Skip Repetitive Navigational Links

Tuesday, September 07, 2010

KOOXDA CHESEA OO KU DHAWAAQDAY IN MACALINKA PORTUGAL SCOLARI UU MACALIN U NOQON DOONO KOOXDA

12 June 2008

Kooxda Chelsea Football Club ee ka dhisan dalka Ingriiska oo ahayd macalin la’aan, sidii ay u buriyeen macalinkii hore ee Avram Grant, bishii la soo dhaafay 24-keedii ayaa ay kooxdu xalay ku dhawaaqeen in tababaraha xulka Qaranka Portugal Luis Felipe Scolari, oo dhalashadiisu tahay Brazilian, uu noqon doono macalinka kooxda Chelsea bilowga 1da July 2008 oo qiyaasihii ku aadan dhamaadka tartanka Euro 2008.

Cadayn ay soo qoreen maamulka kooxda Chelsea Football Club ayay ku sheegeen in Scolari oo da’diisu tahay 59 jir, uu yahay macalin kamid ah, kuwa ugu qibrada fiican adduunka waqtigaan xaadirka ah, marka la fiiriyo xaga guusha uu u soo hooyay kooxaha Qaranka uu soo layliyay iyo Naadiyadaba.

Scolari wuxuu ku guulaystay sanadii 2002 koobkii adduunka (2002 world cup) xiligaas oo uu waday kooxda xulka Qaranka Brazil. Kadib wuxuu qabtay Qaranka Portugal oo uu ayaguna gaarsiiyay final tartankii Euro 2004. Sidoo kale sanadii 2006 kooxda dalka France ayaa ku reebtay semifinal tartankii Aduunka (2006 world cup). Intaas ka hor wuxuu ku guulaystay koobka lagu magacaabo Copa Libertadores ee laga cayaaro South America, kaas oo u dhigma Champions League oo uu u qaaday kooxda reer Brazil ee Gremio iyo kooxda Palmeiras. Wuxuu kaloo u qaaday kooxda (Gremio) sanadii1996-dii koobka horiyaalnimada dalka Barazil (Brazilian championship). Saddex marna (Brazilian cups) iyo saddex mar (South Rio Grande championships).

Scolari, oo mararka qaarkood loogu yeero Big Phil, wuxuu noqon doonaa macalinkii Afaraad intuu kooxda lahaa milkiilaha Roman Abramovich's, oo horay kooxda uga eryay Claudio Ranieri, Jose Mourinho iyo Avram Grant.

Waxaa in dhawaale ahba la hadal hayay, in ay kooxda macalin u noqon doonaan sida macalinka kooxda AC Milan, Carlo Ancelotti, macalinka cusub ee kooxda Manchester City Mark Hughes iyo macalinkii hore ee kooxda Inter Milan Roberto Mancini, balse waxaa ka dhex kacay Luis Felipe Scolari, oo uu la dhacay milkiilaha kooxda.

Scolari, ma ahan markii ugu horaysay ee ay koox Ingriis ah soo dalbadaan ama Qaranka Ingriiskaba ha ahaatee. Sanadii 2006-da intii ay socdeen, cayaarihii adduunka lagu qabanayay dalka Germany ayaa xiriirka maamulka kubadda cagta ingriiska FA-da ay rabeen in ay ku bedelaan Scolari, macalinkii kooxda Ingriiska waqtigaas hayay oo ahaa Sven Goran Eriksson. Xiligaas ayayna ugu dhawayd in uu aqbalo macalin nimada xulka Qaranka Ingriiska, balse wuxuu ka sheegtay weriyayaasha Ingriiska oo uuna jeclaysan sida ay ula dhaqmaan macalimiinta.

Macalinkan ayaa ah mid mar walba aan qarin karin dareenkiisa, haday noqon lahayd farxad iyo haday noqon lahayd murugo oo wejigiisa laga aqrisan karaa waqti walba. Waxaana lagu tilmaamaa in uu yahay macalin aad u kulul oo jecel in cayaaryahanadiisa ay ka danbeeyaan oo aan dheel dheel iyo kibir qaadanaynin.

Arintu si kastaba ha ahaatee, weli wuxuu ku lug xiran yahay oo uuna ka soo tegi karin

Maamulka (Portuguese Football Federation) oo heshiiska uu la galay ugu eg yahay 29-ka bisha aan ku jirno ee Juun, waqtigaas oo la cayaarayo, cayaarta kama danbaynta ah ee Euro 2008.

Cayaarta ugu soo horaysa ee uu macalinkan cusub Scolari, hor kici doono kooxda Chelsea ayaa lagu wadaa in ay tahay markuu furmo tartanka Premier League-ga bartamaha bisha Agoosto 16-ka ama 17-da ee 2008-da.

Waxaa soo diyaariyay:
Mohamed Sheikh Abdi (weli)
Kubadda.com - London

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football