan goalhayaha kooxda Halgan u daba mariyay, goolkaas oo uu u dhaliyey ciyaaryahanka u sitey lambarka 21, ciyaaryahankaas oo ah mid inta badan kooxda Alhijra uga dheela gool haynta ama u qabta goalka, balse shalayto ka ciyaarayey afka hore ama number 9.

Run ahaantiina kooxda Alhijra ayaa iska lumisay fursado badan oo u saamixi karey inay goolal badan kaga dhaliyaan kooxda Halgan qaybtii hore ee cayaarta, inkastoo wiilka u dhaliyey goolka uu lumiyay fursado badan.

Kooxda Halgan ayaa iyana muujisay ciyaar wanaagsan, iyadoo ay u dheelayeen laacibiin aad u Qatar galinaayey daafaca kooxda Alhijra, kuwaas oo aan ka tilmaami karo ciyaaryahanada kala sitey numberka 7, 18, 17 iyo number 3, kooxda Halgan ayaa gool laad dheer ah ka dhalisay kooxda Alhijra ciyaarta qaybteedii koowaad, halkaas oo ciyaarta qaybteedii hore ku dhamaatey Alhijra 1 - 1 Halgan.

Latishiyo dheer kadib ayaa waxaa bilaabatay qaybtii danbe ee ciyaarta waxaana dar dar cusub la soo baxay kooxda Halgan FC, oo la wareegtay gacan ku haynta ciyaarta iyagoo ayna u suurta gashay in ay dhaliyaan goolkii labaad, waxayna ciyaartii ku soo gaba gabowday Alhijra 1 - 2 Halgan. Halkaas oo ay guushii ku raacday kooxda Halgan FC.

Labada kooxood ayaa markii hore isku guruub ahaa aydoo ciyaartii horana Halgan FC ay 2-1 kaga adkaatay kooxda Alhijra ayay mar labaad shalay hadana u biistay goolal la mid ah kuwii hore.

Kooxdan Halgan FC ayaa dhisan mudo yar waxaana macalimiin u kala ah Macilnka weyn ee Maxamed Ismaaciil (sitey) iyo waliba macalinka kale ee Fu'aad oo ah labaduba kuwo aad iyo aad u soo dhisay kooxda.

Cayaarta ka dib waxaa la gudoonsiiyay Kooxda Halgan Koobkii kaalinta koowaad ee Somali Challenge Cup 2008, ciyaaryahankii ugu wanaagsanaana waxaa loo gartay Maxamed yare oo numberka 7aad u sita kooxda Halgan FC, boortiyeerigii ama goolhayihii ugu fiicnaana waxaa la siiyay boortiyeeriga kooxda Halgan FC Cabdiladiif. Kooxdii ugu cayaar wanaagsanayd tartanka waxaa loo gartay kooxda Halgan FC.

Hadaba hadaynu nahay maamulka kubadda.com waxaan u hambalyeeynaynaa kooxda Halgan FC iyo dhamaan maamulka kooxda. Anagoo si qaas ah suluto ugu saarayno labada macalin ee kooxda daadihiya ee k ala ah Maxamed Ismaaciil (sitey) iyo Fu'aad. Waxaana leenahay dadaalkiina halkaas ka sii wada.

Waxaa laga yaabaa in dad badan ay is waydiiyaan waxa aan salutada ka wadno, waa astaantii salaanta ciidamada qalabka sida. Maadaama uu Maxamed Ismaaciil (sitey) ka soo jeedo kooxdii Horseed ee Ciidamada qalabka sida, asaga ayaan ula dan leenahay. Hambalyo Maxamed Again.

Waxaa soo diyaariyay:
Mohamed Sheikh Abdi (weli)
Kubadda.com - London

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football