Skip Repetitive Navigational Links

Monday, February 06, 2012

GERMANY OO U AWOOD SHEEGATAY PORTUGAL CAYAARTII QUARTER FINALKA EURO 2008

20 June 2008

Macalinka kooxda Germany Joachim Low, in kasta oo loo diiday in uu kooxdiisa safka la soo galo, laguna ganaaxay in uu istaaga ku fiirsado cayaartii Quarter final-ka kooxddisu xalay la lahaayeen xulka Portugal, ganaax uu qabay aawgiis, hadana kooxdiisa waxay muujiyeen casharaduu soo faray sidii loogu tala galay, kadib markii ay ku quusiyeen 3 -2 gool, kooxdii dhalinta yareed ee Xulka Portugal tartankii Euro 2008. Taas oo soo afjartay rajadii macalinka Portugal Luiz Felipe Scolari, uu ka lahaa hanashada koobkaan inta uunan ku wareegin Kooxda Chelsea Football Club ee ka dhisan dalka Ingriiska.

Kulankaan oo ahaa cayaartii koowaad ee ay Quarter final-ka isugu soo hareen 8-deeda kooxood ee tartanka Euro 2008. Ayaa xalay wuxuu ahaa mid aad u xiiso badan, kooxuhun ay kala cabsi qabeen, ayay xalay labadan kooxood muujiyeen cayaar aan marna laga ilmirigleyn karin.

Macalinka Qaranka Portugal Scolari

Kooxda Germany ayaad mooday in ay is bidayeen awood qibradeed iyo raadin gool ka badan tan kooxda Portugal , una suurto gelisay in ay ku hor maraan gooshii koowaad iyo labaadba oo ay u kala dhaliyeen Bastian Schweinsteiger iyo Miroslav Klose. Inkastoo ay xulka Portugal muujiyeen dadaal dheeri ah si wanaagsana u cayaareen heleena fursado fiican oo gool lagu dhalin karay hadana waxay ka badin waayeen in ay hal gool oo qura soo ceshadaan qaybtii hore ee cayaarta kaas oo uu u dheliyay Nuno Gomes, Ciyaartiina ku soo gaba gaboowday qaybtii hore 2-1 ay ku hogaaminaysay kooxda Germany.

Hase ahaate qeybii danbe ee cayaarta markii laysku soo laabtay ayaad waxaad mooday in kooxda xulka Portugal canaan badan la soo canaantay, lana soo baxeen dadaal dheeri ah, nasiibxumase waxay noqotay markii hadana gool sedexaad uu daba mariyay Michael Ballack, kubadd karoos ahayd oo uu hortaagnaa iskana riixay laacibka ay Chelsea isku kooxda ka yihiin ee Paulo Ferreira, kadibna kubad madax ah oo qurxan ka dhaliyay kooxda Portugal, waloow daqiiqadii 87'aad ciyaarta oo ay ka harsan tahay 3 daqiiqo oo qura ay Portugal heleen gool hadana waqti ku filan oo ay ku dhaliyaan gool kale ma dhineen waqtiga, cayaartiina waxay ku dhamaatay 3 -2 gool oo ay guushii ku raacday kooxda dalka Germany.

Tani waxay hami aad u fiican gelinaysaa kooxda Germany waana markii labaad oo ay u awood sheegtaan qaranka Portugal, waatii hada ka hor cayaartii booska kaalinta saddexaad loogu dagaalamayay cayaarihii adduunka 2006 kaga badiyeen isla kooxdaan Portugal goolal la mid ah kuwaan oo kale.

Kooxda Germany ayaa ah kooxdii ugu horaysay ee u soo gudubta semifinal, sugaysana in ay la cayaarto kooxaha Croatia ama Turkey oo caawa oo bishu tahay 20-ka June 2008 ku cayaari doono garoonka magaalada Vienna. Tii soo baxdo Kadibna maalinta Arbacada soo socoto garoonka Basel, kula cayaari doonaan cayaaritii semifinal-ka, kuna han wayn yihiin in ay mar kale noqdaan kooxda ugu horaysa ee u gudubto Finalka.

Labada koox ee caawa ciyaaraya ee Croatia iyo Turkey, ayaa kooxda Turkiga awoodooda la qajilayaa maadaama 7 ka mid ah cayaaryahanada safka hore ug cayaari jiray ay caawa ka maqan yihiin.

Cayaaraha Quarter final-ka inta dhiman ayaa kooxuhu waxay isku arkayaan sidaan:

MAALINTA

KOOXDA

Natiijo

KOOXDA

WAQTIGA

19 June 2008

Portugal

2:3

Germany

Xalay Nat

20 June 2008

Croatia

Vs

Turkey

2:45 PM

21 June 2008

Netherlands

Vs

Russia

2:45 PM

22 June 2008

Spain

Vs

Italy

2:45 PM

Waxaa soo diyaariyay:
Mohamed Sheikh Abdi (weli)
Kubadda.com - London

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football