ISKU AADKA JADWALKA KOOXAHA INGRIISKA TARTANKA PREMIER LEAGUE SANADKA 2008-2009
16 June 2008
Sanadkan tartanka Premier League ayaa la filayaa in uu ka cuslaado sanadihii la soo dhaafay, kooxaha ugu horeeyay jadwalka sanadkii hore ee Manchester United, Chelsea, Arsanal iyo Liverpool ayaa waxay u diyaar yihiin in ay qarash gareeyaan lacago badan sidii ay ku hanan lahaayeen koobka sanadkaan. Kooxda qaaday koobka sanadkii hore ee Manchester United ayaa cayaartooda hore jadwalka sanadkan cusub ee 2008 – 2009 ay fooda is dari doonaan kooxda Newcastle, oo ugu imaan doonto garoonkooda Old Trafford.
Sidoo kale isla maalintaas 16-ka August 2008, macalinka cusub ee kooxda Chelsea Luis Felipe Scolari, ayaa garoonka Stamford Bridge kula cayaari doono kooxda ku guulaysatay koobkii FA Cup-ka ee Portsmouth. Kooxda Arsenal ayaa iyana garoonkooda Emirates Stadium, kula cayaari doonaan kooxda sanadkaan u soo gudubtay Premier League-ga eeWest Brom . Kooxda Liverpool –na waxay garoonka Stadium of Light kula cayaari doonaan kooxda Sunderland.
Cayaarta ugu soo horayso ee ay afarta koox oo ugu wayn tartankaan isku arki doonaan ayaa iyadana ah Sabtida 13-ka September 2008, oo ay kooxda Manchester United u socdaali doonaan garoonka Anfield si ay ula cayaaraan kooxda Liverpool. Jadwalka dhamaantiisna waa kan hoos ku qoran:
Inkastoo laga yaabo in ay is bedelaan maalamaha qaarkood cayaaraha la cayaarayo sababo jiro aawgood, hadana waxaa la go'aamiyay in ay noqon doonaan sidaan kor ku cad. Hadii qalad ka yimaado taariikhahaan la ciyaarayo oo la bedelo maalinta cayaarta jadwalka webka kubadda.com ka mas'uul ma ahan.
Waxaa soo diyaariyay: M Sheikh
Kubadda.com- London - UK
Copyright © The Football Association Premier League Ltd