Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 18, 2012

BAHDA KUBADDA KOLAYGA OO CASHO SHARAF U SAMAYSAY SHAQSIYAAD MAGAC KU LAHAA ISBOORTIGA SOOMAALIYA

11 June 2008

Waxaa lagu qabtay casho sharaf woqooyiga London, oo lagu soo dhoweynayay shakhsiyaad qiimo weyn ku leh bah weynta Isboortiga guud ahaan iyo bahda kubadda kolayga gaar ahaan. Waxaa galab horaadkii Sabtida ay cayaaryahanadii kubadda kolayga ku soo jimicsadeen garoonka Selby Centre ee magaaladan London oo ay si joogta ah iskugu arkaan. Jimicsigii ka dib waxaa loo foofay Salaadii Makhrib waxaana kadib lagu kulmay goobtii cashada soo dhawaynta ka dhacaysay.

Munaasabadan oo lagu soo dhoweynayey shaksiyaad ka kala yimi dalal fog iyo deegaano aad u dhaa dheer, oo kala ahaa: Maxamed Sheikh Muuse (Holoqsane) oo tababre u ah koox Kubadda Kolayga ah oo ka tirsan ciidamadda Qadar laguna magacaabo (Qadar Army) sanadkana ku guuleystay Horyaalka kooxaha Qatar .

Maxamed Sheikh Muuse (Holoqsane)

Maxamed oo ka tirsanaa Xulkii kubadda kolayga Qaranka Soomaaliyeed iyo kooxdii Somalita, ayaa in muddo ahba ka tirsanaa Tababrayaasha farakutiriska ah ee hogaamiya kooxo dibadda ah. Kaas oo macalin u ah kooxda kubadda kolayga reer Qatar ee Qadar Army.

kooxda Qadar Army oo sanadkana ku guuleystay Horyaalka dalka Qatar

Maxamed kooxdaan inta uusan u imaan ayay ahayd koox aan weligeed koobka horiyaalka wadankeeda qaadin, balse maanta noqotay horiyaalka kubadda kolayga dalka Qatar. Waxaan hubaa in uu qayb lixaad leh ka qaatay hurumarka ay kooxda ku tiigsatay. Waxayna hada isu diyaarinayaan kulanka wayn ee ay ku looltamaan horyaalada tartamada Aasiya iyo Carabta.

Waxaa kaloo ka mid ahaa asxaabta nasiibka u yeeshay soo dhawaynta Maxamed Abuukar Xaydaan, oo loo yaqaan (George Carab) oo ku nool dalka Switzerland magaalada Geneva.

George Carab, wuxuu ka mid ahaa cayaaryahanadii kubadda cagta ugu horaysay ee lagu furo tartanka Cayaaraha Gobolada asagoo sanadkii koowaad u saftay Gobalka Banadir, sanadkii xigayna gobolka Hiiraan, kadibna ku biiray kooxda Xanaanda Xoolaha dhirta iyo Ugaadha ee loo yiqiin WAXOOL.

George Carab sidoo kale waa sayga Gabadhii u ciyaari jirtey kubadda kolayga kooxdii Waxool, ee Madina Gureey.

Maxamed Abuukar Xaydaan Axmed Muuse

Waxaa asna marti sharafta ka mid ahaa Axmed Muuse Xuseen oo degan dalka Jarmalka, magaalada TROISTOFF, oo booqasho gaaban ku soo gaaray London, Axmed oo aan halkan ku soo koobi karin taariikhdiisa balse looga bogan karo barta shabakadda kubadda.com, gaar ahaan bogga Waraysiyada.

Waxaa isna magaaladda Cardiff ee caasimadda Wales naga soo gaaray iyaguna mudane Cabdulle Xirsi Cabdulle oo ahaa ciyaartoy kooxda kubadda kolayga naadigii WAXOOL iyo Qaranka Soomaaliyeed oo degan Cardiff iyo laba ciyaartoy oo aad u da' yar oo la kala yaraahdo Mahamed Cabdi Cartan iyo Maxamed Jaamac, oo la oran karo waxay leeyihiin mustaqbal wanaagsan hadii ay dadaalkooda sii laba laabaan dhicina karto in ay berito noqdaan kuwii meteli lahaa Qaranka Soomaaliyeed.

Mahamed Cabdi Cartan, Cabdulle Xirsi iyo Maxamed Jaamac

Waxaa kale oo joogay Nuuradiin Cali Saciid (Badda) oo hada ku sugan London, Warsame Cali Cabdi W-Dheere (Badda), Cabdiwali Sabriye (Waxool), Axmed Cabdulle Xirsi “Ahmed Bile” (LL PP) oo hada ah macalinka iyo maamulaha kooxda kubadda cagta ILAMOS, Bashiir Gurey (LLPP & Somalitex), Cabdulqaadir Garweyne (Somalita), Xasan Faarax -Macalin JOHN (W. Caanaha, Madbacadda, W. Sigaarka, Somalita iyo ENC), Maxamed Sheikh Cabdi –WELI- ( LLPP iyo Badda) iyo Cabdiraxmaan M. Guhaad SHIINO- (ENC) Maxamed Cali Weerow oo ah garsoore iyo aqoonyahan Isboorti.

Nuuradiin, Axmed Muse, M Sheikh iyo Warsame

Markii la dhamayey cashadda ayaa waxaa la isweydaarsaday ereyo, waxaana furay Xasan Faarax oo ereyo ah isxusuusin Cabsida ALLEH iyo Cibaada diisa ku bilaabay, kadib wuxuu ku soo dhoweyey dhamaan marti sharafa habeenka iyo inta kale ee ka soo qaybgashay. Waxaa waxoogaa la falanqeeyay kulanka SSIFO ee Kubadda Kolayga sanadkan la qaban doono, oo la filayo marti ka badan 60 qof in ay ku soo socoto dalka UK magaaladiisa London .

Waxaa kale oo erey kooban ka soo jeediyey Shiino Guhaad, oo xusay muhimadda u diyaar garowga iyo xilka wada sugaya reer London . Warsame dheere ayaa soo jeediyey talooyin wax ku ool ah, oo la gudoonsaday, Maxamed Sheikh Muuse oo qiiro iyo farxad ka muuqatay wejigiisa ayaa wuxuu balan qaaday inuu u soo noqon doono si uu gacan uga geysto dadaalka ay walaalihiis ku jiraan, wxuuna ku amaanay bahda Kubadda Kolayga guud ee kulmisa ururka SSIFO dadaalka iyo xilka weyn ay qaadeen.

Warsame, Axmed Muuse, Shiino Gohaad, Nuuradiin, macalin John, HOOS Axmed Bile, M Sheikh iyo Cabdulqaadir Garwayne

George carab ayaa isna wuxuu ku tilmaamay bahda kubadda kolaygu in ay tusaale u tahay bulshadda Soomaaliyeed, ku dayasho-na mudan tahay sida ay u wada shaqaynayaan, isjacaylka iyo iska warhaynta.

Goobta cashada oo mudnaanteeda ugu wayn lahaa Maxamed Sheikh Muuse (Holoqsane) guushii ay kooxdiisu soo hoysay ayaa loo wada sacabo tumay, looguna hambalyeeyay goobta. Waxaana cashadu ku dhacday layskuna sagootiyey jawi kalgacal iyo walaaltinimo ku dheehan tahay, dadkii goob jooga ahaana gelisey farxad iyo xusuus waayo waayo hore ah.

Waxaa Qoray: Xasan M. Faarax (John)
kubadda.com - London

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football