BOSTON CELTICS OO NOQOTAY HORYAALKA NBA BASKETBALL 2008
18 June 2008
Waa markii 17aad ee ay kooxda Boston Celtics ku guulaystaan koobka kubadda kolayga NBA (National Basketball Association) inkastoo ay kor u dhowrayeen mudo ka badan 22 sano. Saq dhaxe xalay oo talaado ahayd saacada London ee GMT (Greenwich Mean Time) ayaa cayaartii 6-aad ay iskaaga hor yimaadeen kooxaha NBA-da LA Lakers, iyo Boston Celtics.
Kooxahaan oo horaantii soo kala reebay kooxaha ka kala socday Bariga iyo Galbeedka America iyo Canada ayaa waxaa qorshahu ahaa in ay ugu badnaan is arkaan 7 jeer, kooxdii tirade ugu badan badisana ay qaado koobka loo dhigo NBA-da.
Hadaba labadii cayaar oo ugu horaysay ayay badiyeen kooxda Boston Celtics oo gurigooda lagu cayaarayay. Labadii cayaar oo xigtay ayaa hadana lagu cayaaray guriga LA Lakers. Lugtii danbe cayaartaas ayay kooxda Boston Celtics ku guulaysatay taas oo uga dhigaysay guushaas Boston Celtics 3 guul – 1guul LA Lakers.
Hadaba cayaartii shanaad oo dadka badankiisa ay qabeen in ay kooxda Boston Celtics hadii ay badiso, koobka qaadi doonto ayaa waxaa u soo daawasho tagay dadwayne aad u tiro badan oo ay ku jireen shaqsiyaad magac iyo maamuusba ku lahaa dunida, haday noqon lahayd film jilis, heesid iyo kubad cag cayaarid, kuwaas oo aan ka xusi karo sida; Actor Jack Nicholson, Actor Matt Damon, Actor Chris Tucker, Actress Dyan Cannon, Actor David Spade, Actor Sylvester Stallone, Actor Forest Whitaker iyo Andy Garcia, Retired boxer Floyd Mayweather Jr. iyo actor Denzel Washington, Actress Sally Field, Ex Los Angeles Galaxy soccer player Cobi Jones iyo New Los Angeles Galaxy soccer player David Beckham iyo wiilkiisa. Recording Artist Lionel Richie, Music producer Sean 'Puff. Diddy', Singer Ashanti, TV personality Nicole Richie, CNN broadcaster Larry King, iyo labadiisa wiil Cannon Edward King iyo Chance Armstrong King iyo inkaloo badan oo kuli moodayeen in Game 5 ay koobka qaadi doonaan kooxda Boston Celtics, balse waxaa ka diiday kooxda LA Lakers, oo si dirqi ah ku badisay, waxaana laga fursan waayay in Game 6 loo gudbo iyadoo lagu cayaarayo guriga Celtics labada cayaar ee dhiman, balse hadii ay cayaarta hore badiso kooxda Celtics ay koobka qaadaysay. Kooxda LA Lakers-na u baahnaayeen hadii ay rajo ka qabaan koobkaan in ay badiyaan in ay guulaystaan labada cayaar oo u dhiman.
David Beckham with his son
Inkastoo ay ogaayeen kooxda LA Lakers, cayaarida guriga Boston Celtics in ay adag tahay hadana waxay ku soo tashadeen in ay ku muntidaan balse markii uu cayaaryahan Garnett dhaliyay 26 dhibcood qabtayna 14 rebound, cayaaryahanka Ray Allen-na uu dhaliyay 26 dhibcood asaga iyo cayaaryahan Pierce. Waa iska garteen in xalay aynan ahayn habeenkoodii, kooxda Lakers, una ogolaadeen cayaaryahanada Boston Celtics in ay koobkaan ku guulaystaan markii ugu horeeyay mudo laga joogo ilaa iyo 1986-dii. Cayaartiina ku dhamaatay Boston Celtics 131 – 92 LA Lakers.
Kabadiska kooxda LA Lakers laga badiyay wuxuu ahaa wax la filaayay balse waxaa la malaysan waayay in dhibco 39 dhan loogu awood sheegto. Waxayna noqotay (new NBA record) koox final ah looga badiyo. Taariikhda labadaan koox hadii dib loo raaco, mar ay kooxda Celtics tiro saan u badan uga badiso kooxda LA Lakers waxay ahayd sanadii 1965 oo ay uga badisay 129 - 96 dhibcood cayaartii finalka Game-kii 5aad. Kana wuxuu noqonayaa kii labaad ee ugu badnaa ee ay laba koox oo NBA cayaar final ah iska dhaliyaan, waxaa ka badan oo kaliyah tii cayaartii dhex martay kooxaha Chicago's iyo Utah sanadii 1998-dii oo ku kala badiyay Chicago 96 - 54 Utah.
Waxaa kaloo asna kooxda Boston Celtics (new NBA record) dhigay Ray Allen oo dhaliyay tuuryada dheer ee 3-points-ka tiro dhan 7 jeer hal cayaar oo final ah. Waxaase cayaartiisa aad loola dhacay cayaaryahanka da’da yar Rajon Rondo, oo dhaliyay 21 dhibcood, 8deed marna dhiibay baasas gool lagu dhaliyay, 7 rebound-na qabtay iyo lix mar uu dhaxda ka dafay kubadda kooxda LA Lakers.
Paul Pierce (MVP)
Balse cayaarta markay dhamaatay waxaa cayaaryahanka Paul Pierce, loo gartay in uu ahaa cayaaryahankii ugu fiicnaa cayaartaan finalka ah (MVP) inkastoo cayaar wanaaga lala qaybsanayay cayaartaan Game 6, hadana waxaa loo qiimeeyay shantii cayaar ee horay loo soo dheelay dadaalkii uu muujiyay isku dar celceliska oo ah average 21.8 points iyo 6.3 assists per game.
macalinka kooxda Celtics Doc Rivers
Macalinka kooxda Boston Celtics Doc Rivers ayaa farxada guusha kooxda u hibeeyay Arnold 'Red' Auerbach, asagoo dhaajinayay afkana ku hayay sigaarka uu cabi jiray milkiilihii iyo laacibkii hore ee kooxda Boston Celtics qayb ka ahaa guulihii ay horay u gaareen oo geeriyooday asagoo jira 89 sano kuna dhintay magaaladii uu ku dhashay ee Washington, DC sanadii 2006 bishii October 28-keedii.
Waxaan dhihi karaa waa u qalmeen guusha kooxda Celtics, mana jirin koox sidooda oo kale u soo mintiday qaadida championship-ka, maxaa yeelay 26 cayaar oo isreebreeb ah (postseason game) ayay dheeleen, ka soo biloow 7-dii cayaar ay la dheeleen kooxda Atlanta iyo Cleveland intii aynan u soo gudbin kooxda Detroit oo ay isla gaareen Lix cayaar tii ay ugu soo baxayeen tartanka qaybta Bariga (Eastern Conference title).
Guusha kooxda Boston, waxaa qayb lixaad leh ka qaatay taageerayaashooda oo ciil badan u qabay in ay guulaystaan oo mar walba dhiiri gelin la garab taagnaa kooxda.
Waxyaabihii xasuusta qaaska lahaa intii uu tartanka finalku socday ay muujiyeen ayaa laga xasuusan karaa, ayagoo intooda badan ku soo labistay funaanado midabka cadaanka ah oo dhexda uga qorneed Garaaca L.A. "Beat L.A." iyo waa guusheenii 17aad "Seven-teen" taas oo aan filaayo in ay kor u qaadaysay mooraalka kooxdooda.
Waxaa soo diyaariyay: M Sheikh
Kubadda.com- London – UK