Skip Repetitive Navigational Links

Tuesday, September 07, 2010

KOOXAHA ALHIJRA IYO HALGAN FC OO U SOO BAXAY FINAL

15 June 2008

Tartankii Somali Challenge cup 2008 oo soo biloowday 24/05/08. Ayaa shalay oo sabti ahayd waxaa wada cayaaray afartii kooxood ee u soo gudbay Semifinalka, kuwaas oo kala ahaa Halgan FC Vs Hayes FC iyo kooxaha Al-Hijra Vs Golf Link.

Tartankan oo ay soo qaban qaabiyaan HAYA Somali community ayaa sanad walaba ay ku madadaaliyaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka UK siiba reer London.

Hadaba kulinkii koowaad ayaa waxaa cayaar xiiso badan ku dhex martay garoonka Hayes ee waqooyiga magaalada London Labada Kooxood ee Halgan FC iyo Hayes FC.

Labada kooxood ayaa semi-finalka ugu soo gubay ayagoon marna laga badin, waxayna ahaayeen kuwa aad u adag, hadaba markii ciyaartu bilaabatay ayaa waxaa durba gool ku hor maray kooxda Halgan FC, kadibna waxaa is badalay jawigii ciyaarta ayadoo laysku bilaabay weerar iyo weerar celis waxaana kooxda Hayes FC, u suurta gashay in ay laba gool oo daraan dori ah ka dhaliyaan kooxda Halgan FC, taas oo cayaarta qaybteedii hore ku dhamaatay 2-1 ay kooxda Hayes ku hogaamineysay ciyaarta.

Kadib la tashiyo dheer waxaa la isugu soo laabtay ciyaartii waxaana mooday in durbadiiba ay kooxda Halgan FC la soo shirtagtay cayaar wanaag dheeri ah, ayagoo markiiba la wareegay maamulida kubada waxaana u suurta gashay in ay si sahlan ku dhaliyaan 3 gool, ciyaartiina ku soo gaba gaboowday 4 - 2 ay guushii ku raacday kooxda Halgan FC. Kooxdii martida loo ahaa tartanka oo Koobka dhigtay ee Hayes FC–na iyada oo madaxa laad laadinaysa ka baxday tartanka.

Kooxda Halgan oo ka mid ah kooxaha ka tirsan ururka Suiki, ayaa sanadkaan muujisay cayaar wanaag dhabarkana dhulka u soo dhigtay kooxo xoog badan oo ku jiray tartanka, lagana yaabo in ay sanadkaan ku guulaysato koobka ayadoon marna laga badin.

Kulankii labaad ayaa waxaa iyagana fooda is daray kooxaha Al-Hijra iyo Gulf Links. Labadan kooxood ayaa iyagana waxay soo bandhigeen cayaar aad u raali gelisay daawada yaashii ka soo qayb galay tartanka. Inkastoo aad mooday in labadan koox ay kala awood roonaayeen xaga farsamada ayaa waxaa kooxda Al-Hijra ugu awood sheegatay kooxdii Gulf Links 6 gool iyo Hal.

Kooxda Halgan FC

Kooxda Alhijra FC

Waxay u muuqataa in ay isku soo hareen laba koox oo aad u awood badan sanadkaan, balse runtii aan la qiyaasi karin cida guusha la hoyan doonto cayaarta kama danbaynta ah. Ma kooxda Halgan FC oo ah koox ku cusub masraxyada cayaaraha ayaa la hoyan doonto koobkan ? Mise kooxda Al-Hijra oo ka mid ah kooxaha ugu faca wayn kooxaha Soomaalida qurbaha ka cayaara siiba London, ayaa ku darsan doonto koobkaan koobabkii ay horay u hanatay ?

Waa tii horay loo yiri “Fardo laysku hayo, maxaa layskugu faanaa” Waxaa noo madal ah goobta ee ha moogaanina daawadayasha xiisaha lahoow ee sida tooska ah ula xiriiray, inta uu tartanku socday. Intii ayna u suurto gelin naga war haaya hadaan nahay kubadda.com anagaa idiin soo gudbin doono natiijada iyo meesha uu ku soo idlaado koobkaan.

Qore: Fu’aad Mahdi

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football